Author Archives: KaLaFoGe

Talooyin Qaldan Oo Dadka Miisaanka Dhimayaa Ku Qaldamaan Iyo Sababta Aanay Faa’iido Uga Helin (1)

Muddooyinkan dambe sheekooyinka ugu dhegeysiga, akhriska ama daawashada badan ama dadku aad ugu haasaawaan dunida oo dhami, waa kuwa la xidhiidha dhimista miisaanka iyo talooyinka caawinaya. Sababtaas awgeed ayaa uu mawduucani noqday mid cid kastaa aragtideeda ka dhiibato, fikirna ku darsado, sida oo kale dad badani uga faa’iidaystaan arrimo xayeysiis iyo ganacsi la xidhiidha, iyaga oo dadka u sheegaya talooyin aan waxba ku soo kordhinayn miisaan dhimista.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah talooyinkaas oo qaarkood ah kuwo aan waxa la sheegay waxba ka tarayn, qaarna xaalka ugaba sii daraan.

Waxa se marka koowaadba muhiim ah in aad meel ku gunuddo in aanay jirin talooyin badan oo miisaan dhimista la xidhiidha oo ay dadka oo dhami wadaagayaan. Tusaale ahaan nooca dhiigga qofka ayaa saamayn gaar ah ku leh kuwa ay yihiin talooyinka anfacaya, sababina kara in talo qof ku faa’iiday aanay qof kale waxba u tarin.

  1. Cunto joojinta ku meelgaadhka ah: Cuntada oo aad yarayso, isla markaana habayso waqtiyada aad cunayso iyo sida aad u cunaysaa waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee caawiya dhimista miisaanka. Laakiin in cuntada muddo la dhimo, kaddibna mar labaad dib loogu soo noqdo cunto cunistii hore, waxa ay ka mid tahay xaaladaha marka hore miisaanka dhima, laakiin isla marka uu qofku dib u bilaabo uu miisaankii dhaqso u soo noqonayo. Talada ugu habbooni waa in aad yarayso cuntadaada, nidamaiso waqtiyada aad cunayso, go’aamiso nooca cunto ee aad cunayso, oo aad weligaaba laasimto oo aanad ka guurguurin.
  2. Gaajada iyo miisaan dhimista: In la raaco nidaam cunto qaadasho ee jilayaasha iyo dadka caanka ahi raacaan oo ah in nafta gaajo aad ah lagu hayaa, waa run in ay miisaanka dhimayaan, laakiin dhakhaatiirta iyo xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu waxa ay ka digayaan in gaajada badani ay caafimaad darro badan ku keento qofka. Dhibta ugu weyn ee ay keentaa waa in ay dhaawacdo awoodda dabiiciga ah ee uu jidhku u leeyahay hawlgalka dheefsiga loo yaqaanno oo ah in jidhku si fiican ula baxo nafaqada iyo macdanaha kala duwan ee cuntada ku jira, waxa kale oo ay dhaawacdaa awoodda jidhku u leeyahay gubista cuntada.

Arrimahaasi waxa ay keenaan in jidhku marka hore miisaan badan rido, laakiin marka dambe uu joojiyo miisaan dhimista, wax kasta oo la sameeyaana aanay waxba ka beddelin, sida oo kale waxa ay keentaa xaalado caafimaad darro oo kala duwan.

  1. Khudradda badan: Muran kama jiro in khudraddu ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin waxa cilmibaadhisaha dambe oo dhami waxa ay isku raacsan yihiin in cunto badan oo la cunaa ay sababto dhibaatooyin caafimaad oo badan, waxaana ka mid ah in heerka sonkoraha iyo maaddada ‘Fructose’ oo labaduba khudradda ku jiraa ay ku bataan jidhka, waana arrin caafimaadka jidhka dhibaato ku ah.
  2. Nooca Kaalori (Calorie) ee aynu la dagaalamaynaa waa kee: Dad badan ayaa marka ay miisaan dhimista wadaan xisaabiya xaddiga ama tirada Kaalori ee ay gubaan inta ay jimicsiga wadaan, laakiin dad badani waxa aanay ogeyn in kaalooriyadu aanay dhammaan isku mid ahayn. Tusaale ahaan, 100 kaaloori oo uu qofku ka helo iskiriin ama jallaato dux leh oo uu cunay, iyo 100 uu ka helo khudrad nooca ganka leh ah oo uu cunaa waa ay akla duwan yihiin, jidhkuna u kala baahi badan yahay, sidaa awgeed gubistooda midina faa’iido leedahay, midina aanay fiicnayn.
  3. Iska xamaynta dufanka: Dad badan ayaa aaminsan in dufanka oo ay gebi ahaantiiba iska daayaan ay miisaankooda dhimmi doonto. Sida ay caddeeyeen xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu xaqiijiyeen runtu waxa ay tahay in jidhku si caafimaadkiisa u ilaashado, hawlihiisa dabiiciga ahna si caafimaad qabta oo sax ah u dhammaysto, uu u baahan yahay xaddi dufan ah, oo ah nooca jidhka faa’iidada uleh, dufannada ugu fiicanina waa saliid saytuunta, saliidda qumaha, saliidda Afakaadhada iwm. Haddii uu jidhku dufan oo dhan waayo, macnaheedu waa in uu waayayo curiyeyaal nafaqo oo jidhku la’aantii aanu habsami u shaqayn karin.

Dumarku Waxa Ay Ragga Uga Nugul Yihiin Xusuus Lunka Maskaxda Ee Ka Dhasha Hurdo La’aanta + Sababta..

Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden ayaa lagu ogaaday in dumarku ay hurdo la’aanta badan ka qaadaan xusuus lun, ay uga nugul yihiin ragga caafimaad ahaan la xaaladda ah ee iyaguna hurdadu ku yar tahay.

Cilmibaadhayaasha ayaa tijaabooyin ay sameeyeen ku ogaaday in dhibaatada caafimaad darro ee hurdo la’aanta ka dhasha oo xusuus lunku ka mid yahay ay dumarka kaga badan tahay ragga. Xaaladaha kale ee ay dumarku si ragga ka badan u nuglaadaan marka ya hurdo la’aan badani heshana waxaa ka mid ah fiirada iyo baraarugsanaanta maskaxda oo ka lunta iyo diiqadda iyo xaalado nafsi ah oo ku yimaadda.

Xeeldheereyaashu waxa ay caddeeyeen in hurdo yaraantu ay keeni karto dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, iyada oo cilmibaadhistani intii ay socotayna ay khubaradu ogaadeen in shilalka gaadiida ee ugu badan ee dunida ka dhaca, ay sababtooda runta ahi tahay hurdo la’aan uu darawalka gaadhigu tirsanayo.

Freda Rangtel oo ka tirsan waaxda caafimaadka dareenwadayaasha ee jaamacadda Uppsala ayaa xaqiijisay in hurdo la’aantu ay ragga iyo dumarkaba dhibaatooyin caafimaad ku keento, laakiin natiijadan cusub ee ay cilmibaadhistan imiku ogaatay ay tahay in dhibaatadaas aanay ragga iyo dumarku u sinnayn oo dumarka ay ku soo culustay.

Maxadka waddaniga ah ee caafimaadka ee dalka Sweden ayaa isaguna caddeeyey in qofka oo hurdo ku filan qaadan waayaa ama isaga oo hurdo intii uu u baahnaa ka badan seexdaa ay saamayn ku yeelato dabeecadda qofka, isla markaana keento khataro caafimaad oo ay ka mid yihiin wadne xanuun iyo macaan. In kasta oo aanay jirin saacad go’an oo rasmi ah oo loogu sheegi karo in dadka oo dhami hurdada uga baahan yihiin, haddana waxa ay khubarada caafimaadku ku celceliyaan in ugu yaraan toddoba saac uu qofku habeenkii seexdo.

Toddobo Arrimood Oo Hadaad Subax Kasta Samayso Kaa Ridaya Miisaanka Jirka Iyo Caloosha..

Korodhka miisaanku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu badan ee dunida maantu ka cabato, maadaama oo uu culays ku hayo caafimaadka bulshada iyo dhaqaalaha qaranka labadaba.

Waxaa iyaduna garab socota in dadku ay ku baraarugeen dhibaatadan, sidaa awgeed uu miisaanka dheeraadka ahi ka mid yahay waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay isla markaana ay bulshooyinka dunida oo reer magaalka u badani dagaal joogto ah kula jiraan.

Qormadan oo aynu kasoo xiganay talefishanka Alcarabiya waxa ay soo bandhigaysaa dabeecado ay khubarada caafimaadku sheegeen in caadaysigooda subaxda hore qayb weyn ka qaadato dhimista miisaanka, waxa aanay yihiin:

  1. 1Ku maydhashada b iyaha qabow: In biyo qabow oo subaxda hore lagu maydhaa waxa ay ka qaybqaadataa in jidhku ka takhaluso unugyada dufanaysan.
  2. Cabbista biyaha: xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay caddeeyeen in litir badhkii oo biyo ah oo la caadaysto subax kasta marka hurdada laga toosaa ay si weyn uga qayb qaadato dhimista miisaanka.
  3. Shaaha cagaaran: Waxaa dad badan caado u ah in subaxda marka ay toosaan ay indhaha ku kala furaan koob bun ah, waxa se’ ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddeeyeen in koob shaaha cagaaran ah oo subax kasta hurdada kadib la cabbaa ay keento in miisaanku si muuqata hoos ugu socdo.
  4. Quraacda: Dad badan ayaa aaminsan in quraacda oo laga tagaa ay miisaanka dhinto, waxa se ay khubarada caafimaadku isku waafaqsan yihiin in quraacda oo la cunaa ay ka mid tahay sababaha miisaanka dheeraadka ahi u dhaco.
  5. Barootiin: Barootiinga oo ka mid ah maaddooyinka uu jidhku aad ugu baahan yahay, ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in subaxda hore oo la caadaysto cuntooyinka barootiinga laga helo gaar ahaan beedka iyo fuulku ay ka qaybqaadato dhimista miisaanka dheeraadka ah.
  6. Jimicsiga: Guud ahaana jimicsigu waa habka ugu habboon ee lagu dhimmi karo miisaanka, waxa se ay khubarada caafimaadku sii kala doortaan xilliyada ugu habboon jimicsiga si uu miisaanka u dhimo, iyaga oo sheegay in jimicsiga oo la caadaysto subaxda hore ay tahay marka uu ugu fiican yahay.
  7. Qorraxda: Fallaadhaha qorraxda ee subaxnimada hore waxa ay firfircooni geliyaa awoodda jidhku u leeyahay dheefsiga cuntada, sidaa awgeed haddii aad doonayso in aad miisaanka dheeraadka ah dhinto caado ka dhigo in aad subax kasta daqiiqado kooban isu dhigto qorraxda aroortii.

Caqiliga Uu Adeegsaday Ayaa U Fududeysay Arrin Aay Adag Tahay In Dunida Aay Ka Dhacdo – Qiso Cajiib Ah..

Nin Yuhuudi-Ruush ah  ayaa ka dhoofayay  madaarka Mosco, badhaaha Kastamka ayaa dharkiisa ka soo dhex saaray sanam yar, waxaana uu weydiiyay “ Muxu ahaa waxani “ . Yuhuudiga ayaa ugu jawaabay “ Ha odhan sidaasi, Ninkani waa Lenin , waana hogaamiyihi shuuciyadda khayrka iyo barwaaqada horseeday , waxaan u sitaa inaan ka barakaysto mar kasta oo aanan weligay ilaabin”.   Baadhaha ayuu hadalkaasi dareen ku reebay waana uu sii daayay isagoo ku yidhi waa sax iska soco.

Markii uu ka degay Madaarka Talabiid ee Israa’iil ayuu haddana baadhihii kastamka dharkiisa ka soo dhex saaray sanamkii yaraa waana uu ku yidhi “ muxu ahaa waxni”. Ruush–Yuhuudiga ayaa ugu jawaabay “ Miyaanad garanayn, waa Lenin waa denbiilihi weynaa, waana kan Ruushka sababtiis ay u burburtay, waxaan u sitaa inaan wakhti kasta nacdalo oo habaaro“.  Baadhaha ayuu hadalkaasi ku sameeyay dareen waana usii daayay.

Markii uu gurigiisa tegayna waxa uu sudhay sanamkii yaraa gidaarka qolkiisa . Maalin ayay u timi  gabadh uu adeer u yahay waxayna weydiisay sanamkan meesha sudhani muxuu yahay waxaana uu ugu jawaabay “ Waa sanam yar oo aan gudihiisa ku soo qariyay 10 kg oo dahab oo aan kastamyada ku soo dhaafiyay iyadoon la iga qaadin wax cashuur ah “ .  Siyaasadu waa arin keliya oo aad dadka siyaabo kala duwan ugu sharaxayso laakiin waxa muhiim  ah in qof kastaa ku qanco sharaxaasi. Sida sadexdan qof ugu qanceen.

Talooyin Muhiim Ah Oo Kaa Caawinaya In Sawirka Aad Gelaysaa Uu Soo Baxo Mid Aad U Qurux Badan (Q. 1)

Waxa aynu joognaa waqti sawirku uu ka mid noqday balwadaha uu aadamuhu joogtada u sameeyo, waxaa aad u caawiyey qalabka casriga ah ee talefannada gacantu ugu horreeyaan oo keenay in qofku uu isagu gacantiisa isku sawiro, ‘Selfie’.

La isma sawiro oo keliya ee waxa ay dadku si joogto ah sawirradooda ay filayaan in ay qurux badan yihiin ku faafiyaan baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ka. Haddaba qormadan Kobciye.com kuusoo diyaarisay, waxa ay ku soo gudbinaysaa talooyin ay sheegtay in qofka raaca ay ka caawinayaan in sawirka uu iska qaadayaa noqdo mid qurux badan.

1. Qaab caafimaad ka muuqdo: Ku dadaal in jooggaagu uu u wada muuqdo oo aanu u ekaan mid ka gaaban inta aad run ahaan tahay, taas oo ku imanaysa talooyinkan; dhabarkaagu ha toosnaado, labada garab ha muuqdaan, madaxana hoosna ha u foorarin korna si dig oo is adkayni ka muuqato ha u taagin, jooji halka ugu fiican ee uu raaxo ku dareemayo, iskana jir in qallafinta.

2. Raadi dhinaca aad u fiican tahay: U fiirso sawirradaada hore, si aad u ogaato dhinacaaga fiican; waa arrin la ogyahay in labadaada dhinac midig ama bidix mid uun sawirrada ku qurux badan yahay in ay kamaraddu kaaga timaaddo dhankiisa. Marka aad dhinacaa ogaato, sawirradaada dambe oo dhan ku dadaal in si aan lagaa dareemayn in aad dhinacaa muujinayso oo aad u khafiif ah isugu yar janjeedhiso dhankaas, marka aad sawirka gelayso.

3. Gadhka in yar kor u qaad: In aad gadhkaaga in yar kor u qaaddo, isha kamaraddana aad toos u eegtaa, waxa ay kuu ekeysiinaysaa ruux isku kalsoon, waxa aanu sawirku noqonayaa mid si fiican u muujiya tafaasiisha wejigaaga oo dhan.

4. Neef dheer qaado: In aad si fog u neefsato ilbidhiqsiyo ka hor inta aan sawirka laguugu dhufan, waxa ay muuqaalkaaga sawirkga ka dhigayaan ruux xasiloon, oo aanu is ad-adkayn iyo is kallifaad sawirku keenay ka muuqan. Sidaa awgeed waxaa laguugula talinayaa in aad ku dadaasho neefsi dheer oo aad samayso, si uu kaaga fogeeyo muuqaal qallafsani in uu sawirkaaga ka soo baxo.

5. Ha ku talaxtegin isticmaalka kiriim aasaaska ah: Waxaa jira kiriim afka ingiriisiga lagu magacaabo ‘Foundation Cream’ kaas oo inta aan weji-qurxinta la marin la mariyo wejiga si midabka wejiga uu uga dhigo mid isu wada eego. kiriimkan aasaaska u ah weji qurxinta ‘Make-up’ haddii aad isku badiso, sawirka aad gasho wejigaagu waxa uu u muuqanayaa in dahaadh ama rabadh sare ku daboolan yahay. Kiriimkan oo inta badan ay dumarku isticmaalaan ayaa lagula talinayaa in ay inyar ka isticmaalaan, kadibna dusha ka sii mariyaan bootar yar oo khafiif ah, (Aan isagu dahaadh kale noqon), waxa uu wejigaagu yeelanayaa midab isu eeg, oo xariir iyo dabiicinimo ka muuqato.

6. Waxa kale oo dumarka u gaar ah nooca ay indhakuusha ka dhigayaan: Indhakuushu ha noqoto mid ku habboon midabkaaga iyo qaabka samayska ah ee indhahaaga. Qalin sunnaha loogu talagalay in isha muggeeda lagu xaddido, qaybta isha gudaheeda ah ka dhig midab furan oo aan madow ama midabbada kale ee hurda ahayn. Waayo indhakuusha madowga ah oo isha qaybta gudaha xigta la mariyaa waxa uu isha u ekeysiiyaa mid aad u yar oo weliba cidhiidhi ah. Indhakuul midabkeedu furan yahay oo isha qaybta hoose la mariyaa waxa ay isha siisaa qaab iyo xajmi ka weyn inta runta ah.

Waxa kale oo muhiim ah in aad dheerayso timaha xirribaha isla markaana u ekeysiiyo kuwo badan (Cufan), adiga oo isticmaalayo burushka loogu talagalay in timaha xirribaha lagu feedho. Sunneyaashaadana indhakuusha ugu samee / sawir qaab qurux badan. arrimahaas oo isu tegey waxa ay muuqaalka gabadha ee sawirka ka dhigayaan mid da’da runta ah aad uga yar qurux aad u badanna leh. La soco…

Talooyin Ku Siinaya Habab Aad Ku Wanaajin Karto Noloshaada Sannadka Cusub Ee 2018 Ka (2)

Qaybtii labaad ee talooyin ku aaddan hababka ugu habboon ee uu qofku noloshiisa ku wanaajin karo sannadka 2018 ka, waxa uu Kobciye.Com ka soo xigtay wargeyska New York Times ee ka soo baxa Maraykanka.

Noqo ruux awood badan

Da’ kasta oo aad tahay ama si kasta aad u taab-gaabatay oo aad is leedahay itaal badani kuguma jiro, haddana naftaada u sheeg runta ah in ay weli jimicsiga awoodi karto. Jimicsiga jidhku waa furaha furfurnaanta xubnaha iyo u itaalidda dhaqdhaqaaqa. Waxa ay ka hortag ama la tacaalid u tahay xanuunnada wadnaha, kelyaha, macaanka, dhiigkarka iyo miisaanka.

Jimicsigu ma’aha in uu mar kasta culus yahay, waxa xeeldheereyaashu ina baraan jimicsiyo jidh dhiseed oo qofku samayn karo isaga oo gurigiisa iskaga raaxaysanaya. Weliba 9 daqiiqo oo keliya ayaa ku filan in uu jimicsiyada qaarkood ku kaaftoomo. In aad jimicsato 9 daqiiqo oo keliya toddobaadkiiba saddex jeer ayaa wax badan kaaga filan.

Ku dadaal in dadka aad wada shaqaysaan aad noqotaan jaal wada guulaysta

Waa ay adagtahay in dadka aad wada shaqaynaysaan ay iskood u noqdaan koox wada shaqayneed oo is fahamsan islana jaanqaada. Haddii aad tahay qofka maamulaya kooxda ama talada ku leh, waxa aad ogaataa in waajibkaaga koowaad uu yahay in aad dhisto kooxdaada shaqada. Shaqo wadareedku waxa ay qofka ku abuurtaa ruux shaqo jacayl iyo niyadwanaag, waxa aanay kordhisaa wax-soo-saarka.

– Weligaa shaqadaadu ha lahaato khariirad cad.

– Qor shaqooyinka aad dadka kula shaqeeya wadaagtaan, kadibna ka shaqee sida ugu habboon ee isaga kaashan kartaan, adiga oo og waxa kaaga xidhan iyo wax qofka kale adiga kuu soo doonanayo.

– Caddee oo isla xaddida seeska iyo jidka shaqadiina aad u maraysaan.

– Dejista  mabaadii’ aasaasi ah iyo xeer wada shaqayneed oo aan la jebin karin.

Guri nadiifin

Nadaafadda guryaha oo laga yaabo in innagu Soomaali ahaan aynu la yaabno in qormadan laguba soo hadal qaado, waxa uu ka mid yahay arrimaha dunida muhiimadaha ugu waaweyn la siiyo. Waa hawl aan fududayn oo haddana lagama maarmaan ah, sidaa awgeed mar kasta laga fikiro.

Marka laga tago nadaafadda maalinlaha ah ee kijada iyo hurdada badankeedu la xidhiidha, waxaa iyaduna muhiim ah in qoysku uu yeesho maalin ol’ole nadaafadeed guriga la geliyo oo nadaafadda guud laga shaqeeyo, meel kasta oo guriga iyo hareerihiisa ka mid ahna gacanta la saaro.

Wax u dhigo waqtigaaga hawlgabka

Maadaama oo cimrigaagu kor u socdo, haddii wad ku daayana aanay da’i deynayn, oo berri ay imanayso in aad isu qaadi kari weydo shaqada, waxaa muhiim ah in aad maanta oo aad shaqayso adiga oo xoog ah, dakhliga ku soo gala qayb ahaan ka dhigato si aad berri marka aad talaxgabto u isticmaasho.

Ma jiro xeerar u gaar ah sida wax loo dhigto ama cilmi lagu bartaa, sidaa awgeed waa qof kasta iyo kartidiisa iyo itaalkiisa, ku dadaal in adiga oo dakhligaaga ku salaynaya aad yeelato akoon kayd ah oo wixii aad iska goyn karto oo joogto ah, isla markaana aan is dhimayn aad dhigato, berri waxa aad arki iyada oo is gaadhay oo wax badan kaa caawinaysa.

Haddii aanad hore waxba u dhigan jirin, ku dadaal in aad sannadkan la bilowdo, bil kasta mushaharkaaga ama dakhliga ku soo gala waxa aad ka jartaa boqolkiiba 15, aanad ka dabategin inta aad shaqo hayso, xitaa haddii ay kugu kallifayso in hawlo aad leedahay, aad u amaah tagto, lacag la’aan darteed.

Caafimaadka wadnahaaga

Dunida oo dhan labada cudur ee maanta loogu dhimasho badan yahay, waa wadne xanuun iyo dhiigfuran maskaxda ah. waa laba xanuun oo soo booddo ah, daweyntooduna ay adag tahay, laakiin warka fiicani waxa uu yahay in labadan cudurba boqolkiiba 80 laga hortegi karo.

Talada koowaad ee aad kaga hortegi kartaa waa in aad wax ka beddesho qaab nololeedkaaga, waxaa jira ficillo fudud oo haddana si weyn kaaga caawinaya in aad ka hortagto xanuunnadan. Waxaa ka mid ah:

– Jimicsiga joogto ka dhigo.

– Cunto caafimaadka u fiican cun, adiga oo kala tashanaya dhakhtarka iyo bahda caafimaadka.

– Ku dadaal in dhiiggaagu aanu kicin, xitaa haddii aad dhiigkar leedahay ku ilaali xadka saxda ah oo yaanu kicin.

– La dagaalan kalastaroolka iyo dufanka dhibaatada keena.

– Macaankaaga joogto u cabbir, kana dheeroow sonkorta iyo macmacaanka.

– Miisaanka saayidka ah iska rid, oo ka dagaalan in uu kordho.

– Haddii aad siigaarnuug tahay dhaqso iskaga daa.

Toban Calaamadood oo Lagu Garto Iimaanka Daciifka ah Iyo Siyaabaha Looga Fogaado…

10 Calaamadood oo Iimaanka Daciifka ah

1. Qofka oo caadeysta in uu Dambi u sameeyo si joogta ah, isagoo aan u arkayn in uu dambi sameynayo, waxa uu sameynayana u yeelaya qiil & marmarsiinyo

2. Qalbiga oo u adkaada sidi dhagaxi heer uu gaaro qofku in qalbigiisa ku raaxaysto heesaha iyo muusika laakiin Quraanka aan aqrin, markuu maqlo aan waxba dareemin, wacdiga iyo khayrkana is dhaafiyo

3. Deganaanta oo qofka ka lunta. Wuxuu qofku mar kasta dareemayaa ciriiri in uu ku jiro, cadaadis joogta ah in uu saaran yahay, mashquul badan iyo isku dhex yaacsanaan

4. Cibaadada oo qofku ka jeesto. Salaada oo uu tukan waayo ama marmar u istaago oo si is tus-tus ah ku tukado oo aan khushuuc iyo Alle ka cabsi dhab ah la socon

5. Xuska Alle oo uu dayaco. Carabkiisa oo ku yaraada kalmadaha Alle lagu xusayo laguna waynaynayo

6. Isla weyni iyo Kibir badan oo qofka gasha una qaato in dadka oo dhan uu ka sareeyo, iyaguna ka hooseeyaan

7. Damaaci xun, Dhuuninimo. Qofka oo caadeysta in uu dadka waxooda boobo, wax kastana ka doorbida shilimaad uu helo

8. Bakheyl, qofka oo xoolo ururiya, maalkiisana aan waxba ka bixin, sadaqadiisu aad u yar tahay

9. Dood iyo muran xad dhaaf ah. Goortii qofka ku fogaado dooda iyo sharaxaada isagoo niyadiisu tahay in uu qofka saxo, isagana isu muujiyo in uu saxsan yahay

10. Xasad, Xaasidnimo. Qofka oo xaasid ku noqda guusha dadka kale Alle gaarsiiyay iyo waxa ay haystaan oo Alle siiyay, jeclaadana in ay waayaan ama noloshooda baaba’do. Farxad badana dareema goortii Jab ku dhaco ama dhib yar gaarto

In Shaa Allaah Jimcaha waxaan soo qori doonaa 10 Talaabo oo sare loogu qaado Iimaanka

Mahadsanidiin

W/Q Faarax Cawaash Beeldaaje

Talooyin Ku Siinaya Habab Aad Ku Wanaajin Karto Noloshaada Sannadka Cusub Ee 2018 Ka (1)

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa carriga Maraykanka, ayaa warbixin ay dhowaan ka samaysay sida ugu tolmoon ee uu qofku noloshiisa u maarayn karo sannadka 2018 ka, waxa ay waraysiyo cilmiya la yeelatay xeeldheereyaal kala duwan oo soo jeediyey is bedello fudud oo la taaban karo, oo haddii uu qofku sannadka cusub la bilaabo laga yaabo in ay wax weyn ka beddelaan noloshiisa.

Waxa ay khubaradu sheegeen in talooyinkani ay ka bilaabanayaan in qofka loo tilmaamo sida uu u wanaajin karo aragtidiisa ku aaddan nolosha, ilaa laga soo gaadho muuqaalka guud ee qofka iyo xitaa gurigiisa, iyo sida ay  tahay in uu u daneeyo maamulka iyo maaraynta maaliyadda soo gasha. Qofka sida ay tahay u raacana ay si la taaban karo uga caawinayaan in uu helo nolol ka wanaagsan tii hore, oo ku dhisan maskax iyo aqoon.

Talooyinkaas oo uu Kobciye.Com akhristayaashiisa u soo turjumay ayaa u dhignaa sidan:

  1. Farxad ku nooloow

Xeeldheereyaasha cilminafsiga iyo habdhaqanka aadanuhu waxa ay waqti aad u badan geliyeen baadhista waxyaabaha keena in qofku noqdo mid faraxsan, ama murugaysan. Farxaddu waxa ay saadaalisaa caafimaad iyo cimridherer, waxa aana dhacda in marka la eegayo horumarka bulsho ka samaynayso arrimaha bulshada iyo guulaha ay ka gaadhayso siyaasadda guud, laga eego heerka farxadeed ee dadka.

Farxaddu ma’aha wax uun mar inta uu si aan ku talagal ahayn u dhaco qofka ku abuuraya farxad, balse wax kasta oo wax ka beddeli kara habdhaqankaaga, ama duruufaha aan fiicnayn ee kugu xeeran, iyo sida oo kale wax kasta oo fududaynaya in aad xidhiidhadaada ka dhigto kuwo ku socda jid badqabaa, waxa uu sabab u noqdaa in naftaadu dareento raalli ahaanshiyo iyo farxad.

Si aad farxad u hesho:

– Ka dheeroow in aad si taban u fikirto. Marka uu fikir tabani kugu soo dhacana maskaxdaada dhaqso uga saar.

– Naftaada sida ruux aad saaxiib tihiin ula macaamil, si ay kugu muuqdaan wanaaggeeda iyo xumaanteeduba.

– Jimicsiyo neefsi ah samee. (Neef dheer inta aad hoos u qaadato soo celi).

– Samayso xusuusqor maalinleh ah oo aad habeen kasta ama aroorta hore ku qorto shaqooyinka iyo hawlaha ay tahay in aad qabato iyo sida ay u mudan yihiin in loo kala horreysiiyo.

– Is bar in aad qorto dhacdooyinka maalinlaha ah ee aad la kulanto, arrimaha xususuta mudan, qodobbada in aad go’aan ka gaadho kaaga baahan iyo arrin kasta oo aad u aragto in uu xusuus mudan yahay. Habeen kasta, toddobaad kasta ama bil kasta dib u eeg xusuusreebkaaga, si aad u aragto waxa qaldamay iyo meelaha dib u noqoshada u baahan.

Halkudhegyo Xikmad Xambaarsan Oo Laga Reebay Dad Taariikhda Dunida Magac Ku Leh..

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa hadallo xikmad ah oo laga soo xigtay dad taariikhda dunida caan ku ah:

– “Weligayba ujeedkayga kama aan baydhin. Waa uun dhowr tallaabo oo aan dib u faagtay, si aan bootintayda u dheereeyo” Sigmund Frued. Guuldarradaada u aqoonso in ay tahay uun sida dib u gursashadaas aad doonayso in bootintu kuu dheeraato.

– “Si aad riyadaada run uga dhigto, waxa ugu horreeya ee ay tahay in aad samaysaa, waa in aad baraarugto” Andrew Carnegie.

– “Awood waa in aad carrabkaaga ka adkaato marka aad cadhooto” Napoleon Bonaparte.

– “Guul waxa uun gaadha kuwa isku daygooda joogto ka dhiga, iyaga oo arrimaha dhinaca togan ka eegaya” Friedrich Wilhelm Nietzsche

– “Jacaylka weligaa ha hiifin, waxaa hiifka leh qofka aad u dooratay jacaylkaaga, ee jacaylku eed malaha” Nasaar Qubbaani.

– “Ninka cuskada gabadh jecel, weligii ma dhaco” Mark Twain.

– “Waxa aad kulligii xaqa u leedahay, badhkii ha ku qancin” Jubraan Khaliil Jubraan.

– “Ma jiro qalbi aan ka hooyadaa ahayn oo duruuf kasta iyo waqti kastaba kuu soo jeedaa”

– “Ha quusan, waxaa dhici karta in waxa maanta ku xanuunjiyey, uu berri sabab u noqdo xooggaaga” Suqraad.

– “Marka uu Gudcurku jiro ayuun baad garataa cidda ay yihiin xiddigaha noloshaada ilayska u noqon kara”

– “Samayso bartilmaameed iyo himilo, aanay gaadhisteeda kaa hor istaagi karin duruufaha iyo dhacdooyinka ka soo soke maraa” Aldous Huxley

Xikmaddii Boqorka Habardugaag: “Ma Sii Joogi Karo Meel Yeydu Libaaxa Xidhxidhayso, Oo Dameerihii U Noqdeen Miciin Soo Furfura”

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu yey soo maray boqorkii habardugaag oo niyadxumo badan iyo warwar qaba. Inta uu ku soo baydhay ayaa uu weydiiyey sababta isaga oo boqorkii habardugaag ah ay niyaddiisu sidan ugu xuntahay? Boqorkii habardugaag waxa uu yeyga u sheegay sababta ugu wacan xaaladdan nafsiga ah ee uu ku jiro. Waxa uu ka cawday wehel la’aan ba’an, kaddib markii habardugaag ay iskaga wada fogaadeen iyaga oo ka cabsi qaba ugaadhsiga libaaxa iyo in ficilladooda oo uu ka cadhoodaa ay ku keento ciqaabtiisa.

Boqorkii keyntu waxa uu ku cawday in muddaba uu keli ku ahaa keyntan oo cid u soo dhowaata iyo cid la hadashaa aanay jirin. Yeygii uu u qaadan waayey in boqorkii laga haybadaysan jiray sidan ku dambeeyey, waxa se uu go’aansaday in isaguna uu dhankiisa qaado tallaabo uu si dadban ugu muujiyo boqorka in aanay cidi keyntan ka jeclayn. Inta uu libaaxii u soo dhowaaday ayaa uu ku yidhi, “Xeelad ay dib raciyaddu kuugu soo joogsato ayaa aan hayaa, haddii aad ogolaato.”

Libaaxii dhaqso ayaa uu u ogolaaday, waxa aanu weydiiyey tafaasiisha xeeladdaas, “Geedkaas ayaa aan boqoroow kugu xidhxidhayaa. Markaas ayaa ay dib kugu soo noqonayaan habardugaag, maadaama oo cabsida imika kaa eryeysaa ay ka tegeyso marka ay arkaan adiga oo xidhxidhan oo aan waxba ku samayn karin. Waa ay kuu soo dhowaanayaan, oo ay mar kasta kaa agdhowaanayaan, kuuna wehelyeeli doonaan”

Boqorka habardugaag doqonniimo laguma ogeyn, laakiin midkani waa uu hoos maray oo isaga oo baraad la’ ayaa uu si kedis ah u ogolaaday soo jeedintaas yeyga. Laakiin waxa uu galay dabin yeygu u qariyey. Mar keliya ayaa ay xaaladdii uu ka cabanayey mid ka darani ku timid. Haddii marka hore sababta looga fogaanayey ahayd cabsi laga qabo, maanta xayawaan oo dhan ayaa u kala dheeraynaya ka maadaysigiisa iyo dhibaatayntiisa. Waa libaax geed ku tigtigan oo aan nuuxsan karin. Mid gacani ka gaadho iyo mid hadalka xun dhegta uga duwi waaya iyo mid kale oo wax kasta oo uu libaax ka xanaaqi jiray agtiisa si xorriyad ah ugu samaynaya ayaa ay noqotay xaaladdii ku xeernayd boqorkii yeygu xidhxidhay.

Murugadii ayaa ku sii badatay boqorkii habardugaag, haddii shalay laga haybadaysan jiray, maanta isaga ayaa hadba mid habardugaag ka mid ah ka baryaya in uu afka u geiyo rudhmo uu gaajada iskaga jebiyo. Iyada oo uu xaalka boqorkii sidaa yahay, ayaa waxaa maalintii dambe soo maray dameer, oo uu boqorku ku tirin jiray, xayawaannada ugu doqonsan inta uu keynta ku maamulo.

“Yaab badanaa! Waa boqor xidhxidhan iyo dugaaggii raciyadda u ahaa iyo xitaa ugaadhii ku dheeldheelayaan, toloow, maxaa mudanihii helay” ayaa uu boqorkii naftiisa kula faqay. Intaas kuma uu joogsan ee inta uu boqorkii u soo dhowaaday ayaa uu weydiiyey, “Boqoroow sidee wax u jiraan?!”

Libaaxii: “Sidee aan tallow kugu sheegaa, dameerkii aan jeclaayoow .. khiyaamo ayaa igu dhacday, maanta halkaas i dhigtay”

Dameerkii: Isaga oo ruux isla weyni aanu abid dareemin ahi gashay, ayaa inta uu ku soo dhowaaday yidhi, “Mudane, ma kaa furaa xadhiga, haddii aad ogolaato”

Libaaxii: “Oo cid sharaf leh ayaa raalli ku ahaan kartaba sida aan ahayn”

Dameerkii oo isu arka in uu habardugaag iyo ugaadba dhaafay, maadaama oo uu noqday kii keliya ee boqorku inta uu u baahday, u qayshaday, ayaa xadhigii ka furfuray boqorkii.

Libaaxii markii xadhigii laga furfuray, waxa uu ku kacay fal aan lagaba filayn, “Waxa uu u xamaam urursaday geeddi, uu doonayo in uu kaga guuro boqortooyadiisa keyntan lagu xumeeyey”

Ugaadhii itaalka darnayd ee keynta ayaa isu soo urursaday in ay boqorka joojiyaan, kuna waaniyaan in uu boqornimada sii hayo, laakiin waxa uu libaaxii ku jawaabay ereyo xikmad badani ku duugantahay, “Ma Sii Joogi Karo Meel Yeydu Libaaxa Xidhxidhayso, Oo Dameerihii u noqdeen miciin Soo Furfurta”

Khatarta Caafimaad Ee Ka Dhalata Barkimadu Marka Ay Uskaga Noqoto Iyo Sida Ugu Fiican Ee Looga Hortegi Karo

In la ilaaliyo nadaafadda barkimadu waxa ay keentaa in laga badbaado xanuunnada maqaarka ku dhaca iyo cayayaanka ku dhalan kara ee caarada keena. Warbixin uu faafiyey wargeyska The Sun ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in gabadh baadhitaan lagu sameeyey barkimo maalmo lagu seexanayey oo muuqaal ahaan u ekeyd nadiif lagu ogaaday in ay ku nool yihiin in ka badan boqol nooc oo ah xasharaad aanay ishu qaban karin, haddii aan loo adeegsan weynayso.

Waxaa xusid mudan in tobannaan ka mid ah xasharaadkaas ay yaraanta awgeed awood u leeyihiin in ay ku dhex noolaadaan timaha sunneyaasha iyo xirribaha indhaha, sababna u noqon karaan in indho xanuun ay ka mid tahay barar indhaha ku yimaadda iyo xasaasiyad ay dhibaato noqoto in hore loo garto sababtooda.

Qaladka ugu weyn ee ay dadku inta badan galaan waa in ay u qaataan in barkimada wasakhdeedu ay tahay uun marka marada dusheeda laga garto in ay uskag tahay sida dharka aynu gashanno oo kale. Laakiin runtu sidaas waa ay ka duwan tahay. Caadi ahaan qofku marka uu habeenkii seexdo waa uu dhididaa, mid muuqda ama mid yar ka uu doono ha noqdo dhididkaasi ee, kadib waxa uu dhididku dhexgalaa barkimada oo laga yaabo in uu habeenba in yar hoos u sii galo, aakhirkana waxa uu sabab u noqdaa in bakteeriya iyo dulin aan ishu qabanaynin oo dhaafsiisan galkan sare ee barkimadu ay ku abuurmaan.

Dhibaatadu kuma koobnaa bakteeriyadaas iyo dulinkaas xaaladaha caafimaad ee aan fiicnayn ku keena maqaarka iyo indhaha iyo xitaa dhegta gudaheeda, waxa se dheer boodhka joogtada ah ee ili ma qabatayga ah ee isaguna qolka ka sida sibiqda ah ku soo gelaya isaga oo sufur dharka iyo kabaha la socota ah ama daaqadda ka soo gelaya, ama qolka dhexdiisaba si kale uga dhex samaysmaya, kaas oo marka uu barkimada ku ururo keena khatar caafimaad oo indhaha ah.

Xanuunnada uskaga barkimada ka dhasha waxaa ka mid ah caarada iyo xasaasiyadda maqaarka ku dhaca iyo findoobka, waana sababta ay dhakhaatiirta takhasuska ahi qofka findoobka leh talada koowaad ugu siiyaan in uu beddelo barkimada isla markaana ogaado nadaafaddeda.

Ma jiro waqti go’an oo cilmi ahaan qofka loo sheegi karo in uu barkimadiisa ku nadiifiyo, laakiin waxaa muhiim ah in uu ku dadaalo in aanu ku raagin, oo tusaale ahaan ay khubarada caafimaadka qaarkood sheegaan in aanay laba illaa afar habeen kaga badan. Iyada oo ay weliba fiican tahay in galka joogto loo beddelo, muddo kadibna barkimada oo dhanba la beddelo.

Waxa ay taladani si gaar ah ugu sii fiican tahay dadka maqaarkoodu duxda leeyahay, oo ay tahay in ay dedejiyaan waqtiga ay barkimada ku beddelayaan, waxaa iyaguna la mid ah dumarka iyo dadka timaha la baxa ee dufanka timaha aad u isticmaala. Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in timaha dheer ee dufanka lihi ay sahlayaan in ay soo qabsadaan bakteeriyada ili maqabatayga ah ee hawada ku dhafan, kadibna barkimada uu rarayaan.

Qiso Cajiib Ah Addoonkii Sayladda La Keenay Ee Boqorka Noqday!

Abu al-Misk Kafur (905 – 968, Qarnigii 10aad) waxa kale oo lagu magacaabi jiray   Al-Laithi, al-Suri, al-Labi wuxuu ahaa shaksi awood hoggaamineed iyo karti  leh, asalkiisu wuxu ahaa adoon madow oo Ethopiyaan ah waxaana iibsaday Muhammad ibnu Tughj sannadkii 923, kaasi oo ka mid ahaa cabaasiyiinta xukunka Masar iyo Suuriya hayay.  Kafue wuxu ahaa adoon karti iyo maskaxa leh.

Addoonka Kafur isagoo taagan sayladda lagu iibinayo ayay isaga addoon kale oo ay saaxiib ahaayeen  uu weydiiyay wuxu ku fikiro , waxaana saaxiibkii ugu jawaabay “ waxaan ku fikiraa inaan xabxabka oo aan jeclahay iibiyo, si aan uga dhergo oo mar walba aan u cuno. Laakiin addoonka Kafuur ayaa isna sheegay inuu ku fikiro in uu xaakimka Masar noqdo.  Muhammad ibn Tughj oo loo yaqaanaya “Akhshiid” markii uu iibsaday adoonka Kaafuur wuxu siiyay tarbiyad wanaagsan,  wuxu baraya tababarka ciidanka iyo fardaha sida loogu dagaalamo waxaana uu  noqday halyay.

Markii Muhammad Ibn Tugh uu noqday hoggaamiyaha Masar sannadkii 935 waxa uu addoonkiisa Kafur ka dhigay wasiir ka dib markii u qorshihiisa fiincan, kartidiisa iyo maskaxadiisa la tacajabay.

Haddaba Markii uu dhintay Xaakiimka Muxamad Akhshayid  sannadkii 946 waxa xukunkii boqortooyadaasi la wareegay addoonkiisa Kafur isagoo xukumayay muddo 23 sannadood ah, xilligaasi oo uu haystay laga soo bilaabo Masar ilaa iyo suuriya, waxaana u noqday hoggaamiye aad loogu kalsoon yahaya oo balaadhiyay xukunkii Akhshidiyinta.   Saaxiibkii sida taariikhdu qortay wuxu noqday isaguna xabxable. Kafur waxa u dhintay sannadkii 968.  Qof kasta waxa uu ku hamiyo marka uu ku dadaalo waa u gaadhaa xataa haddii aanu joogin dalkiisa oo uu addoon yahay.

Xeelado Kaa Caawinaya In Aad Xasuustaada Xoojiso Iyo Talooyin Muhiim U Ah Korinta Garaadka Qofka (Q.1aad)

Dad badan ayaa ay la tahay in dhisidda awoodda xusuuseed iyo garasho ee maskaxdu ay ku xidhantahay uun bilowga koritaanka carruurnimo ama dhalinyaronimo ee qofka, laakiin waxa uu cilmigu inoo caddaynayaa in fikirkaasi uu qaldan yahay.

Qof kastaa da’ uu yahayba waa uu leeyahay awooddaas, haddii uu ka dheeraado sababo saamayn ku yeesha awoodda masakaxdu u leedahay fiirsiga, baraarugsanaanta iyo xusuusta.

Sababaha dilaaga ku ah xusuusta iyo guud ahaan awoodda garasho ee maskaxdana waxaa ka mid ah; hurdo yaraanta, shaqooyin kala duwan oo qofku mar isku dhex furo, ku talaxtagga cunista dawooyinka aanu dhakhtarku qorin iyo culayska shaqo oo qofka ku bata.

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in dadku marka ay weynaadaan da’ ahaan ay weli awood u leeyihiin in ay maskaxdooda u sameeyaan shabakado neerfeed, taas oo marka ay dhacdo caawinaysa in xusuustu fiicnaato iyo in ay maskaxdu ka adkaato dhibaatooyinka ka soo gaadha gabowga. Haddaba waxa aynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah hababka xusuusta lagu xoojin karo oo qofku samayn karo da’ kasta oo uu yahay.

Iska jir in aad dhowr shaqo mar isku dhex furto: In kasta oo ay dunida maanta caan ka noqotay in qofku isaga oo waqtiga la baratamaya awgeed dhowr shaqo isku dhex furo, haddana waxaa la aaminsan yahay in taasi ay dib u dhac, daal, qaladaad iyo illow keento.

Daraasado arrintaas la xidhiidha oo la sameeyeyna waxa ay muujiyeen in maskaxda bani’aadamku ay u baahan tahay siddeed ilbidhiqsi oo ay ku adkayso xogta loo dhiibay, sidaa awgeed haddii aad talefan ku hadlayso, hawlo kalana waddo, isla markaana furaha gaadhiga meel saarto, waxa ay ugu dhowdahay in aanad xasuusan halkii aad furahaas saartay, waayo maskaxdu ma’ay helin waqtigii ay u baahnayd in ay xafiddo xusuustaas, oo hawlahaaga kale ayaa ay ku mashquulsanayd.

Ciyaaraha iyo xeeladaha garaadka lagu cabbiro: Tijaabi in aad ku ciyaarto ciyaaraha iyo xeeladaha kala duwan ee garaadka ka shaqaysiiya, ciyaarahan iyo xeeladahan oo in badan iyaga oo aan lacag lagaa rabin laga heli karo internet ka ayaa ay xeeldheereyaashu tilmaameen in ay wanaajiyaan xusuusta iyo awoodda garaadka qofka, waxa aanay ku taliyeen in aan la dhayalsan, gaar ahaan ciyaarta lagu magacaabo ‘Sudoku’ oo ah shaxda la buuxiyo ama la isku beego ereyada ama tirooyinka isku habboon.

Xafidista iyo xasuusashada: Naftaada ku tababar in ay dusha ka xafiddo lambarrada talefannada, kadibna marka dambe aanad lambarka baadhin ee aad ku dadaasho in aad xasuusato, haddii lambarku dheeryahay baro hababka xafidista kaa caawin kara oo hormo-hormaynta tiradu ka mid tahay.

Xirfado cusub baro: Ku dadaal in aad barato xirfadaha cusub iyo waxyaabaha fanka ah, sida ciyaarta shaxda, hababka cunto karinta iwm, ee qabashadoodu u baahan tahay in aad isticmaasho dareemeyaal ka badan mid. Waxa ay kaa caawinaysaa in habdhiska neerfuhu firfircoonaado awoodna u yeesho ka hortagga calaamadaha gabowga iyo in caafimaadkoodu si guud u fiicnado. Waxa kale oo ay si gaar ah u xoojinaysaa xusuusta.

Adeegso xusuusta aragtida ah: Inta badan xusuusta waxa aad aragtay ayaa ka xoog weyn xusuusta waxa aad maqashay, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu ku dadaalo in waxa uu xusuustiisa doonayo aanu maqal ku koobin ee uu sida oo kale arko, tusaale ahaan daawo sawirrada munaasabadda aad doonayso in aad xasuusato ama dhacdooyinka kale ee noloshaada, cilmiga aad dhegeysatana ku dadaal in aad aragti akhris ah ku xoojiso si aanad u illaawin.

Nidaamin: Khubarada cilmi nafsigu waxa ay xaqiijiyeen in fawdada iyo isku dhex daadsanaantu ay maskaxda ku abuurto baahsanaan iyo in xusuustu ku adkaato, sidaa awgeed waxa ay ku talinayaan in qofku uu ku dadaalo in dhammaan dhinacyada noloshiisu ay noqdaan kuwo nidaamksan. Waxa ay xoojinaysaa xusuustiisa. La soco…

Xikmada Ku Jirta Digniintii Uu Cumar Bin Khadaab Faray Mid Ka Mid Ah Masuuliyiintii Uu Goballada U Xil Saaray

Hoggaamiyihii Muslimiinta (Amiirkii Muuminiinta) ee Cumar Bin Khaddaab, Alle ha ka raalli ahoodo e’ ayaa maalin maalmaha u yeedhay mid ka mid ah masuuliyiintii goballada ay dawladda Islaamku ka koobnayd xukumayey, waxa aanu weydiiyey, “Haddii laguu keeno ruux tuug ah, maxaa aad ku samayn lahayd?”  Masuulkii maba uu la waaban jawaabta ee waxa uu Amiirka muuminiinta ku yidhi, “Gacanta ayaa aan jari lahaa”

Cumar Bin Khadaab oo su’aasha xikmad wax u sheegid, iyo digniin uga jeeday ayaa ugu jawaabay, “Haddaba, Aniguna adiga ayaa aan gacanta kaa jarayaa, haddii qof ka mid ah dadka aan madaxda kaaga dhigay ii yimaaddo, isaga oo gaajaysan ama dhibaato kale haysato,

(Dhibaato ay tahay in dawladdu wax ka qabato)” Cumar Bin Khadaab Alle ha ka raalli ahaado e’ isaga oo sharraxaya sababta uu sidan u yeelayo ayaa waxa uu masuulkan ku yidhi, “Alle waxa uu uumiyihiisa masuul inooga dhigay, in aynu gaajadooda daboolno, cawradooda asturno, xirfadna u abuurno.

Haddii aynu intaas u qabanno, waa aynu ka kasbannay mahadnaqeeda. Gacmahan waxa uu Alle u abuuray in ay shaqeeyaan, haddii ay wanaagga iyo u hoggaansamidda Alle shaqo ka waayaan, macsiyada iyo xumaanta ayaa ay shaqooyin ka helaan” Qisadan waxa uu Kobciye.com ka soo xigtay barnaamijka ‘Fawqal Suldah ee ka baxa Talefishanka Aljasiira.

Barnaamijka KOBCI MASKAXDAADA Iyo Kobciye.com Oo Idin Soo Gudbineyso Xikmado Muhiim U Ah Nolosha..

Qisaska ku xusan kutubta lagu ururiyo dhacdooyinkii taariikhihii dhexe ee Carabta, waxaa ku qoran qiso aad u xiise badan marka hoos loogu daadago xikmadda xeesha dheer ee ku jirta. Wargeyska Kobciye.com waxa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadaas oo uu afka hooyo u rogay.

Gabayaa caan ahaa oo u dhashay dalka Ciraaq, laguna magacaabi jiray Camar Bin Almubaarak ayaa laga soo wariyey in maalin maalmaha ka mid ah uu arkay gabayaagii kale ee Kalthuum Bin Camar Alcutaybi oo khubus ku dhex cunaaya shaarac magaalada Baqdaad ah.

Cumar Alwarraaq oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa aad ula yaabay ninkan caanka ku ah dhaqanka iyo suugaanta ee jidka dhexdiisa cuntada ku cunaya. Waxa uu ahaa dhaqan xilligaas aad u foolxun. Camar Alwarraaq inta uu u soo dhowaaday saaxiibkii Kalthuum ayaa uu ku yidhi, “Waar hooge, miyaa aanad dadka ka xishoonayn?!” Laakiin Kalthuum isma uu dhibin ee si fudud oo xikmad badan laga dhuuxayo ayaa uu saaxiibkii ugu jawaabay, “Ka warran haddii halkan aynu joognaa ay tahay meel lo’ keliyi ku nooshahay. Miyaa aad ka xishoon lahayd in aad wax ku dhex cunto, lo’da oo ku arkaysa?!” Camar oo ka yaabban sababta uu saaxiibkii dadkan oo dhan xoolaha ugu sheegay ayaa su’aashaas ka jawaabay oo yidhi, “Maya”

Kalthuum oo arka yaabka saaxiibkii ka muuqda ayaa ku yidhi, “Haddaba ii yara sabir, si aan kuu tuso in dadkan suuqa ka buuxa ee aad leedahay ka xishood ay lo’ yihiin”

Kalthuum inta uu istaagay ayaa isaga oo cod dheer ku hadlaya uu jidkii wacdi ka dhex bilaabay. Dad aad u badan oo kuwii jidka marayey iyo dadkii suuqa joogay ah ayaa isugu soo baxay in ay wacdiga fiican ee Sheekha soo dhegeystaan. Kalthuum markii uu hubsaday in dadka ku soo ururay aad u badan yihiin, ayaa uu wacdigii ku soo dhexdaray ereyadan, “Waxaa la inoo soo wariyey, in qofka uu carrabkiisu gaadho dulka sankiisa aanu naarta gelayn. Hadalkii oo aan kaba soo wada dhammaan afka Kalthuum ayaa dadkii oo dhami ay carrabka la tiigsadeen dulalka sankooda. Si mid kastaa uu u hubiyo bal in uu carrabkiisa sanka gaadhsiin karo. Markii xaal halkaa marayo ayaa Kalthuum inta uu ku soo jeestay saaxiibkii Camar waxa uu ku yidhi, “Miyaanan kuu sheegin in ay lo’ yihiin?”

Xikmadda ugu weyn ee qormadan ku jirtaa waa in aynu fahanno in wax kasta oo la inoo sheego aanaynu run u qaadan. Waana halka ay Soomaalidu ka tidhaahdo, wax ha lagu baro ee maankaaga kasha.

Maxaad Ka Taqaanaa Qisada Cajiibka Ah Dhagxaanta Nool Ee Romaniya, + Sawiro!!

Tuulada Kustisti ee Dalka Romaniya waxa jirta arrinta dhagxanta cajiibka ah.

Tuuladan ayaa dhagaxan soo jiidatay dalxiisayaasha can ku noqotay. Dadka deegaanka ayaa Dhagxanta u bixiyay “Trovants”  oo luqada dalkooda ah “dhagxanta nool”. Aqoonyahanada macdanta ayaa soo saaray warbixino dhagxantan fsharax ka bixinaya.

Warbixinta ayay  ku cadeeyen in dhagaxantani ay jireen muddo 6 malyun oo sandood ah oo wakhtigaasi ay ku bilaabmeen iyagoo qururux yaryar ah ilaa ay ka gaadheen 10 mitir. Waxa kale oo ay sheegeen in koritaanka dhagaxnta aanay ahayn mid si dhakhso ah u socda laakiin uu 1000 sano marka la joogoba korayo 4 ama 5 cm.

Ka dib markii daraasado kala duwan la sameeyay ayay hay’adda  UNESCO  ku dhowaaqday inay yihiin dhaxalka aadamigu leeyahay ee umaduhu kala dhaxlaan iyo inay waajib tahay in horumar lagu sameeyo o la ilaaliyo. Waxa kale oo warbixnuhu sheegeen in dhagaxani halkii uu hore uyaalay koritaanka awgeed uu ka dhaqaaqo qiyaas dhan 2 mm.