fb

Waalidka Ubadkooda Koolkooliya oo Markay Koraan Fahamka Noloshu ku Adkaado.

Published: April 12, 2016, 3:27 pm

Waalidka aadka u kool-kooliya ubadkooda, isla markaana inta badan ilaaliya, ayaa la ogaaday in arrintaasi khatar badan ku keento carruurka jacaylka xad-dhaafka loo muujiyo, waxana aakhirka ku adkaata inay wajahaan nolosha dhabta ah sida ay sheegeen khubaro ubadka ku takhasustay.

Da’yarta waxa ku adkaada inay wajahaan xaaladaha adag ee bulsho marka hooyadood amma aabbahood wax kasta u fuliyaan, una fududeeyaan inay fadhiga wax walba ugu geeyaan, sida ay sheegeen khubaradan oo ka tirsan Jamacadda Warwick University ee dalka Ingiriiska.

“Waalidka aadka u ilaaliya ubadkiisa ee si xad-dhaafka u koolkooliya mustaqbalka dhibaato ayey la kulmaan. Tusaale ahaan, haddii ay wax kasta fadhiga ugu keenaan, ugana baqda inay dhib gaadho hadday dibadda ku ciyaaraan waxay ku keentaa in ay noqdaan qaar aan dadka la dhaqmi karin, noloshana waajihi karin,” ayuu yidhi Prof. Dieter Wolke oo culimadan ka tirsan.

Waxa kaloo cilmi-baadhayaashu xuseen in ubadka noocaas ah la ka lunto kalsoonida ay ku maamuli lahaayeen noloshooda, had iyo jeer waxay noqdaan qaar cid kale ku tiirsan oo aan iskood wax qabsan karin.

Dhakhaatiirtu waxa ay soo jeediyeen in carruurta la baro intay yaryar yihiin sidii ay naftooda ugu filnaan lahaayeen, ugana gudbi lahaayeen haddii dhibaatooyin la soo gudboonaadaan oo aanay ku tiirsanaan qof kale.

“Waalidka marka ubadkooda ilmo le’eg dilo, intay cararaan macallinka u taga, kadibna kulan la qaata, dagaal iyo rabshadna abuura, waxay carruurtooda ku noqdaan kuwa aad u nugul, sababtoo ah hadhaw haddii naftiisa weerar ku yimaad iskama difaaco,” ayuu yidhi Prof. Wolke oo u warramay wargeyska Time Educational Supplement.

Sidoo kale, Mr. Cluade Knights oo ah madaxa xarunta Kidscape oo ka shaqaysa dhibaatooyinka ubadka gaadho, ayaa waalidka ugu baaqay in ay carruurtooda baraan sida la isu maamulo, loona qabsato waxyaabaha khaaska u ah noloshooda, sida inay musqusha kaligood galaan, saxaradana iska maydhaan si aanay aakhirka ugu baahan cid arrimahaas ka caawisa.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply