JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

CAJAA’IBTA Dunida:- Waxay Aaminsanaayeen Inay Yihiin Shayaadiin!

Published: January 5, 2017, 11:46 am

Waxaan weli si fiican loo ogaan inay jiraan arrimo keenaya inay isku eekaadaan dad dunida ku kala nool goobo kala fog. Aqoonyahanada qaarkood ayaa ku fasiraya inay tahay hiddo ku kala fog, halka qaarkood-na ku sheegaan inay tahay arrin khayaali ah  (fiction and folklore).

Sidaa awgeed ilaa hadda lama hayo arrin cilmi ah oo si buuxda kalsooni  loogu qabo.   Sanadkii 1796-kii  ayaa dunida markii la fahmi waayay loo bixiyay magaca loo yaqaan oo ah doppelganger oo luqadda Jarmalka ah.

Iyadoo ka kooban laba eray oo kala ah Doppel oo ah laba iyo nger oo ah isku eeg. Waxayna ku macnayn jireen qofkii labada nuqul.

Waxaana eray bixintan sameeyay aqoonyahankii Jarmalka ahaa ee Chan Powl Waana erayo dunida laga yaqaanay ilaa muddo fog. Wakhtiyadii hore waxaa labadda  qof ee isku eeg,  ee aan waxba isku ahayn loo yaqaanay mataanihii sharka ahaa.

Waxaana la aaminsanaa  in labada qof markay is arkaan ay tahay wakhtiga ay dhimashadoodu soo dhowaato. Gabadha Taaj Lucas oo cilmiga Bayolagiga ku xeel dheer kana tirsan Jaamacadda Edilad ee Austerliya ayaa iyana sheegtay inay ku sameeyeen 4000 qof baadhis noocan ah.

Taasi-na ay muujinayso muuqaalka wejiga ee dadku uu aad ugu kala duwan yahay, isla markaana ay dhif tahay inay isu eegaadaan dad aan isku qoys ahayn. labadan sawir se sidee ayay kuula muuqdaan, ma hal qof mise laba qof oo kala duwan?


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply