JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

In Badan Ka Barro Sida Jirka Iyo Timaha Loogu Qurxiyo Malabka Dabiiciga Ah…

Published: January 31, 2017, 1:27 pm

Malabka Jirka iyo Timaha Honey Mask Khubaro ku takhasustay Qurxinta iyo Daryeelka Caafimaad ee Maqaarka Bini’aadamka ayaa cilmi baaris ay muddo wadeen ku sheegay in Malabka oo la Marsado ay Qeyb wax ku oola ka qaadato Quruxda Wejiga Qofka iyo guud ahaanba Maqaarka.

Khubaradaan oo ka kala tirsan Jaamacadda Cambridge ee magaalada London iyo Mac’had Cilmi baariseed oo isla London ku yaalla Daraasad ay muddo wadeen ayey ku Caddeeyeen in is Qurxinta Xilli Qaboobaha oo inta badan Maqaarka sare adkaado ay tahay Xilliga ugu wanaagsan ee looga Faa’iidaysan karo Qurxinta Maqaarka.

Cilmi baarayaashani waxay sheegeen in Xilliga Jiilaalku uu yahay Xilliga ugu wanaagsan ee looga Faa’iidaysan karo Qurxinta Jirka iyo kor u qaadista Bilicda Maqaarka. Khubaradu waxay si gaar ah u xuseen in Malabku yahay maadada ugu fiican ee Qurxinta Maqaarka loo adeegsan karo.

Malabku waxa uu Jirka ka ilaaliyaa Dildilaaca iyo Qaleelka, waxa uu ka ilaaliyaa Qolofta, waxaa uu Baabi’iyaa Finanka wejiga, wuxuu u Wanaagsan yahay Timaha, wuxuu Maqaarka ka Diifaaca waxyeelada Deegaanka,. Waa waxa ugu wanaagsan ee la isku Qurxin karo, isla markaana ah Dabiici aan wax saamayn ah ku yeelanayn Jirka.

SIDA LOO MARSADO.

1- Soo qaado Jab Liin Dhanaan ah iyo Malab.

2- Ku Shub Liin Dhanaanta 3-4 Dhibcood oo Malab ah.

3- Wejigaaga mari Liin Dhanaanta si diiran ilaa 5 daqiiqo.

4- Markaad Dhameysid Biyo Qandac ah ku Dhaq wejiga.

Islamarkiiba waxa arki doonta isbeddel, iyo Wejigaada oo Nuuraaya. Liin dhanaanta waxey Baabi’isaa Nabraha yaryar, Malabkana wuxuu Wejigaga ka ilaaliyaa Qaleylka.

SIDA LOO BAABI’IYO FINANKA WEJIGA.

Si aad isaga Baabi’iso Finanka Wejiga Raac Tallaabooyinkaa hoos ku Xusan:

1- Soo qaado Malab iyo Qorfe (Cinnamon).

2- Isku qas – 3 qaado oo Malab ah iyo 1 qaado oo Qorfe budo ah.

3- Wejiga mari Adigoo u deynaaya mudo 10 daqiiqo ah.

4- Ka dibna Iska Dhaq.

Malabka iyo qorfaha waxay daaweeyaan Xanuunada ku dhaca Maqaarka sida Finanka wejiga iwm manalaha wax dhibaato ah ama (side effects), sababta oo ah waa wax Dabiica ah oo aan Kiimiko ku jirin ama aan laga sameynin.

SIDA TIMAHA LOOGU QURXIYO. :

1- Soo qaado Olive Oil, Malab iyo Caano garoor (Yougurt).

2- Ku shub baaquli olive oil, kadibna geli Microwave-ka ilaa ay Qandhac ka noqoneyso (yuusan Kululaanin), ku dar Labo qaado oo Malab ah iyo 1 qaado oo Caano garoor ah iskuna qas.

3- Mari Timahaaga oo Nadiif ah, ka dibna Bac ku xiro timaha.

4- Hakuu saarnaado muddo ugu yaraan 20 daqiiqo ah, kadibna Biyo Qandac ah isaga Dhaq.

Marso Usbuucii Hal ama Labo jeer, Insha Allah muddo Hal bil ah ayaad Natiijo ka Dareemi doontaa

Waxay kaa joojinayaan Timaha Daadanaaya, wey kuu Nafaqeynayaan, waxeyna Timahaaga ka dhigayaan kuwo Ifaaya, weyna kuu Dheeraanayaan Insha Allah.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply