fb

Si La Yaab Leh U Xasuuso Awoodaha ILLAAHEY Kadibna Is Xisaabi Oo Kala Garro Arimahan Dhabta Ah..!!

Published: April 9, 2016, 9:58 pm

Allaa Weyn oo Awood leh

Weli ma aragtay Gaari shidaalka, Olyada matoorka, saliida isteerinka, gaaska qaboojiyaha, biyaha wiibarada, kuwa raayatooraha iyo naqaska taayirada laga siiyo ama looga shubo hal meel? Si fudud jawaabtu waa Maya, mana dhici karto.

Waxaan cunaa cuntooyin kala duwan oo ka kooban proteins, carbohydrates, fats. Waxaan cunaa khudaar. Waxaan cabnaa Caano, Biyo, Sharaab, Shaah, waxaan intaa ka qaadanaa weliba ka neefsanaa hal Af, Afkeena! mid kastana wuxuu si automatic ah u aadaa meeshi loogu talagalay. Waxaa loo sii kala jajabiyaa qeybo badan ka dibna waxaa la kala siiyaa organada, xubnaha jirkeena ee u baahan innagoo shaqo ama hagid midna ku darsan. Ma aha wax iska dhaca, Alle SWT ayaa Abuuray una naqshadeeyay sidaa.

Annaga bini’aadanka marki sidaa naloo dhameystiray wax kastana naloo fududeeyay waa in aan garanaa in ay jirto Ujeedo Nolosha ah, Sabab cad oo Alle inoo Abuuray, Aduunkana noo keenay.

Alle SWT ha inaga dhigo kuwii Rabigood keliya Caabuda, Raali ahaanshihiisana doona. Kuwii raaca wixi la faray, kana reebtoonaada wixi laga reebay. Kuwii rajada iyo raxmada Alle aan ka quusan.

Share – Sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply