fb

Saddexdaan Walxood Ruuxii Sameeyo ayey Dib Ugu Soo Noqdaan Asagaana Ka Qoomameeyo..!!

Published: April 10, 2016, 10:23 am

Saddex Sheey qofkii sameeya, isaga ayey ku noqotaa, waxeyna kala yihiin:- Dulmiga, Khiyaanada & Balanka oo laga Baxo.

1 – DULMIGA

AllaahSW, wuxuu yiri:- Du;moha aad sameeneysaa Dushiina ayuu ahaan doonaa. (Suurat yuunus- Aayadda 33aad). (Waa halka soomaalidu ka tiraahdo: Dhagar qabe Dhulkaa la Dhaq-dhaqaaqa).

2 – KHIYAANADA.

Allaah SW, wuxuu yiri:- Khiyaanada la Sameeyo waxey ku soo noqotaa Qofkeeda. (Suurat Faadhir – Aayadda 43aad).

3 – BALLANKA OO LAGA BAXO

Allaah SW, wuxuu yiri:- Qofkii Ballan ka baxaa isaga aya Heli Cuqubadeeda. (Suuratul Fatxi – Aayadda 10aad).

Ballanka oo laga baxaa waa Sheey aad u Xun. Balan La’aantuna waa Diin La’aan, haddana Qofkii Niyaddiisu Xun tahay wuxuu Helayaa Ciqaab Xun, wuxuuna waayayaa Kheerkii uu heli lahaa haddii uu Oofiyo Ballanka uu galay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply