fb

Waxyaabo Badan Ka Barro Cajaa’ibka ka jira Dunida maanta qeybo ka mid ah.

Published: April 24, 2017, 12:40 am

Cajaa’ibka ka jira Dunida maanta qeybo ka mid ah:

1. Wadamada hubkooda ku garaacay Dalal kale, Dad badan ku dilay, Daara badan ku dumiyay, waa kuwa ugu sareeya Aduunka ee Hubka laga iibsado sababtoo ah waxay hayaan hub live loo arkay siduu u shaqeynayo, wax u dilayo, waxna u burburinayo

2. Meelo badan oo Soomaaliya ka mid tahay Qudaarta la cuno waxaa lagu gadaa wadada dhinaceeda, halka Kabaha la xirto lagu gado Qolal Muraayad ah oo AC, Qaboojiye leh

3. Waa la ganaaxaa ama la ceebeeyaa gabadha markay Jirkeeda asturto, halka marka ay isa soo qaawiso la abaalmariyo, qaarkoodna loo sameeyo tartanka Gabdhaha ugu qurxoon Aduunka

4. Qof ayaa waxaa lagu doortaa markuu Been badan sheego, Qof ayaa waxaa lagu xiraa markuu Run sheego

5. Guryaha quruxda badan aad maalin kasta aragto Shaqaalaha dhisa iyagu ma laha Guryo, waa Bilaa Guri

Miyaysan intuba Xaqiiq ahayn? Allaha sahlo

Share – sii faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply