fb

Boqortooyada Sacuudiga oo Shaacisay xilliga ay bilaabaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan

Published: May 25, 2017, 10:50 pm

Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa goor dhoweyd shaacisay maalinta uu bilaabanayo soonka bisha Ramadaan ee sanadkan.

Maxkamadda sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aamisay in maaainta Beri ay noqon doonto maalintii ugu dambeysay ee Bisha Shacbaan (30-ka Shacbaan) oo la dhameystirayo bisha.

Waxay maxkamaddu ku dhawaaqday in maalinta Sabtida ah ay tahay maalinta koowaad Ramadaan, sanadkan 1438 Hijriyadda. Dalalka kale ee Sabtida ay u bilaabaneyso Bisha Ramadaan ayaa kala ah: Imaaraadka, Baxreyn, Yeman, Kuweyt, iyo dalal kale.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii la sheegay in waayay bishii Ramadaan oo laga raadiyay gobollada kala duwan ee boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay maanta u ahayd 29-ka Shacbaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Boqortooyada Sacuudiga oo Shaacisay xilliga ay bilaabaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan

  1. Tahla says:

    Mafahmin warkaas in bari 30ka la dhamestiro ad qorten islabari hadan in ay tahay ramadan malintii ugu horaysay ani ma qaldan waa yaabe

Leave a Reply