fb

Tijaabooyinkii Ugu Arxan Darnaa Ee Ay Aadame Lagu Sameeyo Iyo Ujeedooyinka Cilmiga Ah Ee Laga Lahaa

Published: November 16, 2017, 6:47 pm

Sida caadiga ah saynisyahannada iyo xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay mar kasta raadiyaan aqoon cusub oo ay u adeegsadaan dadaalkooda la xidhiidha ka hortagga cudurrada iyo in la helo dawooyin lagula tacaalo. Laakiin waxaa marar badan dhacda in xeeldheereyaasha dadaalladan ku jiraa ay illaawaan xuquuqda iyo karaamada bani’aadamka iyo guud ahaan noolaha, iyaga oo marar ka qaarkood ku kacaya tijaabooyin arxan darro ah qofkana sharaftiisa meel ka dhac ku ah. Qormadan oo uu Kobciye.com afsoomaali u rogay ayaa shabakadda wararka ee Russia today ay ku eegaysaa qaar ka mid ah tijaabooyinkaas cilmi ee arxan darrada ahaa.

Guutadii 731 ee dalka Jabbaan

Ciidamada Imbaraadooriyaddii Jabbaan ayaa sannadihii soddonaadkii ee qarnigii tegey, waxa ay sameeyeen tijaabooyin kala duwan oo la xidhiidha cilmiga barashada noolaha ee bayoolojiga loo yaqaanna. In kasta oo ay u muuqato bilow fiican oo ay ku ogaanayeen xogo muhiim u ah cilmiga caafimaadka, haddana ceebtu waxa ay ahayd in tijaabooyinkaas oo badankooda lagu sameeyey dhulka Shiinaha ee ay markaas Imaraadooriyadda Jabbaan ka talinaysay, dadka lagu sameeyey ay ahaayeen rayid la qasbay. Waxaa intaas dheer in tijaabooyinkaas cilmiga ahaa ay ku dhinteen dad aan illaa hadda tiradooda oo sugan la haynin, laakiin wargeyska New York Times oo sannadkii 1995 kii, warbixin la xidhiidha arrintan qoray uu sheegay in tirada dhibbanayaashaasi ay gaadhay illaa 200 oo kun oo dhibbane.

Tijaabooyinka

Tijaabooyinka caafimaad ee dadkaas rayidka ah lagu sameeyey waxaa ka mid ahaa in qaarkood lagu muday cudurro ay ka mid yihiin Daacuunka iyo Tayfoodhku. Waxaa iyaguna jira dad maxaamiis dagaal ahaa oo ay cilmibaadhayaashu ka dhigteen tijaabo ay ku ogaadaan adkaysiga uu aadamuhu u leeyahay qabowga daran. Dadkaas oo la dhex lugaysiiyey dhul baraf ayaa marka ay ingagaan qabowga dartii lagu tijaabin jiray dawooyin kala duwan oo la doonayey in la ogaado in lagu daweyn karo xaaladaha noocan ah ee mustaqbalka dhaca.

Askar ka tirsanaan jirtay guutada 731 ee imaraadooriyadda ayaa waayadii dambe warbaahin kala duwan oo ay u warrameen waxyaabaha yaabka leh ee ay sheegeen waxaa ka mid ahaa in maxaabiista dagaalka qaarkood uu Jabbaanku ku buufin jiray noocyo ka mid ah suntan ay sameeyaan, si ay u ogaadaan awooddeeda. Waxaa iyaguna jiray maxaabiis inta lagu xidho qolal madow oo meel kasta ka xidhan lagu cabbayn jiray neef aad u xooggan illaa heer dadka qaarkood ay ku dhacday in markii neeftii gudaha jidhkooda lagu buufinayey xad dhaaftay ay indhuhu godadkooda ka soo boodeen. Waxaa iyaguna jira maxaabiis badan oo xubno jidhkooda ka mid ah iyo waaxyaha qaar laga jaray iyaga oo nool.

Tijaabooyin bahalnimo ah

Cilmibaadhayaal ku xeeldheer cilmiga dhawaqa oo ka tirsanaan jiray jaamacadda Iowa ee dalka Maraykanka ayaa sannadkii 1939 kii, sameeyey cilmibaadhis ay doonayeen in ay ku xaqiijiyaan in ilmaha oo warwar ama cabsiyi kaga dhacdo hadalka ay ku keento in uu haghago yeesho. Waxaa naxdin leh in xeeldheereyaashani si ay aragtidan u hubiyaan ay tijaabo ahaan u isticmaaleen carruur agoon ah oo ay soo ururiyeen iyaga oo ku andacoonaya in carruurtaasi ay mustaqbalka yeelan doonaan haghago , sidaa awgeed ay hadda tijaabadan ku samaynayaan.

Tijaabada oo ka dhacday xarunta daryeelka agoomaha ee magaalada Ohio ee dalka Maraykanka ayaa si gaar ah loogu doortay agoontii ay ka dhinteen askarta iyo badmaaxyada, iyada oo carruurta iyo dadkii u dhowaaba lagu qancinayo in ay ka muuqdaan calaamado muujinaya in khalkhal dhinaca dhawaaqa ahi ku soo fool leeyahay ilmahan, sidaa awgeed ay fiican tahay in hadda laga eego kadibna dawo ku habboon loo raadiyo.

Carruurtaas waxaa lagu sameeyey tijaabooyin ay ku jiraan in dawooyin lagu tijaabiyo iyo in qalniino aan sax ahayn lagu sameeyey, qaar badan oo ka mid ahina qaladaadkaas u dhinteen.

Tijaabooyinkii Aabihii caafimaadka dumarka

Dr. James Marion Sims oo noolaa intii u dhexeysay horraantii 1812 illaa dabayaaqadii 1883 waxa uu ahaa dhakhtar u dhashay dalka Maraykanka oo ka mid ahaa horyaalkii cilmiga qalniinka iyo caafimaadka dumarka oo uu kula baxayba, ‘Aabaha caafimaadka casriga ah ee dumarka’

  1. Marion Sims waxa uu aad caan u sii noqday intii ka dambaysay markii uu sameeyey tijaabooyin tiro badnaa oo uu ku sameeyey dumar addoomo ahaa. Falalka arxandarrada ah ee uu Dr. Marion ku kacay waxaa ka mid ahaa in uu sameeyey tijaabooyin caafimaad oo u uu adeegsaday dumar isaga oo aan suuxin uu qalniino ku sameeyey. Sababtu waxa ay ahayd dawada suuxdinta oo markaas dunida ku cusbayd ayaa uu isticmaalkeedu aad u yaraa, sidaa awgeed waxa uu ka lexe jeclaynayey in uu dawadaas suuxdinta u quudho dumarkan. Waxa taas ka sii yaab badnayd in dhakhtarkani uu aaminsanaa in aanay qalniinnadan uu samaynayaa xanuun lahayn, “Uma xanuun badna ilaa heer ay u baahato in aynu isticmaalno suuxdin” ayaa uu si badheedh ah u yidhi sannadkii 1857 kii oo uu khdubad arrintan la xidhiidha jeedinayey.

Tijaabooyinkii uu Naasigu ku sameeyey maxaabiistii xabsiga Auschwitz

Dr. Joosef Mingiil ayaa tijaaboyin kala duwan ku sameeyey mataano ka mid ahaa maxaabiistii lagu hayey xabsiyadii Naasiga. Dr. Joosef waxa uu doonayey in uu cilmi ahaan xaqiijiyo aragtiyo uu ka qabay isirka dadka reer Yurub.

Sida ku cad xaqiiqooyinka taariikhiga ah, dad aad u tiro badan oo ka mid ahaa maxaabiistii ayaa u dhintay tijaabooyinkii caafimaad ee uu ninkani ku samayn jiray, waxa taas ka sii xanuun badan in dhakhtarkani uu indhaha ka saari jiray bukaankiisa, kadibna inta uu urursado tijaabooyin ku samayn jiray.’

Dhinaca kalana Naasiyiintu maxaabiistii tirada badan ee ay xeryaha ku hayn jireen waxa ay ku fasixi jireen xeeldheereyaasha cilmiga ee Naasiga si ay ugu sameeyaan tijaabooyin caafimaad. Maxaabiis aad u tiro badan ayaa u dhintay dawooyin kala duwan oo inta la sameeyey kadibna lagu tijaabiyey, qaarkood waxaa lagu xidhay qolal aad u qabow badan, heerka cadaadiska hawada ku jirtaana aad u hooseeyo, arrintaas oo ahayd tijaabo ay Saynisyahannadu ku ogaanayeen xaaladda diyaaradaha gudahooda ka jirta iyo sida ugu fiican ee loo wanaajin karo.

Rag badan oo dhakhaatiirtaas arxanlaawayaasha ahaa berigii dambe xabsiyada ayaa loo taxaabay si loo geeyo maxkamado ku qaaday dacwadaha kiisaska loo haystay. Mingal isagu waa uu ka baxsaday maxaabiista maxkamadaha la horgeeyey, waxa aanu u baxsaday Koonfurta Maraykanka oo uu ku geeriyooday sannadkii 1979-kii.

Dhamamad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply