fb

HAMBALYO RAMADAAN KARIIM: Bilashada Bisha Ramadaan oo laga arkay Somaaliya

Published: May 26, 2017, 8:47 pm

Maalinta Berito ah oo ku beegan 27 Bisha May,ayaa la xaqiijiyay in ay tahay Maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, maalintaan ayaana gaar u ah dhamaan Muslimiinta Caalamka.

Qaar kamid ah Waxgaradka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in Caawa Bishii laga arkay meelo kamid ah Magaaalada Gaalkacyo islamarkaana Maalinta Berito ah ay tahay maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan.

Sidoo kale waxaa jira magaalooyin kale oo laga arkay Bisha Ramadaan oo dadka ay aad u sugayeen.

Maalinta Berito ah ayaa lafilayaa in inta badan laga Soomo Gobolada dalka Somaaliya,waxana haatanh Guud ahaan Caalamka gaar ahaan Soomaaliya laga dareemayaa diyaar garoowga Bisha Ramadaan.

Hadaba Dhamaan Akhristayaasha Kobciye.com meel kastoo oo ay Aduunka ka joogaan waxaan leenahay Hambalyo Ramadaanul Kariim.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply