fb

Taariikh Kooban + Muuqaal Naxdin Leh Oo Ku Saabsan Dhibaatada Lagu Hayo Muslimiinta Burma..

Published: September 9, 2017, 10:09 pm

I sii waqtigaaga 90 ilbidhiqsi si aad u fahanto Qadiyada Xanuunka badan ee ka taagan Muslimiinta Burma

Waa kuwama Rohingya?

Waxay ahaan jireen dawlad gaar ah  oo la odhan jiray Araakaan waxay ahaayeen 3 malyuun oo Muslima, intii dawladaasi jirtay waxay ku faafiyeen Diinta Islaamka Dawladaha la jaarka ahaa khaasatan Dawlada Burma oo Diinta ay caabudayeen ahayd Buudhis, Sanadkii 1784 Buudhiyiintii reer Burma waxay u cadhoodeen Muslimiintii Araakaan waxayna soo weerareen wadankoodii araakaan, waxay cagta mariyeen muslimiintii , wadankoodiina way la wareegeen , ka dibna waxay ku darsadeen Burma waxayna u bixiyeen magaca la yidhaaho Meyanmar, waqtigaas laga bilaabo Muslimiintii Rohinyga waxay noqdeen dad la haysto oo laga tiro badan yahay, waayo Muslimiinta tiradoodu waxay ahayd 3 malyuun , reer Burmana waxay ahaayeen 50 malyuun,

Waqtigaas laga bilaabo dadka Muslimiinta Rohinyga waxay noqdeen dad gumaysi ku hoos jira , waxay sii wateen inay dib u dhistaan magaalooyinkoodii oo la gubay badidooda waxay dib u hagaajisteen masaajidoodii iyo Jimciyadihii Diinta faafinayey, sidaas kumay nabad gelin Rohinyga balse goor kasta waxaa lagu samaynayey gabood falo iyadoo lagaga aar goosanayo keliya diintooda iyo iimaankooda,

Waxyaabihii ugu argagaxa badnaa ee lagu sameeyey waxaa ka mid ahaa hada ka hor in Koox buudhiyiin ah oo anshax darani ay koox ducaada oo Faafinaya diinta islaamka oo gaadhi wayn oo Bus ah wata inay joojiyeen ay jarjareen Xubnahooda jidhka, dadka maalintaas halkaas lagu laayey waxay ahaayeen Khadiibiintii , Xufaadii iyo aqoonyahankii Diinta Islaamka,

Muslimiinta Rohinyg maalintaas la bilaabo waxaa u muuqatay inaan fadhi oolin ayna tahay inay ama si fiican oo Sharaf iyo cizi leh u dhintaan ama si fiican u noolaadaan, tani waxay soo dedejisay  in Muslimiinta Meyanmar xaalkoodu noqday HADII LUQUNTA LAGU JARO LUGAHA MEER MEERI, IYO LIX HALKAAD KU JOOGTAAN DAGAAL LAABTA KA OGAADA,

Taas markii ay qorshaysteen waxaa Buudhiyiintii cagta mariyeen wixii Muslim loo garto waxaa la gubay masaajidadii iyo guryihii, Caruurtii ayaa la gawracay subax qudha ayay gubeen 2600 oo guri halkaasoo cidii ku jirtay ku dhimatay intii kalena orod miciinsatay,

90 kun oo Rohingya ah ayaa doonyo ku qaxay, haweenkoodii waa la kufsaday lana laayey caruutoodii waa la xasuuqay iyo waayeelkoodii , Qofkii ka badbaaday Mindiyaha afka badan ee Buudhisku ku gawracayo rohinyg wuxuu orod ku gaadhay Bangaladesh, Inta Badwayntu liqdayna tiro malaha,

Weli waxaa socda Xasuuq baahsan oo lagu hayo Qoomiyada Rohingya ee reer Burma, Aduunku wuxuu u daawanayaa sidii Xikaayad oo kale ama Movie Musalsal, way yartahay cid ka hadashay,

Wax kale laguma dilayo ( keliya Inay Alle rumeeyeen Mooyee)

Haka ilaabin ducadaada walaalahaaga Qowmiyada Rohingya ee reer Burma,

Allena ha u gargaaro.

W/T Hussein Jama guudcade

Columbus


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply