JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Cafiska iyo Iska Dhaafidda Wanaag Ayuu Keenaa! Maxa Dhex Maray Rasuulka SCW Iyo Gaalkii U Yimid..

Published: December 19, 2016, 2:33 pm

Rasuulka Allah (scw) isagoo maalin geed hoos hurda ayuu nin gaal ah oo reer miyi ahi u yimid  isagoo seeftiisa sita oo u dul qabtay Rasuulka Allah (scw) waxaanu uu ku yidhi isagoo aad u qaylinaya :

“Muxamedow yaa iga kaa ilaalinaya?

Rasuulka Allaah (scw) geesi ayuu ahaa wuxuu  yidhi :  “Allaah (swt). Ninkii Gaalka ahaa  ayay seeftii  ka dhacday, markaasi ayuu Nebigu (scw) qaatay oo ku yidhi :  “Yaa iga  kaa celinaya” ?  Waxaanu  ku jawaabay ninkii gaalka ahaa isagoo aad u baqanaya “dulqaadkaaga”.

Rasuulka Allah (scw) oo dulqaad badaaa ayaa ku yidhi “iska tag”.  Laakiin ninkii gaalka ahaa  aya markiiba yidhi : “Waxaan rumeeyay Allaah (SWT)  iyo Rasuulkiisa (scw)” .

Haa , waa sidaasi cafiska ayaa keena wanaagga.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply