fb

Wax Badan Ka Barro Qisada Mucjisada Ah Ee Ka Danbeyso Ceelka Biyaha ZAMZAM-KA..

Published: October 12, 2017, 8:01 pm

Ceelka Samsam ku waxa uu ku yaallaa bariga Kacbada sharfan oo uu u jiro 21 mitir oo keliya, taariikhda ay biyuhu ceelkan barakaysan ka soo maaxayeenna waxa ay soo taxnayd tan iyo waqtigii Nebigii Alle ee Ismaaciil ee uu dhalay Nebi Ibraahiim (Labadoodaba Alle naxariis iyo nabad ha kor yeelo e’)

Sababta ceelkan magaca Samsam loogu bixiyey ayaa ay culimada taariikhda Islaamku sheegeen in ay la xidhiidho qisada ceelkan. Markii Nebi Ibraahiim (CS) oo Alle u diray hawlo diineed lagu amray in uu qoyskiisa kaga tago dhulka uu hadda xaramku ku yaallo oo ahaa ciirsi la’ biyo iyo baad midna aan laga filan, ayaa haajara oo xambaarsan wiilkeeda Nebi Ismaaciil uu haraad aad u badani qabtay, kadib markii ay cabbaar hadba dhan u dhex orodday labada buurood ee Safa iyo Marwo si ay u bidhaamiso safarro deegaanka marayo oo ay biyo u weydiisato.

Haajara aakhirkii waxa ay aragtay biyahan oo ka soo burqanaya dhulka meel ku beegan halkii ay dhigtay wiilkeedii Nebi Ismaaciil, intii ay ku hawlanayd bidhaaminta safarrada. Haajara oo ka cabsi qabta in biyahani ay ku gudhaan dhulkan oomanaha ah ayaa inta ay hadba dhinac ka soo moostay ku dhawaaqday ereyga ‘Sami Sami’ oo macnihiisu noqonayo joogsada joogsada.

Hadal lagua soo wariyey nebigeennii Muxammed (SCW) ayaa isaguna sheegaya in uu yidhi, “Alle ha u raxmaado Ismaaciil hooyadii, haddii ay biyahaas iska deyn lahayd, waxa ay noqon lahaayeen il durudr ah:”

Laakiin waxaa jira magacyo kale oo uu leeyahay ceelka Samsam waxaa ka mid ah, ‘Diibah’ ‘Barrah’ Cismah’ ‘Madnuunah’ ‘Sayidah’ ‘Cadbah’ ‘Saalimah’ ‘Mubaarakah’ ‘Kaafiya’ iyo ‘Caafiya’ magacyadan oo ah kuwo ay carabtu ula baxday ayaa dhammaantood uu macnahoodu ku soo ururayaa ammaanta biyahan iyo in ay yihiin biyo ka fiican kuwa dunida caafimaad ahaan iyo barako ahaan muuminiinta oo keliyana Alle ugu talagalay.

Markii ugu horreysay ee biyaha samsam soo butaaceen waxa ay waraab u noqdeen Nebi Ismaaciil (CS) oo uu Alle u furay kadib markii uu aqbalay ducadii uu Nebi Ibraahiim (SC) markii uu cidlada kaga tegeyey qoyskiisa ku sii sagootiyey oo macnaheedu ahaa, “Allahayoow cid ubadkaygii ka mid ah ayaa aan dejiyey tog aan saran lahayn oo ku dhow Gurigaagii xurmada lahaa”

Waxa ay taariikhda Islaamku sheegaysaa in Nebi Ibraahiim (CS) markii isaga oo fulinaya amar xagga Alle (SWT) uga yimi fulinaya uu qoyskiisan u soo raray dhulka Xaramka, uu wax sahay ah u siday qarbad yar oo biyo ah iyo in yar timir ah, kadibna uu kaga tegey Maka. Markan ay Haajara hadba dhan u ordaysayna ay tahay markii biyahaas iyo timirtii ka dhammaadeen ee wiilkeedu uu harraaday dhimashana ku dhowaaday. Waxa ay taariikhdu sheegaysaa in markii Haajara ay labada buurood dhex orodday mar keliya halkii ay wiilkeeda yar dhigtay kaga yimid cod u sheegaya in u sheegaya in gargaarkii ay u baahnayd la siiyey. Markii ay wiilkii dib ugu soo oroddayna aragtay biyahan oo bilowgii si yar uga soo burqanaya halkii uu dhabanka ku hayey.

Waxa ay taariikhdu sheegaysaa in waqtigaas uu Nebi Ibraahiim qoyskiisa keenay Maka ay qiyaas ahaan ku beegan tahay 1910 sano ka hor dhalashadii nebi Ciise (SC), marka la eego markii ay biyaha Samsamku dillaaceen illaa taariikhda aynu maanta joognana ay u dhexeeyaan ku dhowaad 4 kun oo sano.

Waxa ay taariikhdu sheegtaa in markii Makah deegaankeedu biyaha yeeshay sida aadka ahna loo soo degey, ee cagtii ku badatay in ceelka Samsamku uu aasmay. Laakiin uu deegaankii iska sii camirnaa, iyada oo samaysantay magaalada Maka isla markaana weynaatay, dadkii xilligaas jirayna karaamo iyo xurmo badan ka kasbatay kacbada oo ay Nebi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nebi Ismaaciil (Labadaba Alle ha nabadyeelo) dhiseen. Waxa kale oo magaalada Makah in ay deegaamowdo aadna u ballaadhato xilligaas sabab u ahaa halka ay juqraafi ahaan dhacdo oo ahaa meel ganacsiga ku habboon.

Mar dambe oo ahayd markii la soo gaadhay waqtigii qabiilka Qurayshtu samaysmay ee dhulkan uu deegaan ahaan u yeeshay ayaa Cabdilmudalib bin Haashim oo nebi Muxammed (SCW) awoowgii ahaa, uu dib u qoday ceelkan isku aasmay, mar labaadna biyihii samsamku ay ku soo noqdeen sidoodii hore kadib markii ceelka dib u qodis iyo dhooba qaad lagu sameeyey. Taariikhaha qaar waa ay sheegayaan in sababta uu Cabdalmudalib ceelkan u raadiyey dibna ugu qoday ay ku timid riyo uu ku riyooday.

Ceelkii dib ayaa uu u shaqeeyey waxa aana masuuliyaddiisa gacanta ku dhigay Cabdalmudalib Bin Haashim (Nebiga SCW awoowgii) oo isagu xil qaaday waraabinta dadka Islaamka hortii kacbada cibaado u iman jiray. Cabdalmudalib waxa uu lahaa geel aad u badan, marka la gaadho sannadka xilliga ay dadku xajka imanayaan inta uu geelisaa ku soo dhoweeyo deegaanka Makah ayaa uu caanihiisa iyo malab uu isku daray uu keeni jiray gal ku dhow ceelka samsam ka kadibna uu dadka cibaadada u socda ku sooryeyn jiray caanahaas iyo biyaha samsamka oo si adaygooda aanay dadku u diidin uu ku dari jiray Sabiib aad u badan oo qofku ku dhex cabbo.

Markii uu Cabdalmudalib dhintay waxaa hawshii waraabinta dadka la wareegay wiilkiisa Alcabbaas Bin Cabdalmudalib (Alle ha ha raalli ahaado ee) waxa aanu masuuliyaddaas sii hayey xitaa markii Islaamku soo baxay ee uu isaguna (Cabbaas) muslimay, illaa laga soo gaadho markii ay muslimiinta oo uu Nebi Muxammed (SCW) hoggaaminayaa qabsatay Makah.

Waxa ay taariikhdu sheegaysaa in markaas uu Nebi Muxammed (SCW) si rasmi ah masuuliyadda ceelka iyo kacbada maamulkeedaba ugu wareejiyey Cabbaas Bin Cabdalmudalib, oo marka horeba isaga iyo aabihii masuuliyaddan iaga dambeeyeen. Waxa aanu Nebigu (SCW) sheegay maalintaas in shay kasta oo jiray uu isagu masuuliyaddiisii la soo wareegay marka laga reebo Samsam ka oo uu u deynayo qoysaas Islaamka hortiiba maamulayey.

Markii uu geeriyooday Cabdulmudalib waxaa maamulka ceelkan barakaysan la wareegay wiilkiisii Cabbaas Bin Cabdalmudalab oo ah Nebiga adeerkii. Isaga ayaana maamulayey illaa maalintii uu ka geeriyooday. Sida taariikhda ku xusan markii Nebi Muxammed (SCW) Quraysh ka qaaday gacan ku haynta Maka waxa uu mar kale Cabbaas u sii cusboonaysiiyey masuuliyaddii uu awoowyadii ka dhaxlay ee maamulka ceelka Samsamka.

Cabbaas bin Cabdalmudallib (NNKH) waqtiyadaas oo aanay jirin qalabka qaboojiyeyaasha ee casrigani waxa uu sameeyey laba qudbi oo mid uu ka dul dhisay ceelkaha biyaha Samsamka si uu uga dhowro in fallaadhaha qorraxdu toos ugu dhacaan, kadibna ay hbiyihiisu kululaadaan, qudbiga kalana waxa uu gudihiisa ka sameeyey gal weyn oo biyaha samsamka lagu soo dhuro si ay laydhaas iyo hadhkaas ugu qaboobaan. Qudbigan waxaa markii dambe muddo inta aan la dumin ka hor ahayd dhex yaalla khasnad uu ku jiro kitaab Qur’aanka Kariimka ah oo uu gacantiisa ku qoray asxaabigii weynaa ee Sayid Bin Saabit (Thaabit) Alle ha ka raalli ahoodo ee. Kitaabkan waxa uu asxaabiga qoray 18 sano kadib geeridii Nebiga (SCW).

Labada qudbi ee uu Cabbaas dhisay waxaa aakhirkii dumiyey mid ka mid ah mid ka mid ah amiirradii magaalada Maka soo maray oo lagu magacaabi jiray Shariif Cawn Rafiiq iyo Sheekhii markaas Xaramka masuulka ka ahaa oo isna ahaa Sheekh Cusmaan Nuuri Baasha, kadib markii daadad waaweyn oo soo rogmaday ay masaajidka barakaysan gudaha u galeen, in badan oo kutubtii taariikhiga ahayd ee ku kaydsanaydna qooyeen. Waqtigaas oo imika laga joogo ku dhowaad 130 sano ayaa kutubtii ka soo hadhay daadadkan laga qaaday goobtan oo waxaa la geeyey xarunta hadda lagu magacaabo ‘Rugta kutubta ee magaalada Maka’

Ceelka Samsam waxa  uu u qaybsan yahay laba qaybood oo ta koowaad ay tahay, qaybi dhisan oo hoos u qodan joog dhan 12.8 mitir, iyo qaybta kale oo dalool marka la eego laga arkayo in uu yahay buur ama sallax weyn oo dhexda laga dalooliyey, waxa aanay qaybtaasina hoos u qodan tahay 17.2 Mitir. Marka la isku daro labadan qaybood joogga ceelka Samsamku waa 30 mitir oo ah inta u dhexeysa afka ceelka illaa sagxadda u hoose. Waxaa jira oo marka ceelka hoos loogu dhaadhaco ceelka la arkayaa, ilow biyo durdurayaan oo tiradoodu saddex tahay, kuwaas ayaana ah kuwa ceelka biyaha soo geliya.

Dhammaad


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply