fb

JACAYLKA ALLAAH DARTIISA U DHAXEYN KARA LABA QOF OO AJNABI KALA AHI WAA QAABKEE?

Published: December 26, 2016, 4:52 pm

Nimcada uu Allaah inagu Galladeystay ee Islaamka ah ayaa waxaa ka mid ah inuu Muslimiinta ka dhigay Ummad walaalo ah oo isku Gargaarta. Walaaltinnimadaasna waxaa ka dhasha Xuquuq iyo Waajibaad.
Qof kasta oo Muslim ahi waa inuu wanaagga la jeclaado Walaalahiisa Muslimiinta ah, waana inuu Dhibkiisa ka ilaaliyo dhammaan Walaalahiisa Muslimiinta ah.

Rabbi wuxuu Qur’aanka meelo kala Geddisan inoogu Tilmaamay sida uu Muslimiinta u Walaaleeyey, loogana baahan yahay iney isku Xiriiriyaan oo isugu Gargaaraaan:-

والمؤمنون والمؤمنات بعضهم أولياء بعض يأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر ويقيمون الصلاة ويؤتون الزكاة ويطيعون الله ورسوله أولئك سيرحمهم الله إن الله عزيز حكيم
Ragga Mu’miniinta ah iyo Dumarka Mu’minaatka ahi Qaarkood Qaarka kale ayey u Gargaaraan (iyagoo is jecel ayey isku tiirsan yihiin), Wanaagga ayey is Faraan, Xumaantana wey iska Reebaan, Salaaddana wey oogaan, Zakadana wey bixayaan, waxeyna Addeecaan Allahood iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u Naxariisanaya Allaah. Allaah ayaana Awood badane ah oo yaqaana Shey kasta sida u haboon.
(Suurat Attowbah:71).

Haddana waxaa si Khaas ah loo sii Amaanay in Wof ama Laba ama ka badan oo Muslimiinta ka mid ah si gaar ah loogu sii jeclaado Allaah Dartii, iyadoo Qofkaasi ama Dadkaasi loo arko iney Allaah jecel yihiin.

Maalin maalmaha ka mid ayaa Nin soo ag maray Rasuulka CSW, markaas ayaa Nin Rasuulka CSW, ag Fadhiyey ayaa Rasuulka ku yiri:- Rasuulkii Alloow Ninkaa waan jeclahay. Markaas ayaa Rasuulka CSW, wuxuu ku yiri:- Ma u sheegtay?. Ninkii ayaa markaa ku jawaabayay:- Maya uma sheegin.
Kolkaas ayaa Rasuulka CSW, wuxuu ku yiri:- U sheeg. Ninkii inta uu kacay oo Ninkii ka daba tegay ayuu ku yiri:- Allaah Dartii ayaan kugu jeclahay. Kolkaas ayaa Ninkii kalana ugu jawaabay:- Haku jeclaado Midka (Allaaha) aad Dartiisa igu jecaatay.

Gabadhu waxey sidan oo kale u sheegaysaa Gabadha kale iney Allaah Dartii u jeceshahay, Ninkuna sida Saxaabigaas ayuu Ninka Walaalkiisa ah ugu sheegayaa inuu Allaah Dartii ugu jecelyahay. Sidoo kale haddii Laba qof oo Rag iyo Dumar kala ah oo aan Ajnabi kala ahayn oo Muxram isku ah iyaguna sidaas oo kale ayey isugu sheegi karaan.
Kuwa Ajnabiga kala ah laakiin laga Aamin qabo inaan Fitno ka imaaneynin wax Dhibaato ah ma laha inay is dhahaan Allaah Dartii ayaan kugu jeclahay. Dadka waawen ee Duqayda ah ayaana la sheegaa iney soo galayaan.
Waxase aan Bannaanayn waa in Wiil iyo Gabar Ajnabi kala ah ay Kelmedahan is weydaarsadaan dabadeedna uu Shaydaanku ka Faa’idaysto. Ama ha noqoto iney kulmaan oo isugu soo dhawaadaan Allaah Dartii ayaan kugu jeclahay, ama Telefoon haku wada hadlaan ama Aaladaha internetka haku wad Xiriiraano.

Rasuulka CSW, wuxuu ka Reebay Asxaabta iney Haweenka u galaan, weliba si adag ayuu uga Reebay in Lab iyo Dheddig Ajnabi kala ah ayna Guri cidla ah keligood isla joogin, wuxuuna sheegay inuu Shaydaanku Saddex ku yahay.
Waxaa kale oo uu Rasuulku CSW, uu sheegay inuu Shaydaanku ku jiro Jirka Banii’aadamka sida uu Dhiiggu ugu Wareego Xididada Jirka.

Waxaa dhacda in mararka qaarkood inta Dhallinyaradu Kelmadahan is weydaarsadaan inay Durbadiiba Bilaabayaan iney u sii Gudbayaan Kelmedo Dareenkooda kiciya, ka dibna halkaa uu Shaydaanku ka Bur-buriyo kana Fitneeyo Diintoodii. Haye Abaayo Macaan, Haa Aboowe Macaan, Ukhtii Fillaah, haye Akhii Fillaah. Dhallinyarada Beryahaan aad ayey ugu badan tahay Kelmadda Macaane iyo Macaanto.
Ragga iyo Dumarku haddii ay Guur iska rabaan wey is jeclaan karaan, weyna Sheekaysan karaan haddii ay ku Ekaanayaan inta Shareecadu u Oggoshahay. Haddiise Qofka Ajnabiga ah loo jecel yahay Allaah Dartii waa ineyna keenin Cilaaqaad Dhaafsiisan Hadal kooban oo Macruuf ah, markaana laga wada hadlo iyada oo sitaar u Dhexeeyo oo aan la is Oranaynin Hadal Debecsan oo Qofka kale Qalbigiisa iyo Dareenkiisa Kicinaya, waana kaa hadalka Macruufka ah ee Gabdhaha la Faray, weliba waa inay Gabadhu Hadalkeeda ka Dhigtaa mid kooban oo yar oo Ninka u muujiaya inayna Hadalkiisa iyo Sheekadiisa sii rabin.

Gabdhuhu waxay garan karaan inuu Ninku Allaah ka Cabsanaayo haddii uu Indhaha Laabanaayo, iskana ilaalinasyo inuusan Gabadha Keli la noqonin, Hadalkiisana Xakameynaayo oo uusan Xuduudka Sharciga ka Tallaabsanaynin. Hadduusan Dhaqankaasi lahayna, waa iney Ogaato inuu Shaydaan wato.
Ragguna waa inay Ogaadaan inuu ahaa Dardaarankii Rasuulka CSW:- Aniga Gadaasheyda, Ragga kuma imaaneyso Fitno Dumarka ugaga Daran.

(ILAAHOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply