fb

Nasashada Isbuuca + ILA QOSOL Ninkii Naagtiisa Aay Amaani Jirtay Iyo Markuu U Abaal Guday Wuxuu Kala Kulmay…

Published: May 5, 2017, 3:00 pm

Waxey ahaayeen Lamaane is qaba, Xaasku waxey had iyo goor ay Ninkeeda ugu yeeri jirtay Magacyo aad u qiimo badan oo ay ka mid yihiin:- Xabiibi, Qalbi, Cayuuni, Macaane, Honey, iwm.

Haddaba, Ninkii wuxuu Go’aansaday inuu Xaaskiisa maadaama ay sidaasi u jeceshahay inuu isagana Abaal marin uga dhigo inuu Xajka geeyo, weyna is raaceen oo Xajkii ayuu u Kaxeeyey, Kolkii ay soo guteen Waajibaadkii Xajka, ayuu Maalintii dambe wuxuu arkay Xaaskii oo Dhaheyso:- War Heedhe Faaraxoow ii waran, War Heedhe Faaraxoow goormaan laabaneynaa?.

Ninkii intuu yaabay ayuu Naagtiisa wuxuu ku yiri:- War Xaliimooy maanta maxaa kaa Si ah?. aaway wixii aad gureysay ee Amaanta ahaa oo aad lahayd Xabiibi, Xayaati, Macaane, Honey, iwm. Maxaa is Beddelay Maanta?.

Kolkaas ayey ugu jawaabtay:- War Faaraxoow Waan soo Xajiyey oo iminka Been ma Sheegi karo, ee Saaxiboow Mowjaddaas iska iloow, ee Faaraxoow Please ha i Dambaajinin Anigu ma Awoodo inaan kugu Tilmamo wax aadan aheyn Adiga…………….

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply