fb

Gilgishayee Waxbo Kuuma Goyn Karo “Qormo Cajiib ah Iyo Qalinkii Dhaaley”..

Published: December 31, 2015, 11:23 am

Ilahay wuxuu abuuray Dunidan Qarada wayn, ee Dhulka, Cirka, Buuraha, iyo Noolaha ceyn kastaba leh ka kooban. Wuxuuna Hogaan iyo Horjoogayaal ugaga dhigay Dadka, oo Caqli iyo Cilmiba uga duwanaaday Noolaha kale ee Dunida.

Ka duwanaashaha Dadka ee Noolaha kale, kama dhigna inuu Ilaahay u eexday Aadanaha, kuna gardarooday Noolaha kale (Xaashaaye Alle Gardaro waa ka fogyahay). Xikmadda Ilahay ayaasa wax kasta oo Dunida lagu arkayaba Saldhig u ah, waana tan Qof kasta oo Caqli lahi laga doonayo inuu ogaadaa, ka hor inta uusan go’aan ku qaadan waxa Indhiisa u muuqda un.

Sida Qur’aanka Alle ku cad, Amaanada oo ka dhigan Dunidan iyo Dusheedaba waxa saaran, waxaa loosoo bandhigay oo inay Dusha u ritaan loo jeediyay Dhulka iyo Cirka Baaxadda leh, balse waa ay ku dhiiran waayeen qaadisteeda iyagoo arkaya Culeyska ay Amaanadu leedahay, markaas buu Dadku Dusha u dhigtay, maxaa yeelay waa Dulmi badane Jaahil ah.

Inuu Dadku Dulmi badan yahay waxay dhaxashiisay inuu dhibaato kula noolaado Dunida Dusheeda, Aakhirana Falalkii uu geystay lagula xisaabtamo, maxaa yeelay Garasho iyo Garaad aanay Noolaha kale heysan ayuu Nasiib u helay.

Ma aysan garan Dadku inuu iyagoo dhan Alle abuuray, kana duway Xoolaha iyo Noolaha kaleba. Ee taas badalkeeda iyagii ayaa sidii inay Gacmahooda isku abuureen bilaabay inay is kala soocaan, oo Hub, Hanti, Heybad, Hanaan, iyo Heyb Beeleedba ku kala baxay, oo bilaabay inuu midiba midka kale ku canaanto ama ku ciseeyo wax aanu isagu sameysan oo inta aynu soo sheegnay ah.

Dadkeena Soomaalida ah baa ka mid noqday kuwa ugu badan ee dhibaatadan is kala sooca ahi ay dilootay, waxaana taas sababteeda loo ciilay, oo loo cadaabay Dad badan oo Ilaahay iyagoo Dad ah sameeyay, balse Dadnimadoodii ay Dadka kale Magacyo aanu Alle raali ka ahayn u sameeyeen sidaasna Dalladdii ay ku hoos jireen ugaga saareen iyagoo ceebeynaya.

Qormadan kooban, waxaan ku cinwaaniyay, Ereyada kor ku xisan oo ka tirsan Hees ka mida kuwa caanka ah ee Soomaaliyeed, uuna ku luuqeeyo Fanaanka Geeriyooday ee Cumar Dhuulle Cali. Waxaanan kaga gol leeyahay inaan ku gorfeeyo Dhaqanka Aadanaha ee Dulmiga iyo daan-daansiga un ka kooban.

Saddex Qaybood oo Heestan Magaceeda la yiraa (Yaxaas) ka kooban ayaan rabaa inaan Qormadeydan ku jaan-gooyo. Waxaanse intaasba ka hor, rabaa inaan sii cadeeyo Ujeedka Qoraalkan oo ah ka hadalka Sheeko aan maqlay inay Heestanu Salka ku heyso oo ka mid ah Dhaqamadaas is-duleysiga iyo is-liiditaanka ah ee Soomaalidu ay baratay Waaya hore, walina Raadkeedu sii jiro.

Fanaanka wuxuu Heestiisan ku bilaabay Taah iyo Tiiraanyo uu ka qabo, Inan yaroo ay Dad Xigtadeeda ahi dileen. Wuxuuna isagoo la hadlayo Inantii oo waliba Meyd ah yiri:

Waa laguu gafoo, lagaa gardarnaadayee
Gacalkaad lahayd baa, yaxaas afka kaaga galshee
Galbatayee aloow, gabanyeey kuu gargaar
Garabkaaga ilaah ha galo

Intaas kuma ekeysane, wuxuu mar kale Fanaanku u Gar-dhigtay inta Garaadka leh, isagoo usoo gudbinaya Godobtan Inanta yar laga galay, waydiinayana inay tahay wax Aadanuhu kala muteysan karo iyo in kale:

Ma garbaa umadyahaye garaadka qabtaa
Ruuxii gabanee Gugeedu dhamayn
Falaara lagu ganoo nafteeda gubiyo
In lagu gambiyaa god aakhiro

Ugu dambeyntii wuxuu Fanaanku sheegayaa in Godobta ceynkan ah oo Nabsi ka dhigani aanay marnaba halkaas ku go’eynin, illaa ay ka yeelato Raad dambe oo dhibaatadiisu ay kusoo noqonayso Dadkii horay u gabood falay, maxaa yeelay Ilaahay marnaba Gardaro kama raali ahaado.

Nabsigaad gashaa, Waa dambuu kugu gadootaaye
Intaa waa ku daba gaambiyaa, Gaadhna kaa yahaye
Gambashuu dabeed kugu dilaa, kuguna gaadaaye
Waxaad geysatuu kaa guraa, Goor iy Ayaane

Waxaan kusoo afmeerayaa, in Waqtigu uu ina baray Runta, isla markaana aan Maanta arkeyno wixii uu Fanaanku ka hadlayay ee Nabsiga ahaa Mirahoodii oo iyagoo qaraar badan inoogasoo go’ay Geedihii ay ku yiileen, kuwii Gurashada Xilligeeda kusoo gaarayna aan inaga nahay, waana Dhaxal inoo yaala oo aan sinaba uga dhamaan doonin. Ilaah baanse waydiisanaynaa in Gardarada iyo is-liidista Umadeena dhexdeeda ah uu inagasoo afmeero, si aynu isu dareenno inaynu nahay Dad wada-dhashay oo aan sinaba u kala maarmeyn.

Inantii Soomaaliyeed ee Beri hore Ninka Soomaaliga ah oo Dukanaya, Allena ka baqanaya loo diidi jiray Guurkeda, isagoo lagu leeyahay isma geysiin oo way kaa Nasabsantahay, waxaa la arkay inay u Guri gasho Nin aan Alle iyo Nabiba aqoon, Oday iyo Awoow uu kasoo jeedana aynun garanayn. Sow taasi maaha Gaaxdii aynu ka nuugnay Nabsigii ay Awoowayaasheen ka galeen Odayadii la dhashay ee ay Liidnaanta ku soocayeen.

Waa Hadda iyo Xal ee aynu wixii horay loo khalday saxno si Ubadkeyna aanay mar kale dhibaatada ina heysataa usii dhaxlin.

W/Q MOHAMED DHAALEEY


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply