JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Japan Oo Dhisaysa Kombiyuterka Ugu Wayn Adduunka Uguna Degdega Badan

Published: November 30, 2016, 1:33 pm

Japan ayaa bilowday mashruuc ay ku dhisayso kombuterka ugu wayn ee ugu dhaqsaha badan dhamaadka sanadka 2017. Japan waxay sheegtay in la qorshaynayo in lagu qarash gareeyo £140 milyan si loo sameeyo kombuterka AI Bridging Cloud (AIBC).

Waxay rajaynaysaa in AIBC uu ku shaqayn doono xawaare gaadhaya 130 petaflops, oo ka dhokhso badan kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha ee ah kan ugu dhaqsaha badan.

Mashiinka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu sameeyo daraasaadka xogta tirada badan, sida a sheegtay dawlada Japan.

Shaqada ugu horeeya ee uu qaban doono kombuterka ayaa waxay noqon kartaa daraasaad caafimaad ama shaqo lagu horumarinayo borogaraam kombuterka loo isticmaalo baabuurta aan darawalka lahayn iyo mashiinada robot-ka ah.

Awoodda kombuterka AIBC, ee la filayo ayaa noqon doona mid aad u dhakhso badan islamarkaana xawaarihiisu ka sarrayn doono 93 petaflops oo uu hadda yahay kombuterka Sunway TaihuLight ee Shiinaha, kaasoo meesha ugu saraysa ee uu gaadhi karo ay tahay 125 petaflops.

“Inta aan ognahay, ma jiro wax ka dhaqso badan,” ayuu ku sheegay Satoshi Sekiguchi, oo ah madaxa ‎(National Institute of Advanced Industrial Science and Technology), hadal uu soo saaray.

Ma cadda processor-ka loo isticmaalayo mashiinka. Shiinaha ayaa go’aan ku gaadhay inay soo saarato mid ay leedahay markay samaynaysay kombuterka Sunway.

Ganacsatada Japan ayay u suurto gali doontaa inay kiraystaan waqti ay kombuterka ku isticmaalaan si ay u samaystaan daraasaad.

Dowladda ayaa rajaynayso inay ka maarmi doonaan shirkadaha sida Amazon, Microsoft iyo Google markii ay u baahdaan konbuter awood badan leh

Mashruuca lagu dhisayo kombuterka AIBC, ayaa ka mid ah barnaamij ay dowladda ku doonayso in lagu soo celiyo sumcadii ay Japan ku lahayd sayninka iyo teknoolajiyada.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply