fb

Carruurtaada Ka Illaali Inaad Ku Tiraahdid Erayadaan Halista Gelin Kara Mustaqbalkooda..

Published: December 16, 2016, 10:23 pm

CARUURTAADA KA ILAALI INAAD KU TIRAAHDID EREYADAAN.

Fadlan Aabe & Hooyo iska ilaali inaad Ubadkaaga u Horseedid Niyad jab, sababi karta iney Noloshiisa Burbur ku timaado, oo marnaba haku Oran Ereydaan hoos ku Qoran:-

– CAAYDA – (sida:- inaad ku tiraahdid, Doqon, Xayawaan, Wax matare iwm).

– INAAD LIIDO – (sida:- inaad ku tiraahdid, Beenaale, Waad Hoogtay, Hebel baa kaa fiican).

– LA BARBAR DHIGGA – (sida Adigoo yiraahda Doqonkii hebel ahaa Waxba ma Dhaantid, isku Caqli baa tihiin).

– JACEYLKA SHURUUDDA WATA – (sida inaad ku tiraahdid Waa ku Jecelaanaa Haddii aad sidaa iyo sidaa aad Sameysid).

– CABSI GELINTA – (sida inaad ku tiraahdid Waryaa ma Aamuseysaa mise Dabkaan ayaan kugu Gubaa adigoo Dabkana Gacanta ku wada)

– BURBURKA – (sida inaad ku tiraahdid War naga Aamus adiga waxba Fahmi meysidee, Maskaxdaa kugu yar).

– HANDADAADA JOOGTADA AH – (sida Adigoo yiraahda Haddaad sidaa sameyn weysid Madaxa ayaan kaa jebinaayaa ama waan ku Gowracaa).

– NIYAD JEBINTA – (sida inaad ma walba aad u Diidid waxa ay Nafsadiisu jeceshahay).

– BANDHIGIDDA CEEBAHA – (sida Adiga oo Ceebihiisa Banaanka soo dhigo iyadoo ay goobtu joogaan Dad aan Xaafada ka mid ahayn).

(FADLAN KOOL-KOOLI UBADKAAGA).


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply