fb

Cashar Dhab Ah Oo Aan Ku Baran Doono Duruusta Nolosha, Weligaa Ficilka Marka Koowaad Ku Dhaqaaq..!!

Published: February 3, 2017, 9:40 pm

Duruusta Nolosha

Rah ayaa ku dhacay digsi biyo ku jiraan oo markaa dabka la saaray, marki heer kulka biyaha sare u kaco, Rahu wuxuu awoodaa inuu jirkiisa la qabsado. Rahu wuxuu sii wadaa inuu la qabsado sare u kaca kuleylka biyaha. marki biyaha aad u karkaraan, Rahu ma sii awoodo inuu la qabsado oo ku sii dhex jiro. Kolkaa Rahu wuxuu go’aansadaa inuu boodo. Wuxuu isku dayaa inuu boodo laakiin ma awoodo sababtoo ah waxaa ka lumay awoodiisi, wuu tabar beelay, ma kari karo inuu la sii qabsado kulka daran ee biyaha, markaana wuu dhintaa.

Maxaa dilay Raha?
In badan waxay is oran kartaa biyaha aadka u kulul, balse xaqiiqdii waxa dilay Raha waa awood darradiisi uu ku go’aansan lahaa xilliga ay tahay in uu boodo! taasoo ahayd marki u horeysay uu biyaha ku dhacay, inti uu tabarta hayay.

Dad badan waxay isku dayaan in ay la qabsadaan, is dhaafiyaan ama isaga dhex jiraan dhibaatada duruufaha qalafsan, dadka ka timaada ama iyagu doorteen balse mar gartaan marka ay tahay in ay ka boodaan, marka ay tahay ay is bedelaan oo xil raadiyaan. Waxaa jira waqtiyo aan u baahanahay inaan dhibta wajahno oo aan qaadano talaabada xalka ee ku haboon. Haddii aad u oggolaato dhibtaatada iyo dadku inay kuu daciifiyaan muuqaal, maskax, dareen iyo dhaqaale ahaan, way sii wadayaan sidaa, way kugu sii soconayaan, waxaana dhici karta in mar aad tabar beelno aan talada helno ama go’aan qaadano.

Aan ka boodno duruuf kasta oo qalafsan inta aan awooda leenahay. Ha wahsan. Ha sugin, Ha ka oggolaan naftaada in aad isaga sii dhex jirto dhibaato aad dareemaysid. Ha ka oggolaan naftaada in ay kugu qanciso baashaal isku dhaafi. Ha sugin inta lagu soo qabanayo ama aad tabar beelaysid. Ka bood inta aad awooda leedahay, samee Isbedel dhab ah. Ka fakir arrintaa.

Mahadsanidiin

Share – sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply