fb

Waxaa Jiro Waxyaabo Muhiim U Ah Nolosha Aad Nooshahay, Bal Xasuuso Arimahaan..

Published: April 9, 2016, 11:01 pm

Ku bixi waqtigaaga dadka wanaagsan oo ku dayashada mudan, si aad u hesho caqli nadiif ah oo aad kaga guuleysato nolosha caajiska badan. Nolosha caajiska badan waa horseedaha bur-buriyaha qalbiga haddii taasi dhacdana waxaa gebi ahaanba bur-buray noloshaada oo idil.

Waqti horre go`aan qaado, go’aan qaadashada ma ahan wax dhib yar mana ahan wax markiiba lagu deg-dego. Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ah “deg-degsiimo door ma dhasho” marka waxaa loo baahan yahay inta aadan go’aansan tallada, waxaa haboon in aad dhinacyo fara badan ka eegtid. Markaad go’aan gaareysid waa inaad u kalla saarta faa’iido iyo qasaaro sababta ayaa noqoneysa wax weliba waxaa ku lamaansan guul iyo guul daro.

Fursada wax ka sii dhigaada marka aad milicsato ruux xambaarsan aragtiyo kalla duwan fursad sii, taasi ayaa fududeynayso in aad kalla qaadataan xog muhiim ah oo la xiriira nolosha iyo dabeecada, maxay noqon natiijada waxaa markiiba garaneysaa fikrada uu xambaar sanayahay iyo waxa uu damacsanyahay. Adigase waxaa lagaa Doonaaya in aad kalla saarto waxa kaalla gudboon fikirkiisa adigoo eegaya wanaaga iyo Qadarinta qofka aadanuhu mudan yahay.

Dadka kulla dhaqan naxariis iyo xushmad. Naxariista iyo xushmada waxay kaalin weyn kaga jirtaa nolosha wanaagsan waxay sahashaa inaad bulshada sumcad ka kasbato siddoo kalle waxay sahashaa in bulshada guud ahaanteeda ay xiiso weyn kuu qabaan la kulan kaada”

Qofkasta ugu yeer darajadiisa, waa xaasidnimo tan ugu xun in aad xaqirto darajada qofku leeyahay, waayo is naceybku waxaa keena in darajada aan la isku ogoleyn oo la isku diido horumarka lagu tilaabsado sababtoo ah wanaaga bulshada waxaa kaalin ka ciyaarta in la isku ogolaado darajada qof leeyahay misana uu kasbaday.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply