fb

Ubadkaaga Wiilasha Waa Nimca Illaahay, Gabdhahuna Waa Xasanaad Wanaag Iyo Sharaf.

Published: May 27, 2017, 1:46 am

Caruurtaa waa nimco ilaahay uu bixiyo waa taranka aadanaha oo lamanaaha isaqaba ilaahay uu ku irsaaqo ubad matala magacooda waana farxad iyo wanaag ilaahay waxa uu siiyaa ubada kuu doono midkuu doonana ma siiyo wax u bada ah.

Qoys walba waxa uu helaa oo ay iska dhalaan seyga iyo marwadiisa ubad kala ah wiilal ama gabdho. Qaarbuu ilaahay siiyaay wiilal kaliya qaarna gabdho kaliya qaarana wiilal iyo gabdho ayuu isugu daraa. Halka qaar is qaba waligood aysan wax dhaleynin oo ubad yeelan waana ilaahay awoodiisa waana imtixaan la imtaxaanayo shaqsiga  aan wax u bad yeelan. Waxaana looga baahanyahay midka aan u bada yeelan inuu ku sabro ilaahna weydiiso wanaag oo dhan aduun iyo aakhiro.

Bini’aadanka sooyaalkiisa nololeed waxaa wax caadi ku ah in la yagleelo qoys ayna dhalaan caruur, waxaa kaloo caadi ka ah in lamaane in badan isa qaba ayna waligood dhalin waxaa kaloo iayana jirta kuwo is qabay mudo badan oo uabadka ka soo daahaan markii danbana ay helaan ubad.

Ubad la’aanta waxaa keenaya arimo badan oo ay ka mid yihiin:

  1. Cudur oo daawo u baahan ha ahaato lamaanaha isaqaba midkooda waayo wax waliba oo cudur ah waxa uu leeyahay daawo. 2. Ma dhaleesnimo abuur ilaahay ah oo qofka inuu ilmo    dhalo maba loogu tala galin.

  2. in shakhsiga ay haleelaan waxyaabo ku xeeran taa oo ah Guur la’aan, sun jirkiisa gasha iwm

  3. kalsooni daro klui dhacda dadka qaar oo uu guurka ka maago isagoo daliishana afkaar diimeed

Qaldan sida ay yeelaan qaar ka mid ah shuucuubta dunida oo aaminsan sooranimada ama Baadariyada diinta kirishtaanka iyo iwm.

Diinreena islaamka waxay boorisay in shakhsi walba uu guursado hadduu awoodo wayna dhiira gelisay asbaabaha fududeeya in aad guursato ubadna yeelato sida ku cad shareecada islaamka qowlka Nabigeena Maxamed Ah Naxariis iyo nabad gelyo korkii Alle ha yeelee, iyo kitaanba ilaahay swt.

Hadaba aan u guda galno mowduuceena ah: Wiilasha waa nimco ilaahay Gabdhaha waa xasanaad wanaag iyo sharaf. Mowduucan waxa uu xambaarsanyahay  magic weyn waxaan u soo gudbinay si gaaban mana ku soo koobi karno halkan ha yeeshee waxaan soo gudbinayna is wax ay u fahamaan adadkeena soomaaliyeed wax qora aqriyana.

Waxaan ku soo qaadan doonaa afkaar oraahyo laga soo xigtay ximadlayaal iyo Abwaano hore. waxaa la yiri : qofka waa ma dhalees haduu ubad helin ilaa uu ka helo gabar uu dhalay haba lahaadee wiilal 100 gaaraya.
hadalkaan waa oraah dadkii hore waxaanna u soo qaadanay tusaale un.

Zaki Mubaarak waxa uu yiri “Markii aan bukooda gabadheyda waa tan ugu wanaagsan oo ugu deeqsi san waan tan xaaladeyda xanuun mar walba iga wareysato oo i tiraahdo aabe see laguu hayaa maxaan ku siiyaa maxaad kuu qabtaa ma ku toosiyaa?” Maxaad cuneysaa? waa tan aan iga agtagin mar walba. Wiilasheyda waxba ima weydiiyaan.

Hadaba gabdhuhu waa kuwo leh raxmad iyo wanaag aan la qiyaasi karin waxaana garan kara kii leh gabdho. Carabta sabankii Jaahilayada waxay hablaha u hadiyeen jireen weel uu ka buuxo miski iyo biyo roobaad.

Yacquub ina bukhtaan waxa uu yiri:-
waxaa la ii dhalay 7 gabddhood mar walba oo ay gabar ii dhalato waxaan u tagi jiray Axmed Bini xanbal  IHN.
waxa uu igu oran jiray Abuu yuusufoow( Nabiyada waa Aabayaasha Gabdhaha)
warkaas uu igu yiraahdo Axmed waxa uu iga saari jiray waxii murugo ah oo dhan.

Oraah kale aya oraneysa
“Wiilasha waa Nimca Alle Gabdhahuna waa xasanaad oo ah wanaag ajar, Ilaahey waxa uu kugu xisaabinayaa nimcooyinka Wanaaga i xasanaadkana wuu kugu abaal marimnayaa)”

Gabayaagii waxa uu yiri

Gabdhuhu waa keydka naxariiste
Gebi waa Kansi jaceel ahoo naxariisleh

Gunaadad, gabdhaha waa qurux wehel sacaado waxaana helaya kii wanaajiya gabdhaha. Waxaan halkan kasii wadi doonaa qormadan ku saabsan Gabdhaha waxaan kaga hadalnay fikrad ahaan. Waxaana qormadan tan xigta ku suu gudbin doonaa hadduu alle idmo dhanka shareecad islaamka iyo gabdhaha.

Fikirkaada Waa Muhiim


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply