fb

Waan Tagi Doonaa Laakiin Illaahey Baan Ku Dhaartee Waad Ii Qoomameen Doontaan “Kumaan Ahay”..

Published: April 12, 2016, 8:37 pm

Waan sii socda….waana idin ka tagaya….wu idin ku jira kii i hagaajiya oo i wanaajiya…..wana idin ku jira kii i xumeeye oo i dulmiye….laakin dhamaantiin waa i dhalyarsateen…..xisaabta igumaydun darsan jirin….sharaftayda iyo mudnaantayda iyo qiimahayga idin maynu i siin…..imikana waan tagaya dibna idin ku soo noqon maayo.

Rabigii kacbada abuuran ku dhaarte waydu isku qoomamayn doontan sida ila dhaqanteen….waydun isku qoomamayn doontan sida dareen la’aanta ah ee ila dhaqanteen….dhamaantiin kii i wanaajiye iyo kii i xumeeye…..fursad qaali ah aya lumiseen intan idin dhex jooge….dhamaantiina waydun is qoomamay doontaan.

Ma garateen cidan ahay???
^

^

^

Waxan ahay maalintiina…..waxan ahay daqiiqada iyo ilbidhiqsada idin dhaaftay adinko iga faaidayn…..waxan ahay saacada ku luntay macsida Ilaahay…..waxan ahay maalinta idin dhaafta soona noqonayn ilaa maalinta qiyaamah…..marka Ilaahay la hor istaagi doono.

Wali sidaa ma uga fikirtay?

Imisa saacadood aya maalintaada ka luma?

Imisa maalmood aya ku soo dhaafay aad dunida u shaqaynayse?

Imisa maalmood aya macsida Ilaahay idin ku dhaafay?

Ma dareensanid inu waqtigu ku dhaafay cumrigaaguna socdo?

Maalinta qiyaame ilbidhiqsiga idin dhaafa ayad iska qoomamayn doontan.

Goormad qiimahayga dareenmi doonta?

Akhristayaal imika wixii ka danbeeya wakhtigiina ilaalshada oo Ilaahay ka baqa.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply