JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Dhacdo Xanuun Badan Iyo Is Fahamkii Sababay Dhibaatada Jaceyl! (Sheeko xiiso leh) Qaybta 1aad

Published: September 2, 2016, 9:41 pm

Anigoo isla markaa ka soo baxay hotel Daara-salaam oo aan ka dagannaa Djabouti, oo is leh bal galabta soo indha indhee bilicda magaalada isla markaana hannaankayga lebbis uu aad u sarreeyo oo isa soo giijiyey ayaan laamiga cagta saaray, dhankaa iyo suuq weynaha ayaan ku sii socdaa.

In yar hadii aan soo sii socday ayaa anigoo is leh goolad yar ka laabo, meeshana ay biyo yari fadhiyaan ayaa gaadhi ordayay biyihii wash igu siiyey inta taayarka saaray, hal mar ayay biyihii surwaalkaygii caddaa midabkiisii badaleen! Anigoo aad u cadhooday oo is leh baabuurkan belaayo qaaddayga ahina muu iska eego jidka ayaa gaadhigii is taagay! Waxaan ka soo dagatay gabadh aan ku qiyaasay illaa 20 jir markaa oo aad u labisan, intaan iska illoobay biyihii igu daatay ayuun baa is arkay anigoo gabadhii oo igu soo socota quruxdeeda ku dhaygagsan!

way isoo gaartay, ” walaal, aad iiga raalli ahow sidaan kaaga qasay tamashalahaagii” intaysan dhamaystiran hadalkii ayaan ku idhi ” walaal dhib maleh, qaddarkaa ahaa sidan”  Inantii ayaa tidhi ” walaal inakeen gurigayagii ayaa dhow si lagaaga nadiifiyo  wasakhdan kugu saydhay e” waxaan u sheegay inaysan dhib lahayn ee aan iska lugaynayo. Waxay ku adkaysatay fikirkeedii hore.

Ugu dambayn waynu isa soo raacnay, jidkaan isku baranay, in ugbaad la yidhaa ii sheegtay anna magacaygii oo saddexan u sheegay, way u heellanayd inay i waydiiso waxyaalo badan se xishood baa celinayay. Dhowr jeer ayay igu qabatay daymo il qoodha kaga xadaya, si xishood ku jiro ayaynu durba u kala jeesanay.

waxaannu soo gaarna gurigii, si xishood ku jiro oo maamuus leh ayay ii fariisisay qol iina keentay macawis aan isaga badalo surwaalka si loo nadiifiyo, laba saac ka dibna surwaalkaygii oo kaawiyadaysan baa la ii keenay.

Anigoo la yaabban edebta iyo hawlkarnimada iyo quruxda gabadhan ayaannu si wada jir ah gaadhigii ugu soo laabannay, waxya i waydiisay halka aan ku noolahay si ay ii gayso, anna u sheegay, daaqiiqado yar ka dib hotelkii aan daganaa bay i keentay hal kaas baannu isku maclsalaamaynay. labadayada midna kuma dhiirran inuu kal kale waydiiyo cinwaan lagala soo xidhiidho.

Maalintii labaad isla xilligii anigoo u baxaya magaalada ayaa hotel ka irridiisa ku arkay gaadhigii inanta oo ku baakiman, danse kama gelin e waan sii dhaafay, dhowr tallaabo markaan qadayba waa inantii iyo gaadhigeedii oo i garab istaajisey, iguna tidhi ” inakeen walaalo aan ku soo war-wareejiyo magaalada’e”

mahadsanid inta  u celiyey ayaan soo fuulay gaadhigii, maanta xoogaa waan yara sheekaysanaynaa, kala baqdintii way oo yaraatay, magaaladaannu si fiican u soo damaashaadnay, goor ay fid cawl tahay ayaannu dhankaa iyo xeebta inaan isaga soo mededaalanno go’aansannay.

isla cagidiiba sidaan isula qabsannay ayaan la yaabannahay labadayaduba, sidii dad wlaigood is yiqiin baa isu waraysanaynaa, isula qoslaynaa. waxaannu fariisannay kuraas u jeeda dhanka xeebta oo cafeteriadu leedahay, sheeko iyo is xaal waraysi taariikhda qofnimo ayaannu ku dheeraannay 8dii fiidnimo ayaan ka soo ambabaxnay halkaa inagoo aad isu naqaanna.

maalma kale ayaannu sidaa iyo si ka macaanba magaalada u wada aadnay, halkaasi waa ka bilowday is fahan iyo is dhexgal qofeed aad u dhumuc wayn. beryo ka dib waxaa………………

la soco qaybta 2aad asbuuca dambe In shaa Allaah

W.q:Xasa cabdullaahi Xaashi (Timacade)


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply