fb

Waxa Murugo Kugu Filan In Aad La Dhaqanto Dad Aay Duruufuhu Kugu Kalifeen, Laakiin…

Published: April 11, 2016, 8:41 pm

Intaanoo qodob waa qodobo kugu filan murugada hadaba si aad ugu feejignaato baro arimaha murugada kugu dhaliyo.

1. Waxa murugu kugu filan in aad aragto adiga oo ku guul daraystay arin aanad kaba filayn khasaaro.

2. Waxa murugo kuugu filan in aad dib u eegtid guuldarooyinkaaga oo aad tirin kari waydo.

3. Waxa murugo kuugu fian in aad maalin indhaha ku kala furto dhacdo aanad doonayn, dhicisteedana aad in badan ka dadaashay.

4. Waxa murugu kuugu filan in aad ku hamido soo noqoshada waayo ku dhaafay oo aad ka gami waydo wanaagooda.

5. Waxa murugo kuugu filan in aad xasuusato saaxiibo qaaliya oo badan oo aad lahayd oo god galay.

6. Waxa murugo kuugu filan in aad dhawaaqdid inta karaankaaga ah oo aad aragto inaan cidina ku maqlayn.

7. Waxa murugo kuugu filan adoo arkaya in lagu dulminaayo oo aad awoodi waydo is difaac.

8. Waxa murugo kuugu filan in aad magaca jacayl dartii uga tanaasusho mawqif iyo aragtiyo aanad la’aantood karaamo iyo sharaf yeelanayan.

9. Waxa murugo kuugu filan in waayaha iyo noloshu kugu kalifaan in aad badasho mabaadiidaada.

10. Waxa murugo kuugu filan in dadku wax ku moodo oo hawl aanad ka dabaalan karin madaxa kuu saaraan.

11. Waxa murugo kuugu filan in wax kasta oo wanaaga oo aad lahayd aad cagtaada hoos dhigto, adiga oo danta kaliya ee aad leedahay tahay aad saraysid iyo mansab muuqda qabso.

12. Waxa murugo kuugu filan in aad isku kalifto iska yeelyeelka waxaanad ahayn si aad isugu muujiso inaad tahay qof wanaagsan.

13. Waxa murugo kuugu filan in aad u dhoola cadayso waji aad ku hamido inaad uu ku la dhaco.

14. Waxa murugo kuugu filan in aad la dhaqanto dad ay duruufuhu kugu kalifeen, laakiin aanad waxar luntay waydiiseen.

15. Waxa murugo kuugu filan in adiga oo arkaaya in waxa kasta oo ku hareer yaalaa xumaadeen aanad murugadaada hadal ku muujin karin ee aad aamusnaan ku cabirto.

Mahamed mahamud jama


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply