fb

7 Calaamadood Oo Digniin U Ah Islamarkaana Caddeynaya In Jidhkaagu Aanu Biyo Ku Filan Haysan!!!

Published: September 1, 2017, 12:45 am

Biyuhu waxay ka kooabn yihiin saddexdii meeloodba laba meelood oo miisaanka jidhkaaga ah, qofkuna ma noolaan karo biyo la’aan maalmo yar gudahood. Unugkasta, xubin kasta iyo qaybkastoo kamid ah jidhkaagu waxay ku xidhan yihiin biyaha.

Biyuhu waxay ka caawiyaan jidhka isku dheeli tirnaanta dareeraha. Waxay maamulaan islamarkaana joogteeyaan heerkulka jidhkaaga. Waxay qoyaan kalagoysyada iyo indhaha. Waxay difaacaan nudaha jidhkaaga laf dhabarta iyo kala goysyada. Waxay ka caawiyaan jidhkaagu inuu iska saaro qashinka iyo sunta. Waxay caawiyaan dheefshiidka. sidoo kalena waxay maqaarka jidhkaaga ka caawinayaan inuu noqdo mid qurux badan oo da’a yar.

Biyaha la’aantood jidhkaagu wuxuu joojin doonaaa inuu si fiican u shaqeyo. sidaa daraadeed waxa aad u muhiim ah inaad jidhkaaga biyo badan siiso.

Dad badani ma ogaadaan marka jidhkoodu aanu haysan biyo ku filan. Inaad fahanto calaamadaha lagu garto biyo la’aanta jidhkaagu waxay ka caawin doontaa inaad ogaato markaad u baahan tahay inaad biyo badan qaadato.

Muuqaalkan waxaan kuugu sheegi doona 7calaamadood oo digniin u ah islamarkaana cadaynaya in jidhkaagu aanu biyo ku filan haysan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply