fb

Qiimo Intee La’eg Ayay Gabdhuhu Ku Lahaayeen Soomaalidii Horre?

Published: May 5, 2017, 3:18 pm

Soomaalidii horre aad bay gabdhuhu agtooda qiima wayn ugu lahaayeen colaada. Soomalidu isku laysana ka mid ahaan jirtay markii gabadh wax layeelo hadduusan si deg-deg ah waxa qoladaasi codsatay aan loo bixin. Waxaa dhici jiray dagaal rag badan lagu waayo waxaana markasta labixin jiray xaal. Waxaa la odhan jiray “iga ayaan badanaa ninka gashaanti adhi raacsaday” oo loola jeedo “gabadha saas uqiima badan miyaa adhi laraacinayaa, sowlagama yaabo in rag xoog badani dhabar garaacdaan?”. Wuxuuna ahaa dhaqan jiray oo ragga qaar ayaa haday gabadhaha arkaan kaxaysan jiray markay reerkooda geeyaana inta aabaheed u yeedhaan nooma heri odhan jiray taasoo aabuhu kuqasbanaa oo hadduu duudo xeer ku noqon ama in isagana mar un gabadh loodiidi doono cid qoladooda ahi labaxday.

Intaa kadib waxaa dhici jirtay in gabadhaha qaar laga bixiyo geel gaadhaya boqol halaad, faras iyo waliba xoola kaloo badan. Qaarna waxaa laga bixin jiray konton geel ah, qaarna shan iyo labaatan qori iyo faras iyagu waa geed ka go’an haddii ninka guursadaa uu yahay mid caydha oo aan xoola saas u badan lahayn. Markuu guursado geela yarad ka ah reerkoodaa labixin jiray oo kalla lasiin jiray.

Mida kale gabdhuhu waxay ahaayeen safaarad madax banana oo haddii ay colaadi dhacdo waxaa dhacda labada qollee colka ahi inay gabadha darteed u heshiiyaanoo xoola iyo dhaanba inta lakexeeyo oo reeraha ceelasha degan loo tago ayaa la odhan jiray “col waa nahay laakiin gabadhaas hebla ah eed naga qabtaan nagu waraabiya oo aan biyaha ku cabno”. Sidaas ayayna safaarad u ahaydo gabadha ragay ehelka yihiin meeshay doonaan ayay iyagu wax ka soo qabsan jireen lamana taaban jirin, colaaduna way iska dami jirtay kolkaaba oo waa wax dhaqan ah.

Waxa kaloo jirtay in Soomaalidu gabdhaha iyo geelaba jeclayd, haddaan dhanka kale eegno way jireen gabdha la kufsada laakiin lama arag laman maqal gabadh ninka badani kufsado mana dhici jirin haddii nin gabadh kufsaday la ogaado gabadhaasna xaal iyo xumayn baa laga bixin jiray.

Ugu yaraan konton halaad iyo wixii kolba lagu heshiiyo hadaaban ninkaas la dilin. Midda kalle dhanka xilqarinta Soomaalidu way kufiicnaydoo waxaa dhacdooyinka qaar hal reer oo wada degan ayaa laga yaabaa inayna arinta qaarkood ogaanin. Raga hawsha wada mooyee ceebta waa laqarin jiray oo lama faafin jirin guurkuna wuxuu ahaa qaali oo markaan miyiga eegno sidda badanaaba ah konton geela, qaarbaa laga dhiibi jiray ama qudha waad hilaada qaas, inkastoo lababa meeshay iska hesho ay ahayd.

Hadii aan sheeko dhextaal ah kudarsano qormadeenaan. Waxaa jirtay nin gobolka Soomaali galbeed udhashay oo jabhada ONLF madax u ahaa in ay wada hadleen ra’isul wasaarala Itoobiya Melez Zenawi xiligguu xukunka kucusbaa wuxuuna warqad u diray ninkaas oo magaciisa la odhan jiray Maxamed Cumar. Waxaana warqada ciwaan loogu dhigay “Waxaa Illa Quman Inaad Isa-soodhiibtaan Si Aan Wadanka Nabad Ugu Wada Joogno”

Balse jawaabtii uu bixiyay Maxamed Cumar waxay ahayd sidda tan, “Anagu waxaanu leenahay diin qaali ah oo aan ogolayn in gaal na maamusho ama gumaysato, waxaa kaloonu leenahay rag qabwayn oon ogolayn in la adoon sado, waxaa kaloonu leenahay gabdha qaali ah oon ogolayn in la isticmaar sado”

Laakiin jawaabtuu Melez Zenawi soo celiyay ayaa ahayd sidda tan “Dhulkiina qaali nimadiisu waatan idiin daba socono illaa waligiin Diintiinana ma ogolin inay na ag joogto oo ay jaar nala ahaato illaa inay dimoqraadi noqoto mooyee, raguna waaba kuwa aan rabo inaan ka qoodhsado” oo uu ulla jeedo in kiniisaddiyo masaajidku isku ag oolli karaan mooyee.

“Raguna waaba kuwa aan rabo inaan ka qoodhsado” oo uu ulla jeedo inay noo guursadaan gabdhaha naga gaagaaban si ay rag qoodh badan udhalaan.

Waxa kaluu siiraaciyay gabdhihiinana haka dhigina kuwo ciidamadanadu ku kufsadaan hawlgal kasta oo dhulkiina ah, waan ognahay waa dhul qiimo badan waana sababta aan isugu haysanee aan ku heshiino. Maxamed Cumar waa kadiiday wuxuuna ugu jawaab celiyay “taas dhimasho iyo jihaad noobanaan baan kaxignaa, waxaana lagaa horkeeni raggii dhulka lahaa” Melez ma uusan quusan, laakiin su’aal ale oo uu ciiwaan uga dhigay “immissaa ragaad igga horkeenaysaa?” ku dhashay ayuu way diiday. Wuxuuna ugu jawaabay Maxamad Cumar isagoo faanaya wuxuu ku yiri “konton halaad ka badan iyo kayarba”. Melez-na wuxuu yidhi “hadaba ragaas waxaan ka horkeenayaa kuwa shanriyaal oo Itoobiya kudhashay ee intaan khasaaruhu kugu badan aan heshiino”.

“Sheekadaan waa sheeko in badan aan maqlay waxaadna halkaa ku ogaan kartaa inay qiimaha ay gabdhaheenu leeyihiin, rageenina uu noqday ragga adduunka ugu qaalisan”

Xishoodka gabdhuhu qaalibay ahaayeen, wayna xishood badnaayeen, shaaha may cabi jirrin lamana arki jirin gabadh afka wax ku haysa oo cunto cunaysa sadex shay mooyee “biyo, xanjo iyo maydhax”. Intaa kalloo dhan xiligga ragu joogo gabdhuhu may isticmaali jirin inay isqariyaan mooyee. Codkooda kor umma qaadi jirrin, talaabada xoog umaysan qaadi jirin, hadal aan fiicnayn kumay hadli jirin, way isdadi jireen, ixtiraam dheeraad ah ayaa laga dareemi jiray.

Waxaa jirtay xilligii Ingiriisku dhulka kala gonayay inay niman cadaan ahi kula kulmeen wadada awaare dhanka Hargeysa kasoo gasha. Gabadh Soomaaliyeed oo haan caano ah wadatay ayaa waxay la kulantay niman gaalo cadaan ah oo gaajeysan. Nimankii mid kamid ah ayaa wuxuu ku yiri “caano iga iibi” balse ma aysan wadanin weel loogu shubo caanaha. Waxay ku cabeen aaggaan. Gabadhii waxay tidhi “mid kalaan tolane haanta aad taabateen lanoqon maayee qaata ama tuura” siddii bayna kaga tag-tay haantii qabada ahayd.

“Haanta qabada loo yaqaano haamaha lamid ma’aha waayo iyada geed lagama qoro sidda kuwa kale, balse laakiin geedka qabada ah baa laga tolaa, oo waa qaali ugu yaraan dhawr bilood baa lagu tolaa taasina waxay kutusinaysaa”.

Inay gabdhaheenu qab-waynaayeen oo ay yasi jireen dad aan maanta qiimayno oo aan ushaqayno. Gabadhaas reer miyiga ahina waxay tidhi “haan uu gaal cadaan ahi taabtay walee gacan tayda masaaro”

Dhanka hawl qabadnimada way dhaamin jireen illaa masaafo ka badan boqol kiloomitir oo loo dhaxo habeenno iyagoo kudhaantayn jireen “Markay socdaan dhabiyo goonle dhaan la iiga rarayoo dhukaamayeey siddii hal dhuuganayd”. Iyo xilli ay awrka la hadli jireen oo ay odhan jireen “cadaawe cadaawoow adna caynku kugooyeey anna caata ireebtee mid keenee cabanaayoo cagta loodabciyaayeey”. Muddo dheer marka lasocdo markay reerka ay yimaadaan waxaa dhici jirtay in ay fadhiisan kariwaayaan kadibna larido ama sitartiib ah loo fadhiisiyo oo ay xubnaha lugaha laabi taanku ku adkado. Hawshu waabad nayd geediga fog baa kamida.

Guul ooman iyo guul cokan baa kamid ah. Guri dhiskiyo hawshii reerkaa kamid ah, beertiyo tabacii baakamida. Manaafacaad badan bay gabdhuhu qaban jireen. Midakale gabdhuhu xuduud mala hayn oo meelna lagama celin jirin illaa Jabuuti, Jig-jiga, Hargeysa, Gaarissa, Muqdisho intaba ninkay ka hesho ee Soomaaliyeed way ka guursan jirtay.

Meeshay damacdo inay tag-tana ciddii kama celin jirinoo ubad ay wax utahay umbaa degannaa waadna garan kartaa illaa imika raadadkii way sii muuqdaan dib markaad ufikirto qof walba ehelkii waa ka heli meelkastuu tago mana kala gu i’karo waxaana taa inoo sabab bee yay dumarkeena oo dhammaantood hooya Soomaaliyeed ah iyagana sababay inay luuqadaan kuhadalaa faafto oo ilma walba ababiyay halkaa haynoo joogto maanta.

Waxaan u mahadcelinayaa marka hore Allaah marka xigana, waxaan u mahadcelinayaa aqqoon yahaan keyga, marna ah macalinkeyga Cabduljabaar Sheekh Axmed oo ii fududeeyay in qoraalkani idin soo gaadho si aad u aqridaan.

………………Dhamaantiin waad mahadsantihiin


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply