fb

Barnaamijkii KOBCI MASKAXDAADA Iyo Tallooyin Iyo Xikmado Ku Saabsan Nolosha

Published: May 5, 2017, 3:09 pm

Qoraalkaan ayaa ah qoraallo xikmadeysan oo taxane ah. Waxaan jeclahay inay jiraan dad badan oo ka faa’idaysatay. Bulshada marwalbo waa inay leedahay cid u fakirto oo ka naxdo danahooda iyo siddii ay isbedel u sameyni lahayd.

Kobciye.com marwalbo waxay ku hawl jirtaa siddii ay bulshadeeda u horre marini lahayd iyadoo loo isticmaalaayo qoraaladda xikmadeysan oo lagu bixiyay waqtiga iyo garaad aan loo kala harin. Qoraalkaan hoose waxaad ka dheehani kartaa xikmado iyo waxyaabo badan oo muhiim u ah noloshaada inaad barato, hadaba ka bogasho wacan.

  1. Qalbiyada asliga ah oo wax u jeclaada si naqi ah waxaad dareemaysaa in aad tahay qeyb isaga ka mid ah, waxaa uu ku siinayaa sakhaynimo, maxabo iyo reynreyn marka aad ka ag dhowaato, intaa wixii ka dambeeyana waxa aad ka helayso waa oofin.
  1. Ku toosnow hanuunkaaga ee haku toosnaan hawadaada, hanuunka waxa uu ku siiyaa hagaagsanaan, hawa raacana hagaag la’i…
  1. Ka hor inta aadan jiifan haka fekerin waxyaaba badan, ummuurahaaga oo dhan u daa Alle, oo waxaad dhahdaa Yaa Rabbi, waayo Alle waa ku maqlaa marka hadlayso, waana ku arkaa marka aad dhaqaaqayso, niyaaddadana waa kugu arsaaqayaa…waxwalba waa awooddaa..
  1. Haweenayda murugaysan sheyga ugu muhiimsan ee ay u baahan tahay maaha kelimaad ka yimid caqliga ee waxay u baahan tahay qalbiga, in lala hadlo uma baahna ee waxay u baahan tahay in la dhegaysto, dejin ayey u baahan tahay, citaab uma baahna…
  1. Qofkasta oo deggen maankiisa maaha faaruq, qof kasta oo aamusan maaha qof aan waxba kala jecleyn, deggenaan kasta iyo aamus kasta waxaa ka hoos qarsan kumanaan qiso..
  1. Iftiinka ayaa waxa uu yiri mugdiga wuu tagayaa, murugada agteena ku negaatana waa musaafir, maalmo maalmaha ka mid ahna aan la jarmaadayno farxad iyo reyn reyn, iftiinka iyo muddiga waxaa u dhexeeya masaafo la yiraahdo wakhti, murugada iyo farxadda waxaa u dhexeeya wadda la yiraahdo samir.
  1. Qofka galbada ma soo laabto, qofka ku dhibana maalin malmaha ka mid ah ayuu helayaa qof dhibaya, qofka kaa oohiyana maalin ayuu helayaa qof ka oohiya, waayo dhulka waa wareegaa ee qofna ha dulmin si aan laguu dulmin..qofna ha dhagrin si aan laguu dhagrin, qofna been ha u sheegin si aan been laguugu sheegin..
  1. Nooca sacaada ugu fudud ayaa waxa ay tahay marka aad farriin lama filaan ah ka hesho ama wicitaan teleefoon kaaga yimid shakhsi qaali kugu ah oo kaa maqnaa oo markaasi micne weyn kugu fadhiya, qalbigaagana ku qabowsada la hadalka qofkaasi..
  1. Haka qoomamaynin niyad wanaagsan oo run ah aad siisay qof maalin maalmaha ka mid ah oo uusan qaddarin, ee waa inaad ku faantaa inaad niyad wanaagsanayd islamarkaana aad leedahay qalbi dahab ka sameysan..adiga waajibkaaga waxa uu yahay niyad wanaagsan iyo inaad lahaatid qalbi nadiif ah.…
  2. Maxaa ka qurux badan inaad ku saliso Nebigaaga SCW dadkana ugu yeertid in ay ku saliyaan, si ajar uga hesho ku salintaada iyo qofka ku saliyaba…Allahuma Sali Calaa Muxammed ..

La wadaag asxaabtaada …..Mahadsanid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply