fb

Ha Hilmaamin Hooyadaa! Qiso Gaaban Oo Kuugu Filan Cibro Qaadasho..

Published: April 24, 2017, 12:41 am

Ha Hilmaamin Hooyadaa!

Jaceylka Hooyadu ma laha xuduud, kuma xirna shuruud, lagama weynaado, lagama koro, ma laha dhamaad, wuxuu bilowdaa dhalashada ubadkeeda, waxay wadaa ilaa inta neefta u dambeysa ka baxeyso, oo ay ka dhimanayso!

Waa Hooyo iyadoo jirtay 101 sano daryeelaysay wiilkeeda yaraantiisi ilaa isagoo 63 sano jir ah, waxay geeriyootay dhamaadki 2015. Wiilkeeda Cabdiraxmaan waxaa ku dhacay qallal isagoo yar kaasoo ka dhigay jirkiisa oo dhan naafo, Odaygeedi wuxuu geeriyooday 21 sano ka hor illaa xilligaa iyada ayaa dhexda u xiratay oo daryeelaysay wiilkeeda, iyadoo tabar daran ayay gacanteeda cunto & cabitaan ku siineysay, u qubeynaysay, suuliga geynaysay, dharkana ka bedelaysay.

Eebe ha u naxariisto Hooyadaa, Janadi Fardowsa ha ka waraabiyo iyo dhamaan Hooyado kasta oo Muslim ah.
Haddii aad Hooyadaa jeceshahay u ducee, haddii ay geeriyootay ugu ducee Naxariis iyo Jano, haddii ay kuu nooshahay ugu ducee cimri dheer iyo caafimaad qab.

Share – Sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply