fb

Cajiib Waa Wadanka Kaliya Ee Leh Koox Dumar Ah Oo Ragga Darqiiyada Ku Garaaca!

Published: December 14, 2016, 6:38 pm

Hindiya waa dalka keliya ee ay dunida ka jirto koox ama guutooyin Dumar ah oo isku xidhan kuna hubaysan qoryo mafiiqo ah, kuwaasi oo la dhaca nin kasta oo ka soo hor baxa.

Waa dumar cadhaysan oo xidhan dhar wada cascas, Dariiqyada Hindiya ayay isugu soo baxaan waxayna la dhacaan nin kasta oo ka soo hor baxa mafiiqo, xataa ciidanka booliiska ayay iskaga hor yimaadan, iyagoo booliskuna  sidooda soo qaata ulo.

Dumarkan ayaa ka cabanaya inay cadaadis kala kulamaan ragooda, waxayna dariiqyada u socdaan si habaysan iyagoo sita ulahaooda, garaacayana ragga ka hor yimaada. Way garaacayaan xataa hadii uu yahay kuwan mid ka mid ah walaalkeed ama wiilkeeda.

Hindiya ayaa wakhtigan ah dalka dunida sida weyn cadaadis iyo dhibaato loogu hayo dumarka.

Kooxaha dumarka ah ayaa sheegay in aanay joojinayn ilaa iyo wadahadal lagu dhameeyo arrinkan oo ay isa soo hor fadhiistaan xubno raggu soo doortay iyo xubno dumarku soo doortay oo laga heshiiyo dhibaatada lagu hayo dumarka. Waxayna dumarkani u habaysan yihiin sida ciidanka iyagoo leh hogaamiye iyo dagaal geliye.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply