fb

Wax Badan Ka Barro Oo Aadan Ogayn Sanjibiilka Iyo Faa’idooyinka Uu Leeyahay…

Published: May 27, 2017, 1:45 am

Asal ahaan geedka sanjabiilka waxay taariikhda sheegeysa In laga helay  Duurka dalka Hindiya. Magaca zanjabiilka cilmi ahaan waxa afka qalaad lagu yiraahdaa Ginger (Zingiber officinale). Waxa uuna ka mid yahay geedaxa ubaxa bixiya kuwaa oo leh xididdo fara badan. Bahda sanjabiilka waxaa lagu tiriyaa inuu yahay (Zingiberaceae)

Sanjabiilka waxaa la sheegaa dadkii ugu horeeyay inay yhiin Hindida oo waxaa la oran jiray Ganacsiga Baharaadka. Hindiyaa waxay u dhuufin jireen dunida oo dhan waana wadanka ugu soo saar badan sanjabiila 30% dunidda oo dhan. Sanjabiilka waxaa loo isticmaalaa sidda xawaashka oo kale macaaneenta cuntada iyo dhadhanka waxaana loo isticmaalaa sidda daawo dhaqameed.

Sanjabiilka waxa uu ka koobanyahay macaadin fara badan iyo waxyaabo uu jirka inksaanka u baahanyahay waxaan ka mid ah:-

Nafaqada ku jirta 100g ee sanjabiil ah:

Kaarboon heydareeyt  71.62 g

Sokor                            3.39 g

Dheef shiide                 14.1g

Baruur Dufan               4.24g

Barootiin                     8.98g

Fitamiinada ku jira sanjabiilka

Thiamin ( B1)            4 %

Riboflavin (B2)         14 %

Niacin                        64 %

Pantothenic Acid       10 %

Vitamin B6                48 %

Folate B9                   3 %

Vitamin C                  1 %

Vitamin  E                  0 %

Macdanta ku jirta sanjabiilka

Calcium                 11 %

Iron                        152 %

Magnesium            60 %

Phosphorous          24 %

Potassium              28  %

Manganese            1586 %

Sodium                  2 %

Zink                       38 %

Sanjabiilku waa geed aad u faa’ido badan waxa uuna daaweeyaa cuduro badan oo ku dhaca bini’aadanka  islamarkaan waxa uu wax u taraa bini’aadamka jirkiisa waxaa ka mid ah meelha jirka uu wax ka taro hagaajiyana Sanjabiilka.

  1. Qurxinta gudaha jirka bini’aadnka
  2. Qurxinta oogada sare maqaarka jirka bini’aadnka 
  3. Qurxinta timaha
  4. Murqaha

Cudurada uu daaweeyo sanjabiilka waxaa ka mid ah:-

  • Sokorta
  • Cudurada ku dhaca wadnaha
  • Xubnaha Qashin saarka jirka
  • Xididada iyo muqraha jirka
  • Gaasaadka jirka
  • Calool xanuunka maqaska
  • Dheef shiid xumida caloosha
  • Shubanka
  • Hargabka iyo Qufaca
  • Ka hortagida KANSARKA.
  • Xanuunka caadad dumarka
  • Xanuunka jirka waa xanuun baabi’iye
  • Yalaalugada (lalabada) qofka xanuunsan iyo Haweeneyda Uurka leh.
  • Cudurada ku dhaca kala goosyada
  • Xanuun ka ku dhaca madaxa ee loo yaqaan (Barbar xanuunnka)

Qaabka loo isticmaallo sanjabiilka

Sanjabiilka waxa uu u qeebsamaa mid qooyan oo geed ah iyo mid qalalal oo la shiiday waxaan  loo isticmaalaa noocyo badan waxaana ka mid ah:

  • In lagu daro cuntada laguna kariyo
  • In sanjabiilka lagu darsado cabitaanada sida caanaha shurbada iwm
  • In kaligiisa loo kariyo sida shaaha oo la cabo.

Fikirkaada Waa Muhiim


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply