fb

Toddobadaan Sheey Ruuxii Sameeyaa Malaa’igtaa Usoo Duceyso “Akhriso Oo Ku Dhaqan”..

Published: April 13, 2016, 12:00 am

1) Sugidda Salaada lagu Sugo Salaada kale

Rasuula CSW, wuxuu yiri:- Qofkiin Intu Fadhiyo Halku Salaada ku Dukaday uusana Adduun ka Shekeen (Ama Aysan Weysada ka Jabin) Waxa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahan:- Alloow u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso Adoonkaaga.

2) Qofka Salaada ku Tukado Safka Hore iyo Safka Labaad.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Allaah SW iyo Malaa’iktiisa Waxey u Duceyeen Qofka ku Tukaday Safka Hore, Asxaabta waxay yiraahdeen:- Rasuul Alloow Safka Labaadna? Nabiga CSW, wuxuu yiri: Haa Waa ka mid yahay Safka Labaad.

3) Qofka Salaada Subax ku Tukado Jameecada.

Nabiga CSW, Salallaahu Caleyhi Wasalam Wuxuu yiri:- Ruuxii Salaada Subax Tukado, oo Fariisto Halku ku tukaday Salaada, waxaa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahaan:- Alloow Adoonkaaga u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso.

4) Qofka Salaadiisa Aamiinta Ku Daro Markasta.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ruux Ma Jiro Dhaho Aaamiin Xiliga Salaada ilaa Haddu Jiro, Aamiintiisa Haddu Alle Waafajiyo Xilliga ay Malaa’ikta Aamiin Dhaheyso waxaa loo Dhaafaa Dembigiisa Hore iyo kiisa Dambe.

5) Ducada Qofka Walaalkiis Muslimka ah u Duceeyo Isagoo ka Maqan.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Qofkii u Duceeyo Walaalkiis Muslimka ah Isagoo ka Maqan, waxaa Madaxiisa Istaago Malag loo soo Wakiishay ilaa uu Ducada ka Dhameeyo, wuxuu leeyahay Malaga Aamiiin, Adigana waxaad leedahay Inta ugu Duceysay oo Kale.

6) Qofka Allaah Dartiis u Bixiyo Xoolahiisa.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ma jiro Qof Bixibo Xoolo ilaa Haddu jiro, waxaa soo Dego Labo Malag, kan Koowaad wuxuu Dhahaa: ilaahoow Sii wuxuu Bixiyat oo kale, midka Labaadna wuxuu Dhahaa: ilaahoow wuxuu Heysto u Barakeey.

7) Qofka Dadka Baro Kheerka iyo Wanaaga.

Rasuulka CSW, wuxu yiri:- Allaah SW, iyo Malaa’iktiisa iyo Reeraha Samawadka iyo Reeraha Dhulka iyo Khuraanshada Godkeeda ku jirto ilaa Kalluunka Badda ku jiro, waxay u Duceeyaan Qofka Dadka Kheerka Baro.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply