JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

ILA QOSOL:- Sheeko Aad U Qosol Badan Hadana Xikmad Aad uFog Xambaarsan..

Published: December 20, 2016, 1:21 am

Waxa jiri jiray nin taajir ama maalqabeen sidaad u taqaano waxaana u shaqayn jiray dad tiro badan dadkaasi wax ka mid ahaa nin cunto kariye ah

ninkaasi taajirka ahaa wuxuu ahaa nin aad dabeecad qalafsan oo aad u canaan badan gaar ahaan ninka cunto kariyaha ah aad buu u canaanan jiraay

hadaba mudo ka dib wuxuu go,aansaday inuu dabeecadihiisa wax badan ka badalo oo uu dad la macaamilkiisa hagaajiyo waxaanu u yeedhay ninkii cunto kariyaha ahaa si uu u raaligaliyo
waxaanu ku yidhi  ” waxaan maanta rabaa inaan kaa raali galiyo dhaqankaygii iyo dabeecadaydii qalafsanayd ee aan kugula dhaqmi jiray iyo canaantii waxaanan kuu balan qaadayaa in aanan dib kuu canaanan doonin  ”

markaas buu isagoo faraxsan ninkii cunto kariyaha ahaanaa ku yidhi taajirkii ” waad mahadsan tahay ana waxaan kuu balan qaadayaa maanta ka dib in aanan maraqa cantuuf kuugu soo tufayn ”

waxa xaqiiqo ah in qof waliba wixii aad gashato aad ka helayso


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : ILA QOSOL:- Sheeko Aad U Qosol Badan Hadana Xikmad Aad uFog Xambaarsan..

  1. Yonis abdalle ahmed says:

    Kkkk Runtii Waa Qiso Layaab Leh

Leave a Reply