fb

SAWIRRO: Labo Walaalo ah oo maanta ku dhintay Xeebta Liido

Published: May 26, 2017, 8:47 pm

Wararka naga soo gaaraya Xeebta Liido ee degmada C/Casiis ayaa sheegaya iney ku dhinteen labo wiil oo walaalo ah.

Sida uu xaqiijiyay,  Gudoomiye ku xigeenka degmada C/Casiis Xasan Abuukar  2 will oo dhalinyaro ah ayaa manta ku geeriyoodeen Liido iyagoo dabaalanaya .

Xasan ayaa  da’da dhalinyaradan ku sheegay 11 jir iyo 16 jir, waxuuna sheegay in meydkooda ay booliska goor dambe u qaaden Isbitaalka Madiina.

Gawaarida deg deg ah ee booliska ayaa gurmad la soo gaaray goobta , waxaana ay manta aheyd jimco aad u sax mad badan makadam ay Ramadan so galeyso.

Wiilashan walaalaha ah ayaa waxaa qaaday badda maadaama ay ku adkeyd iney ku dabaashaan, sidaas waxaa sheegaya dadkii goobta ku sugnaa

Liido oo kumanaan kun qof u dabaal tagaan Jimco walba ma lahan ciidamo iyo badbaadiyaaal tababaran oo qalabeysan oo badbaadin karin dhalinyarada ku maashooda biyaha.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply