fb

Duruusta Nolosha ( Ka Faa’ideyso Talooyinkaan Wax Ku Oolka Ah )

Published: September 1, 2017, 12:47 am

Ha nicin qofna si kastoo qalad weyn kuugu sameeyaan

  • U noolow si fudud si kastoo aad dhaqaale badan u hesho
  • Dhanka fiican wax ka eeg mar kasta si kastoo nolosha kuugu adag tahay
  • Bixi wax badan xitaa haddii wax yar ku soo galaan ama aad heysato 
  • La xiriir kuwa ku hilmaamay, 
  • Cafi kuwa ku xumeeyay, 
  • Ugu ducee waxa ugu wanaagsan kuwa aad jeceshahay
  • Ku bedel cabsidaada inaad si Geesinimo leh u wajahdo
  • Ku bedel shalaytada inaad Casharo ka barato
  • Ku bedel welwelkaaga inaad runta aqbasho
  • Ku bedel shakigaaga inaad kalsooni yeelato
  • Ku bedel murugadaada inaad faraxsanaato
  • Ku bedel xanaaqaaga inaad Naxariis yeelato


Xusuusnow Nolosha wixi laguugu talagalay waad helaysaa xitaa haddii ay laba buur hoostooda ku jiraan. Wixi aan laguugu talagalin ma helaysid xitaa haddii ay ku jiraan labadaada Bushimood dhexdooda.

W/Q: Farah Cawaash


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply