fb

Sidi roon Rabaa og! Qiso Gaaban Oo Ka Turjumeyso Dhibaatada Nolosha Maanta…

Published: July 29, 2017, 1:09 am

Nin Dooni yar ku kalluumeysan jiray ayaa wuxuu ka caban jiray shaqada uu hayo oo uu dakhli yar ka heli jiray, mar kasta wuxuu ku ducaysan jiray in Alle wax ka kheyr badan ugu bedelo. Maalin ayaa dabeyl xoog leh ku dhufatay oo ka baabi’isay doonti yareyd, isagina wuxuu ku go’doomay jasiirad cidla ah.

Maalin kasta Alle ayuu baryayay in meeshan uu ka badbaadiyo. Cidna uma iman si uu uga baxsadana wuu waayay. Wuxuu soo ururiyay wixi uu heli karay kuna dhistay mudul yar uu dhaxanta ka galo.

Galab isagoo ka soo noqday ugaarsi ayuu arkay buulkiisi oo gubanaya, dhamaan wixi uu urursaday oo ugu keydsanaana ay ku gubteen! Aad buu u naxay, wuu carooday, gacmaha ayuu kor u taagay isagoo leh, “Ilaahow maxaan sameyay waxan iigu dhacayaan? Goorma dhibta ka baxayaa?

Wuu suuxay, wuxuna ku toosay isagoo markab dul saaran. Wuxuu weydiiyay Kabtanki Markabka sida ay ku heleen? Kabtanki ayaa ugu jawaabay, “Annagoo badweynta mareyna ayaan Qiiq badan aragnay, waxaan go’aansanay in aan eegno, sidaas ayaana kugu helnay! haddii aynaan qiiqa dabkaa arki lahayn ma soo leexanayn kumana helneen”

Marki ninki Xaalkiisa uga waramay una sheegay in uu weligii bada ka shaqeysan jiray Xirfada keliya uu yaqaana ay Bada tahay, waxay shaqo mushahar fiican leh ka siiyeen Markabka, wuxuuna sidaa ku bilaabay nolol cusub.

Nolosha waxaa kugu dhacaya dhibaato badan balse xusuuso wax aad u aragto musiibo ayaa dhici karta inay kheyr kuu tahay.

Alle ayaan barinaa, waxaan weydiisanaa isbedel laakiin marki imtixaan yar nala mariyo ma lihin adkeysi iyo dulqaad.

Alle SWT wuxuu Quraanka ku yiri, Waxaa laga yaabaa inaad nacdaan wax isagoo kheyr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeclaataan wax isagoo shar idiin ah, Eebaa wax og idinkuse ma ogidiin.

Share – sii faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply