JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

DHAGEYSO: Hooyada Gabadhii lagu kufsaday Galdogob oo la wareystay

Published: January 16, 2017, 6:15 pm

Iyadoo Warbaahinta Guddaha Dalka Soomaaliya ay hadal heyso fal kufsi ah oo loo geystay Gabdh yar islamarkaana Sawirro iyo Muuqaal laga soo duubay la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa arrintaasi ka hadashay Hooyada dhashay Gabadhaasi.

Maama Shukri Cabdullaahi C/Raxmaan waa Hooyada dhashay Gabadha falkaasi Kufsiga ah loo geystay waxaa ay sheegtay in gabdheeda wiilasha ay xoog uga soo kaxeysteen Hoygooda oo ku yaal baadiyaha Deegaanka Galdogob.

HALKAN RIIX OO DHAGEYSO COD-KA

Waxaa ay xaqiijisay Hooyada gabadha dhashay in Lix ruux oo dhalinyaro ah ay falkaas gabdheeda u geesteen iyadoo xaqiijisay in shan kamid ah lixda nin ee falkaas geesatay ay xiran yihiin.

Kooxdan falkaas wuxuushnimada kula dhaqmay Gabadha ayaa dhaaca tooreey u geystay iyagoo jirkeeda meel badan si xun ugu Muda “Duray” Tooree “Mindi” sida ay xaqiijisay Shukri Cabdullahi Cabdi raxmaan oo ah hooyada gabadha.

Xalada Caafimaad ee gabdha ayaa aad u liidata iyadoo Miyar dabool ay ku jirto maadaama ay tahay qof nolosheeda iyo Mustaqbalkeeda Damiir laawayaal aan qalbi naxo laheyn ay fal kufsi ah u geysteen Gabadhaasi.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply