fb

Hadii Waalidkaaga Ku Yiraahdaan Fur Xaaskaaga, Maxaad Sameyn Laheyd ‘Qiso Tusaale Ah’..

Published: December 21, 2016, 3:17 am

Nin Taabici ah ayaa Yaman ka yimid, Shaam ayuuna Abuu Dardaa ugu yimid, wuxuu yiri Hooyadeey iyo Xaaskeyga ayaa is qabteen, Xaaskeyga aniga wey ii Roon tahay Hooyana waxay ileedahay Fur, aniga waan diiday ee nakala Xukmi.

Abuu dardaa wuxuu yiri:- Aniga Fur iyo Qab midna kuma dhahaayo laakin Hadal oo Nabiga CSW, aan ka Maqlay ayaan ku sheegaa ka dibna Adiga is Xukun, (Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Waalidku waa Albaabka Janada ugu Sareeya ee laga galo), Abuu dardaa wuxuu yiri Albaabkaas hadaad rabto iska Khasaari ee Islaantaada isku Dheji, haddii kale Albaabkaasi yuusan kaa Baxsanin. Ninka wuu laabtay Haweeneedii ayuu Furay.

Sayid Cumar RC, wuxuu Qoonsaday Wiilkiisa Ibna Cumar Gawadha uu Qabay, Wiilkiisa wuxuu ku yiri Fur Xaaskaaga, Ibna Cumar wuxuu yiri:- Aabow waan jeclahay adiga baa ii Guuriyey ee Aabow ma Furi kari, Cumarna wuxuu yiri Fur, Wiilkiisana wuu Diiday.

Ibna Cumar oo ka Sheekeynaayo Qisada ku dhacday wuxuu yiri:- Haweeneydaasi aad baan u jeclaa Raaliyana wey ii aheyd laakin Aabahey ayaa Qoonsaday, ugu Dambeyntii Cumar Nabiga CSW, ayuu ku Dacweeyey, wuxuu yiri Ninkii Ibnu Cumar ahaa Hadal celin ayuu keenay, Haweeney Fur aan dhahay ayuu Diiday.

Ibna Cumar ayaa loo yeeray waxaa lagu yiri:- Aabahaaga Adeec ee Fur, wuuna Furay.

Haddaba, waan Aragnaa Walidka ma Sahlana ee aan ku Dadaalno Adeecidda Amarkooda.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply