fb

Dadka Ku Nool Gobolo Ka Mid ah Ingiriiska Oo Khaati Ka Taagan Caarooyin Sumaysan

Published: December 12, 2016, 6:29 pm

Dalkaasi Ingiriiska ayaa meelo kamid ah aad looga qaylinayaa caaro sumaysan , iyada oo ay taasi sababay waqtiga oo diirimaad ah.

Caaradan oo ah nooca loo yaqaano Black Widow Spider ayaa ah mid faro baas ku haysa guryo ku yaala degaanada Manchester iyo degaano kale , taas oo dadka markay qaniino ay dadku ku sumoobayaan ,sida uu wargeyska Dialy Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay u sheegay madaxa fayo dhawrka dawlada hoose ee degaankaasi.

Waxa ilaa hadda u dhintay qaniinyadeeda nin lagu magcaabi jiray Devon oo ahaa aabo lahaa shan caruur ah  kadib markii ay caaradaasi qaniintay, waxa kale oo isna u dhintay wiil yar oo lagu magcaabo Harrison , kaas oo da’ahaan jiray muddo shan bilood ah.

Sidoo kalena nin lagu magcaabi jiray John Simon  oo 45 sanno jir ahaa ayaa kamid ahaa dadka u dhintay qaniinyada caaradan, waxaana la diyaarinayaa maado sun ah oo lagu buufinaayo guryaha lagu sheegaayo inay gashay.

Qofka ayaa meeshay ka qaniintaa noqonaysaa mid hafeefata , kadibna bararta , iyada oo marka dambena gaadhaysa suntaasi wadnaha iyo beerka oo uu qofku u dhimanaayo.

Waxa isna ka bad baadey nin kale oo John Lagu magcaabo , isaga oo bartii ay ka qaniintay la jaray markii uu dhakhtarka tegey, waxaana laga hortegaayey in ay jidhka suntaasi gaadho, waxaanu sheegay inuu aad u nasiib badan yahay madaama oo uu noolaaday.

Dawlada hoose ee London , gaar ahaana qaybta Nadaafada ayaa wada qorshe ay ku doonayso inay kaga hortagto Caaradaasi inay ku fido magaalada , soona dhaafto degaanada ay hadda dadka ku cuntay.

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply