JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Daawo Sawirada: Shil ay arday badan ku geeriyoodeen ka dhacay Dalka Talyaaniga..

Published: January 21, 2017, 1:00 pm

Shil naxdin badan abuuray ayna ku geeriyoodeen arday badan oo dhigata dugsiga sare ayaa xalay ka dhacay magaaladda Verona ee Waqooyiga dalka Talyaaniga.

Gaari bas ah ay la socdeen arday ay da’dooda u dhexeysay 14 ilaa 18 jir oo kasoo laabtay dalka Hungary ayaa la sheegay in uu wadada ka baxay uuna gadoomay, waxaana xiligaasi kadib baska qabsaday dab xoogan.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay 16-qof oo u badnaa ardaydii baskaasi saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo badan oo qaarkood lasoo sheegayo in ay qabaan dhaawacyo ciulus.

Wargeyska Corriere della Sera ee kasoo baxa dalka Talyaaniga ayaa qoray in meydadka tiro badan oo kamid ahaa dadkii ku dhintay shilkaasi la helay, waxaana suurto gal ah sida Wargeysku sheegay in qasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Shilkan haleelay baska ay saarnaayeen ardayda ayaa dareen naxtin leh ka abuuray gudaha dalka Talyaaniga, waxaana shilkan si weyn u hadal haya Warbaahinta dalka Talyaaniga iyo Wakaaladaha Wararka caalamka kuwooda ugu afka dheer.

Italy Bus Crash


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply