fb

DAAWO: Sheekh ka Mid ah Culimada Jaamacada Al-azhar oo Shaqada laga Eryay Markii uu TV-ka heesay…

Published: September 24, 2017, 9:27 pm

Dowlada Masar ayaa ka carootay, shaqadiina ka joojisay Shiikh ka mida culimada Azhar ka dib markii uu hees ka qaaday barnaamij u ka qeyb galay oo toos uga socday Telefishin.

Sheekh Ehab Yunis ayaa marti ku ahaa barnaamij ka baxa telefishanka ONTV ee dalka Masar, wuxuuna qaaday heesay caan ku tahay fanaanada reer Masar ee Umu Kaltuum isagoo xiran lebiska culimada Azhar Al-Shariif.

Go’aan ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Masar ayaa shaqadii looga joojiyay Sheekhan, waxaana gebi ahaan laga mamnuucay inuu casharo diini ah akhriyo, inuu imaam noqdo ama uu Khudbado diini ah ka jeediyo Masaajidada iyo Madaarista.

Shacab badan oo reer masar ah ayaa si weyn ula fajacay markii at toos TVga uga daawadeen Shiikhan oo heesaya, iyagoo isweydiinayey sida ay ka noqotay Shiikha iyo waxa ku xambaaray inuu falkaas ku dhaqaaqo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply