fb

Qormo Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Doorka Dhalinyarada Soomaaliyeed Aay Nolosha Ka Cayaari Karaan..

Published: April 10, 2016, 9:49 am

Sidaynu wada ognayahay dhalinyaradu waa laf dhabarta umada kasta waana kaydka dhabta ah, waxaana wanaagsan in si fiican looga fa’iidaysto, bulsho kasta mustaqbalkeeda wuxuu ku xiranyahay dhalinyaradiisa, umadii aqoonsataa muhiimada  dhalinyaradu leedahay ayna si wanaagsan u tarbiyadeysaa waxaa hubaal ah in dhalinyarada gaarayaan guulo la taaban karo oo dhinac kasto leh, laakiin bulshadii  dayacdaa  dhalinyaradeeda waxay lakulantaa  baaba’a iyo dabar go’a.

Inta badan waxaynu taariikhda ku maqalnaa umada badan oo xadaarado lahaa laakiin xadaaradahoodii baaba’een , taana waxa u sabab ah dhalinyaradii umadahaa ayaa garan waayay doorkoodii siina wadi kari waayay xadaaradahii iyo horumarkii ay umadahoodu haysteen, tusaale ahaan: xadaaradihii Romanka, Greece, yahuuda, China iyo India.

wakhtiga qofku dhalinyarada yahay waxa weeye xiliga uu ugu awooda badanyahay wax walbana inuu huro ay u fududahay, waxaa uuna  leeyahay xamaasad iyo firfircooni uu wax walba ku qaban karo. markaa hadii si fiican loo towjiihiyo quwaddaa dhalinyarada ku jirta waxa la gaarayaa guulo badan.

Diinteenuna qiima dheeraad ah ayay siisay dhalinyarada taana waxaynu ka qaadanaynaa Quranka iyo Sunada Nebiga(scw), Ilaahay oo dhalinyaro Mu’miniin ah amaanaya waxuu Aayad Quraana ku yiri: “Waxay ahaayeen dhalinyaro Rabbigood rumeeyay waxaanu u siyaadinay hanuun” AlkahfI. Nebiguna (scw) waxuu yiri: “Waxa laygu gargaaray dhalinyarada”, waxa kaluu yiri: “Waxa ii gargaaray dhalinyarada markii Odayaashu I diideen”
Sidaynu la wada soconana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro, doorkii dhalinyarada asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta Diinta Islaamka waynu wada garanaynaa.

Sidaynu la wada soconana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro, doorkii dhalinyarada asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta Diinta Islaamka waynu wada garanaynaa.

Hadaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeena ama xilka ka saaran umadooda, maxaa yeelay horumar gaari mayno,dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.
Waxaan qormadan kusoo bandhigayaa siday aniga ila tahay dhawr arimood oo hadii aynu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeeni inuun rajo yeelandoono.

  • Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyad ku dhisan (To make a life with strategy) :- Waxa inala gudboon inay nolosheena ka dhigno mid istiraatiijiyad ku dhisan taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna fowdo ku dhisan tahay waxba kama bedeli karo mujtamaca uu la noolyahay.
    Waxyaabaha saldhiga u ah nolosha ujeedada leh waxa ka mida.
  1. i) Cilmiga(knowledge):-
    Qofkii doonaaya inay noloshiisu noqoto mid ujeedo leh waa inuu cilmi yeesho, cilmigaasoo mid Diineed iyo mid aduunyaba ah. waayo qof jaahil ahi noloshiisu hadaf iyo ujeedo midna ma yeelan karto,taana waxaynu ka qaadanaynaa Quraanka kariimka ah, ilaahay markuu damcay inuu Aadam ka dhigo khiliifkii arlada(dhulka) waxa uu ku doortay waxay ahayd cilmiga uu baray cilmigaasoo aanay malaa’iiktu aqoonin taasaana ehel uuga dhigtay Aadam inuu dhulka ka noqdo khaliifo. Ilaahay Ayaadiisa ayuu ku yiri (swt): ” Ilaahay wuxuu idinka abuuray dhulka waxaanu idinka doonayaa inaa camirtaan”:,macneheedu waxa weeye ilaahay wuxuu inaga abuuray dhulka markaa wuxuu inaga doonayaa inaynu camirno beerano, aqoon la’aanna dhul lama camiri karo lamana beeri karo ,sidaa darteedbaa ilaahay markuu ina leeyahay dhulka beera waa inaynu marka hore cilmigii beeraha baranaa oo la helo engineerkii beeraha iyo dhakhtarkii beeraha ka kadib markaas ayaa wax la beeri karaa. Sida la ogyahayna qof cilmi leh iyo qof jaahil dhinaca iskaga mid maaha. Markaa waa in lagu dadaalo Cilmiga, gaar ahaan dhalinyarada Ilaahay fursadaha u siiyay inay tagaan meelo laga heli karo cilmi, mid diineed iyo mid maadi ahba.

ii)Wakhtiga (time):-
arinka kale ee muhiimka u ah nolosha u jeedada leh waxa weeye inuu qofku wakhtigiisa ka fa’iidaysto, maxaa yeelay wakhtigu waa nicmooyin waawayn ee ilaahay siiyay dadka loona baahanyahay inaan si macno daro ah layskaga lumin. Rasuulkeenina(NNKH) waxuu yiri:-“Laba nicmo dadka intiisa badan waa lagu dagaa Firaaqaha(Wakhtiga) iyo Caafimaadka “. Gaaladuna waxay ku horumareen markay garteen qiimaha wakhtigu leeyahay kana fa’iidaysteen. Wakhtigana waxa uugu qiima badan inta dhalinyarada la yahay, markaa ha lagu dadaalo sidii wakhtiga dhalinyaranimada looga fa’iidaysan lahaa.

Waxa mudan inaan halkan ku xuso sida dadkeena somaliyeed gaar ahaan dhalinyaradii wakhtiga iskaga lumiyaan,dhalinyarada wadanka joogta intoodii badnayd waxuu wakhtigii kaga lumay qaad cunis iyo makhaaxi fadhi, intii debedaha u baxdayna weli waxay ku jiraan badankoodi geedi meel ay ku dambayna uuma kala cadda, dadkeena badinkiisa waxaad arkaysaa inay dalal badan isku marayaan, markay mid wax yar joogaanba uugasii gudbayaan dal kale. Inkastoy dadka qaarkii qasab ku tahay inay meeshii hore ka tagaan oo meel ka fiican tagaan, iyagoo ka eega xaga nolosha, hadana guur guurku waa mid inoo caado ah.Halkaana waxa ku dhabowday odhaahdii ahayd “Somalidu waa Reer Guuraa”. Hadii sidaa lagu sii socdana waxa halkaa ku lumaaya cimriga intii uugu qiimaha badnayd ee aynu wax qabsan lahayn.

iii)Qorsheyn(Planning):-
Mida kale ee muhiimka u ah in qofka noloshiisu ujeedo yeelato waxa weeye in nolosha mid nidaamsan laga dhigo oo wax walba qorshe loo yeelo maxaayeelay marka la doonayo in hawl la qabto hadii marka hore intaan la guda gelin hawsha lasii dejiyo qorshihii lagu qaban lahaa hawshaas ka dib qabashadiisu way sahlanaanaysaa tusaale ahaan hadii la doonayo in guri la dhiso ninka Engineerka ahi marka hore waxuu sameeyaa wax la yidhaah (planning) qorshihii siduu u dhisi lahaa guriga iyo waxuu u baahanyahayba qalab, markaa ka dib ayuu ku dhaqaaqaa dhismaha guriga.

Markaa waxaan leeyahay hadii aynu doonayno inaynu mustaqbalkeena iyo mustaqbalka mujtamaceenaba dhisno waa inaynu qorsheynaa  waxa uu u baahanyahay iyo noocyadda mujtamaca aynu doonayno inaynu wax ka bedelo, uuna kala horaysiinaa arimaha siday mudnaanta u kala leeyihiin, Somalidu waxay ku maahmaahdaa (Ood siday u kala sareeysa baa loo kala guraa). Waa in dhibaatadu intay leegtahay la eego dabadeedna xalkii ku haboonaa loo raadiyo,hadii ay tahay mid dhaqaale ama mid siyaasadeed ama mid bulsho ama mid diimeedba. Waxa kaloo haboon in danta guud laga hor mariyo danta gaarka ah, qodobkan waxaan uuga jeedaa waa in daraaso la sameeyo intaan hawsha la guda gelin.

2)In Islaamka loo fahmo si Qoto dheer(To understand islam drastically):-
Qodobka labaad waxa looga baahan yahay dhalinyarada maanta inay Islaamka si sax ah u fahmaan, taana waxaan uuga jeedaa maaha in la garto in cibaadaadka sida Salaada, Soonka, Zakada, Xajka iyo wixii la mid ah ay farad yihiin, kuwaas qof kastoo muslim ahiba wuu garanayaa ee waxaan uula jeedaa in loo fahmo Islaamka inuu yahay nidaam dhamays tiran oo wax walba koobaaya, wixii loo baahdana laga helaayo haday noqoto dhaqaalaha ama Siyaasada ama Bulshada ama aqoonta ama xidhiidhka ka dhexeeya muslimiinta dhexdooda iyo umadaha kaleba.Waa in islaamka loo fahmo inuu la jaan qaadi karo wakhti walba iyo umad walba,taasina waa siday u fahmeen dadkii inaga horeeyay ee salafka ahaa,waa fahamkii gaadhsiiyay noloshooda heerkii uugu sareeyay mid Aduunyo iyo mid Aakhiraba.
Ma aha in loo fahmo islaamka mid ku eg Masaajidka iyo waxyaabaha shakhsiga ah (Personal Affairs) oonu shaqo ku lahayn nolosha inteeda kale.

Waxa kaloo looga baahanyay dhalinyarada Somaliyeed inay fahmaan afkaaraha kale ee dunida maanta ka jirta iyo waxuu islaamku kaga duwanyahay afkaarahaas cusub. Waayo qofkaan diintiisa iyo dhaqankiisa waxba ka aqoonini wax uu ka bedeli karaa umadiisa ma jirto,haduu is yidhaah Diin kale iyo dhaqan kale ku horumarina uma suuroobayso waayo sida xaqiiqadu tahay umadina kuma horumari karto diin iyo dhaqan ayna lahayn oo debedaha laga keenay.

Hadalkoo kooban waa in islaamka loo fahmo siduu yahay een loo fahmin sida reer galbeedka iyo war baahiyayaashodu ka sheegayaan ama sida dadka muslimka ah qaarkii ku dhaqmaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply