fb

Shan Shay Oo Dadka Waaweyni Aanay Jeclaysan Laakiin Ay Fiican Tahay In Aanad Ilmahaaga U Diidin

Published: August 22, 2017, 11:41 pm

Culimada cilminafsigu waxa ay sheegaan in marka aad ilmahaaga u samayso xuduud aanu ka gudbin karin, in ay ku beeranto shucuur xasilooni iyo ammaan ah oo uu si aan warwar lahayn hawlihiisa u guto, laakiin cilmibaadhiso cusub ayaa sheegaya natiijo taas ka duwan oo ah xakamaynta badani ay ilmaha ku keento xasilooni la’aan hoosna u dhigto heerka xirfadda ilmaha looga baahan yahay.

Qormadan oo uu Kobciye.Com Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa Shan arrimood oo ay tahay in aanad ilmahaaga ka xakamayn iyo sababta.

1. Su’aalaha badan ee ilmahaaga xitaa haddii ay macno darro tahay: Ilmuhu marka uu korayo waxa uu joogto u bartaa waxyaabaha ku cusub ee dunida ku xeeran ka jira, sidaa awgeed waxa ay maskaxdiisu doontaa in ay ogaato wax kasta oo aanay hore u aqoonin, cidda ugu dhow ee uu ku tuhmayo in ay ka jaahilsaari kartaana waa waalidka.

Marar badan ayaa ay waalidka ku adagtay in uu ka jawaabo su’aalaha uu ilmihiisu is weydiinayo, waxaa laga yaabaa in su’aasha aanu qudhiisu jawaab u haynin, ama in ay tahay jawaab uu dareemayo in aan la gaadhin xilligii ilmaha loo sheegi kari lahaa.

Xeeldheerayaasha korinta ubadku waxa ay aaminsan yihiin in ay fiican tahay in ilmuhu uu habeen kasta la seexdo jawaabo badan oo uu su’aalahooda maanta is weydiinayo, si ay maskaxdiisa ugu kaydsamaan. Talada ugu fiican ee waalidka la gudboonna waa in uu si deggen oo maskaxda ilmaha la jaanqaadi karta uga jawaabo su’aalaha ilmaha. Waa in waalidku uu ogaado in su’aalaha ilmihiisu qabo iyo jawaabta uu ka bixinayaa ay yihiin xadhiga isku xidha ilmaha iyo waalidkii, mustaqbalkana saamayn ku yeelan doono nooca uu noqonayo xidhiidhka uu ilmuhu la yeelanayo waalidkii. Sida oo kale qaabka uu waalidku su’aalahan uga jawaabaa waxa ay saamayn weyn oo taban ama togan ku yeelanaysaa awoodda koritaanka maskaxda ilmaha.

Talada ugu fiican ee waalidka la gudbooni waa in uu su’aalaha ilmihiisa si deggen oo caqligiisa la da’ ah uga jawaabo, isaga oo aan daalayn isla markaana aan ilmaha ku cabudhinayn su’aalaha, balse ay habboon tahay in lagu dhiirrigeliyo ilmaha in uu dadka ku xeeran weydiiyo arrin kasta oo ku cusub.

2. Oohinta ha ku celin ilmahaaga: Carruurtu wax kasta waxa ay u dareemaan si aad uga xasaasisan sida ay dadka waaweyni u dareemaan, sidaa awgeed waxa aad mar kasta arkaysaa iyaga oo shucuurtaas cabbiraya, laakiin dhibtu waxa ay tahay in marar badan ay shucuurtooda u cabbiraan si aanu fahmi karin ama u dulqaadan karin qofka weyni, tusaale ahaan waa in uu oohin ku cabbiro dareenkiisa.

Culimada cilminafsiga carruurtu waxa ay waalidka kula talinayaan in aan ilmaha loo diidin oohinta, isla markaana aan loo tusin in oohintu ay ceeb tahay. Sida ugu habboon ee aad oohinta ilmaha kula macaamili kartaana waa in aad fahamto sababta uu u ooyayo, kadibna aad isku daydo in aad raalligeliso, una muujiso in aad fahmayso sababta oohinta ugu wacan, balse ugu yaraan aanad waxba ka qaban karin ama haddii aad ka qaban karto in aad dhaqso uga jawaabto.

3. Madax adaygga iyo diidmada in la maamulo: Ilmaha yari waa qof inta badan u abuuran madax adayg iyo fallaaganimo, waa arrin iska dabiici ah in aad ku aragto in uu diiddan yahay gacan ku haynta iyo u talinta buuxda ee waalidka, gaar ahaan da’aha qaarkood. Waxa ay khubarada cilminafsiga carruurtu sheegayaan in waalidka ay la gudboon tahay in ay fahmaan marka uu ilmuhu marayo marxaladdaas madax adaygga, kadibna ay kaga jawaabaan dhibirsanaan, soo dhoweyn  iyo in aanay waajibaad iyo amarro badan dusha ka saarin ee ay tusaan in ay u ogolyihiin in uu xorriyad buuxda haysto, waxa keliya ee ay u joogaanna yahay in ay ka caawiyaan wixii ay da’ ahaan iyo waayoaragnimo ahaan ku caawin karaan.

Xitaa haddii ilmuhu uu falal badan oo qaldan ku kaco, waxaa waalidka looga baahan yahay in uu fahmo saamaynta da’da uu ilmuhu marayo iyo marxaladda isbedellada bayooloji ee jidhkiisu ay u baahan tahay in waxyaabo badan looga garaabo ilmaha. Waa da’ uu ilmuhu u baahan yahay in uu dareemo in uu xorriyaddiisa isagu leeyahay oo waxa uu samaynayaa uu maskaxdiisa ka imanayo.

4. Ha u diidin in uu sir u gaar ah yeesho: Mar kasta oo ay ilmaha da’i u korodho waxa uu qaadanayaa dareen ah in u uu baahan yahay xorriyad intii hore ka badan iyo siro u gaar ah oo uu naftiisa uun la wadaago. Waalidku waa in uu taas tixgeliyaa, intaas ka horna waxaaba ku waajib ah in uu barto in hadba marxaladda cimrigiisu marayaa ay duruufteeda gaarka ah ku leedahay abuurtiisa iyo dabeecaddiisa.

Waalidku waa in aanu ilmaha ku cadaadin ama ku qasbin in uu uga sheekeeyo arrimihiisa gaarka ah, waayo kalsoonida uu ilmuhu kugu qabaa kuma imanayso in uu wax walba kuu sheego, balse waxa ay ku imanaysaa in uu arko in aad waxyaabaha qaar u gaar ah u deynayso si ay isaga uun sir ugu ahaadaan. Waxa kale oo ay tani ilmaha baraysaa in hadhow uu ka adkaan karo in uu sirtiisa qarsado oo xitaa haddii cadaadis la saaro aan dhaqso sirihiisa u faafin, taasina waa qalad.

5. Cadhada ha u diidin: Mid ka mid ah marxaladaha kala duwan ee korniinka ilmuhu maro ayaa ah in dabeecaddiisa oo dhami is beddesho oo cadho badan iyo kulayl mararka qaarkood aan caadi ahayn. Xilligan inta badan waalidka iyo ilmaha khilaaf badan ayaa soo dhexgala, waxa ay culimada cilminafsigu ku talinayaan in waalidku dulqaad dheeraad ah muujiyo, ilmahana muddada uu marxaladdaas dhaafayo si dabacsan ula macaamilo. Laakiin macnuhu ma’aha in cadhada laga ilaaliyo oo marka uu cadhoodo sida uu rabo loola macaamilo, waxa se la rabaa xikmad dheeraad ah in waalidku kula dhaqmo ilmaha.

Waa in ilmaha fursad loo siiyo in uu cadhadiisa dhammaysto oo isagu iskii isu soo dejiyo, haddii ay farogelin ka fursan weydana si dhibirsan oo deggen loola macaamilo oo loo dejiyo. Waxa aad ogaataa in cadhada ilmaha oo cadho laga horgeeyaa ay nafsiyan u dhaawacdo, khatarna ku tahay caafimaadka maskaxdiisa.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply