fb

In Badan Ka Ogoow Khudaarta Xoojiso Xasuusta Iyo Caqliga Bini’aadamka..

Published: December 23, 2016, 3:20 pm

Khabiirad u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay khudaar iyo waxyaalo kale oo ay sheegtay inay xoojiyaan xusuusta , gaar ahaana marka la gaboobo ,iyada oo si gaar ah farta ugu fiiqday dhanka raga oo ay sheegtay inay u fiican tahay.

Khabiiraddan oo lagu magcaabo Cassandra Barnes ayaa shegtay in xuntooyinka khudaarta u badan ee ay ku jirto macdanta loo yaqaano Vitamin B 12 ay tahay mid aad ugu wanaagsan dhanka koritaanka maskaxda dadka , iyada oo sheegtay inay Vitamintu tahay shay aad ugu muhiim ah badbaadona u noqotay unugyada maskaxda.

Waxa kale oo ay sheegtay in waxyaalaha ka kooban Fatty Acids ku ay  iyaguna yihiin kuwo maskaxda ku ilaaliya xusuusta , gaar ahaana marka uu qofku aad u weynaado, waxa kale oo ay tilmaantay in khudaarta cagaarani ay tahay mid iyaduna ilaalisa joogitaanka xusuusta maskaxda.

Xoolaha nool ayay sheegtay in laga helo Vitamin 12 ka, waxa kale oo ay sheegtay in sidoo kalena laga helo Kaluunka oo isna ah mid aad u muhiim ah,.

Waxay soo jeedisay mrs Cassandra  in loo baahan yahay in aad loo isticmaalo khudaarta , gaar ahaana ta laga helo macdanta loo yaqaano Magnesium ta oo iyaduna ah mid u fiican maskaxda iyo lafahaba, iyada oo fududaysa inay Wararka kala duwan ee maskaxda u socda maskaxdu si fudud u hesho.

Waxa kale oo ay ku dartay cuntooyinkaasi Beedka oo ay sheegtay in aad looga helo macdanta lagu magcaabo Zinc , taas oo qayb weyn ka qaadatay shaqada maskaxda.

Macdanta Vitamin B-da loo yaqaano ayaa ah mid ay iyadana sheegtay inay dejiso habka Neerfaha , iyada oo door muhiim ah ka qaadata waxbarashada iyo  shaqada qaybta xusuusta iyo xifdiga ee maskaxda.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu webka Kobciye.Com kazoo xigtay ayaa sidoo kalena lagu sheegtay in Chocolate ku yahay mid maskaxda siiya Iron badan oo uu cariyo  kadibna uu jidhku soo daayo  sidaasina ay maskaxdu ku hesho.

Waxyaalo kale oo kamid ah waxyaalaha la wershadeeyo ayay sheegtay in ay iyagu dhib ku keeni karaan maskaxda qofka , iyada oo ay ka kooban yihiin Macdano badan, gaar ahaana Iordine ta oo ay sheegtay inay dhib ku keento maskaxda.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply