fb

Su’aal:- Maxaad Naftaada ugu diideysaa Hurdada Habeenki?

Published: April 24, 2017, 12:36 am

Goortii soo jeedka kaa bato, Aad u diido naftaada Hurdo ku filan habeenki, aad qabatinto wax aan Dan kuu ahayn ama Mudnaan weyn lahayn in aad ku dhafarto, waxaad dhaawacaysaa jirkaaga, waxaad daalinaysaa dareenkaaga, waxaad nasasho u diidaysaa neerfahaaga, waxaad xanuun ku ridaysaa madaxaaga, waxaad mushkilad ku furaysaa maskaxdaada, waxaad xiijinaysaa indhahaaga.

Waxaad naftaada dhaxalsiinaysaa:

In aad noqoto qof qiiro iyo shucuurtiisu iska kacsan tahay

Waxaa halis u tahay Cudurada dhiig kar, wadne xanuun, wadne istaag, Nooca 2aad ee Sonkorta
Waxaa kugu yaraanaya dulqaadka

Waxaa ku dhaafaya Saalada subax & saacadihi hore subaxa ee barakaysnaa, wax badana qabsoomaan
Waxaad ka wahsanaysaa dantaada ama muraad aad leedahay

Xooga ma saari kartid hawl kuu taalay in aad dhamayso, dib baad u dhiganaysaa mar kale

Waxaa kaa careysiinaya qof wax ku weydiiyay ama su’aal kugu celceliyay

Waxaa ku dhibaya qof iska hadlay, qof wax soo qoray, mid wax kaa sheegay,

Waxaa kaa lumaya qanaaco in aad heshid, waxaad raadinaysaa farxad gaaban, saacado madadaalo ah

Waxaa kugu batanaya cabasho iyo calaacal xitaa shaqadaada ama gurigaaga ah

Waxaad u qaadaneysaa in cid ku jecel ay ku neceb tahay

Waxaad moodaysaa in cid ku caawin lahayd cadow kugu tahay

Waxqabad iyo wanaag kasta waxbaad ka sheegaysaa

Waxaa caado kuu noqonaysa cambaarayn iyo eedeyn

Waxay kula noqonaysaa in aad khatar ku jirto

Waxaa kugu beermaya cabsi

Marki soo jeedka & daalka kaa bato, waxay shucuurtaada kuu dirayaan seenyaale (signal) been ah,
Waxaa fikirkaaga u shaqaynayaa dhanka kale, ma hilmaami kartid xumaan yar, ma cafin kartid cidna, waxaad ku fakiraysaa dad iska dhicin & aargoosi, waxaad adeegsanaysaa erayo qalafsan, waxaad u jawaabaysaa si kulul, waxaa kaa dhacaya hadalo ama ficilo aadan gadaal ka jeclaysan ama ka qoomamayso

Waxaa jira Xikmad & Sabab Alle ugu talagalay Habeenki nasasho iyo hurdo, Maalintina shaqo, marki soo jeedka iyo daalka kugu bato, marki aad waqtigaagi micna darro ku dayacdo, waxaad khilaafaysaa Xikmadaa Alle, waxaad u kici weynaysaa Salaada Subax, waxaa ku dhaafaya in marka habeenka sii dhamaanayo, maalintana bilaabanayso in aad Alle u Mahadceliso nafta kugu soo celiyay, fursad labaad Nolosha ku siiyay

Haddaba, haddii aad rabto isbedel naftaada, dabeecadaada iyo hab-dhaqankaaga SEEXO xilli hore habeenki, soo kac xilli hore Subixi, ku bilow Salaad Subax, ku Bilow Alle aad ku Shugrido, Ku Bilow si fiican si maalinta kuugu wacnaato.

Marnaba ka daali maayo in wax daruuri ah oo dan idiinku jirto idinla wadaago ❤️

Share – sii Faafi si dad badan uga faa’iideystaan


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply