fb

Daawo Sawirada Dalxiise Jecel Inuu Ku Nasto Dalalka Dagaalada Caanka Ku Ah..

Published: December 15, 2016, 2:46 pm

Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska Andy Drury ahna 50 sano jir ayaa xilliyada uu fasaxa yahay waxa uu dalxiis ku tagaa wadamada dunida ay dagaaladu ka dhacayaan sida dalka Soomaaliya,Afghanistaan, CIraq iyo Pakistan.

Dadka qaarkii waxa ay xilliyada fasaxooda ku qaataan xeebaha iyagoo ku nasta, hase yeeshee Andy Drury ayaa waxa ay ka duwan tahay inta badan dadka caalamka ee dalxiisa waxana uu  dalxiiskiisu yahay dalxiise dagaal.

Mr Drury ayaa goor dhow ka soo laabtay safar dalxiis dagaal ah oo uu ku tegey meelaha ugu daran ee dagaalada ka dhacaan taasoo ah Waqooyiga dalka Ciraq.

Waxa ay ahayd meel ku dhow magaalada Mosul iyo Kirkuk isagoo la qaatay waqti dagaalyahanada Kurdishka ee Peshmergaha kadib waxa uu waqti la qaatay dagaalyahada Shiicada ee dagaalka kala soo horjeeda ururka ISIS.

Dalxiise dagaalkan ayaa sidoo kale dalxiis ku tegey dalalka ay ka mid yihiin wadamo ay dagaalo ka dhacaan sida deegaanada ay dagaaladu ka dhacaan ee wadanka Nigeria,Kosovo, Chechnya, Syria iyo Pakistan.

‘Waxaan isku dayaa sidii aan ugu sharaxi lahaa dadka su’aasha weyn ee ah in qof walba oo Muslim ah uu yahay dilaa amaba qof walba oo midabkiisu yahay madow xigeen.

‘Sababta ay sidaas u rumeeyaan waa waxa ay ka arkaan taleefishinada. Waxaan dhihi lahaa sababta aan u aado banaanka waa mid anigoo shaqsi caadi ah oo aan ahayn saxafi waxaana aan soo bandhigaa in inta badan dadka Muslimiinta ah ay nala mid yihiin.

Dalxiisahan goobaha dagaalka ku caan  baxay ayaa sheegay in uu doonayo in fariin uu dib u soo celiyo taasoo ay malaayiin ruux is weydiiyaan.

Sida aan ka soo xiganay DailyMail waxaa uu muwaadinkan Britishka ah meelaha uu dalxiiska u tegey ka mid ah dalka Soomaaliya balse faahfaahin kama bixin goobaha uu tegey iyo dadka uu martida u ahaa. Hase yeeshee sida sawirada lagu arkayo dalxiisahan ayaa waxaa uu sawiro isaga soo qaaday magaalada Muqdisho.

The disaster tourists: Would you holiday in war-torn Somalia? For some it’s the ultimate thrill ride
Read more: http://www.dailymail.co.uk/home/moslive/article-2275171/The-disaster-tourists-Would-holiday-war-torn-Somalia-For-ultimate-thrill-ride.html#ixzz2KUIhBjk4
Follow us: @MailOnline on Twitter | DailyMail on Facebook

The disaster tourists: Would you holiday in war-torn Somalia? For some it’s the ultimate thrill ride
Read more: http://www.dailymail.co.uk/home/moslive/article-2275171/The-disaster-tourists-Would-holiday-war-torn-Somalia-For-ultimate-thrill-ride.html#ixzz2KUIhBjk4
Follow us: @MailOnline on Twitter | DailyMail on Facebook


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply