fb

In Badan Ka Ogoow Sida Maanta Warbaahinadu Wararka U fidiyaan!

Published: June 12, 2017, 5:57 pm

Weriye: Mudane Madaxweyne, Fruit-ka (Miraha) noocee ugu jeceshahay?
Madaxweyne: Tufaax

Weriyihi: War deg-deg ah (Breaking News) Madaxweynaha wuxuu jecel yahay Tufaaxa

Idaacad warki sii qaadatay: Madaxweynuhu wuxuu jecel yahay Tufaax. Ma jecla Cambe, Moos, Liin, Babaay

Fadhi ku dirir: Mirihi buu kala door-biday oo hal nooc ka jeclaaday. Cadaalad ma jirto

Siyaasi Mucaarad ah: Tufaaxu midabkiisu waa Casaan. Marka waxay ka dhigan tahay inuu jecel yahay Dhiig inuu daato. Ma jecla Nabad iyo miro midab cadaan ah

Aqoonyahan Siyaasada ka faalooda: Waxaa dhici karta inuusan ula jeedin Tufaaxa kan la cuno ee uu ka wado Shirkada Apple, haday sidaa tahay wuxuu isticmaalaa alaabahooda oo waqti ku lumiyaa

Bulshada Rayidka: Arrintan waxay dhaawacaysaa horumarki aan hiigsaneynay ee ahaa in aan Magaalooyinkeena Cagaar ka dhigno

Odayaal: Dhaqan ahaan annagu Cambaha iyo Mooska ayaan cuni jirnay, waa wax nagu cusub arrintan

Baraha Bulshada: Xagee is leedahay in lacagta tufaaxa uu ku iibsado ka keenay maadaama Tufaaxu yahay miro qaali ah?

Dhakhtar: Annaga ayuu noola dan leeyahay sababtoo ah horaa loo yiri “An Apple a day keeps the Doctor away”

Wadaad: Waa Aakhiru samaan. Bun iyo Salool ayaa Barakada ku jirtaa oo dadki hore isticmaali jireen

Hal Su’aal aad u fudud, Hal Jawaab caadi ah, Boqol siyaabood oo loo fasiray, loo falanqeeyay loogana faalooday!!


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply