fb

Kaftan Dhex Maray Obama Iyo Weriyayaal! Jawaabihii Obama Oo Reer Mareykan Ka Yaabsaday..!!

Published: December 12, 2016, 1:16 pm

Madaxweynaha Maraykanka ayaa si kaftan ah uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen weriyeyaal . Gabadha Jilaaga ah Gina Rodriguez ayaa weydiisay “ Dhowaan waxaad noqonaysa bilaa camal, sida dad badan oo kale, markaad jagadan wareejiso ma laga yaaba inaad samaysato Blog internet ah oo aad ku shaqaysato? Waxaan maqlay inaad imikaba sii bilowday YouTube.

Weriya isna ka tirsan Telefishinka SBS News ayaa isna weydiiyay:” Ma laga yaabaa inaad wade ka noqoto baabuurta la kireeyo, oo markii aanu shaqada ka rawaxno na qaado, ka dibna aan aragno in waduhu yahay Madaxweynihii 44 aad ee  Maraykanka ?

Weriyayaasha ayaa Obama su’aalahan  weydiiyay ka dib doorashadii uu ku soo baxay Donlad Trump..  Obama ayaa isagoo qoslaya ku jawaabay “ Fikarkayga ugu weyni waa inay shaqo helaan dhalinyarada hablaha iyo wiilasha ah, inaan anigu mar kasta sheqeeyo xikmadi kuma jirto” .

Shaqooyinku waa isku mid waxa muhiim ah in qofku haysto shaqo ku filan oo aanu ku werwerin, waana taasi tan aan dadka la doonaynaa. Isagoo kaftamaya ayuu yidhi “ haa, wade ayaan u noqonayaa shirkadda opera , waa shirkad weyn oo xarunteedu tahay Sanfaransiisko , dadka adeeg u qabta, waanan u shaqayn karaa”. Isagoo u muujinaya dadka in shaqo la’aantu ay tahay dhibaatada, laakiin shaqooyinku aanay kala mudnayn.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply