fb

Qiso Gaaban oo Cajiib ah (waxaan Rabaa Sowjad Saalix ah, Gacanta i qabata ilaa Jannada).

Published: April 12, 2016, 11:34 am

Najmu-diin oo ahaa Amiirkii Tikriit, ma uusan Guursan, sidaasi darteed Walaalkiisa Asadu-diin ayaa weydiiyay:- Walaaloow maxaad u Guursan waydsay ?, Najmu-diin wuxuu ku jawaabay: Weli ma hayo mid ii wacan.

Asadu-diin ayaa misana yiri:- Ma kuu doonaa Gabarta uu Dhalay Boqor Shah Bintu Suldaan.

Najmu-diin ayaa haddana ugu jawaabay:- Iyaguna iima Wacna.

Asadu-diin ayaa yiri:- Hadaba yaa kuu Wacan ?

Najmu-diin wuxuu yiri:- Waxaan Rabaa Sawjad Saalixa, Gacanta i Qabata illaa Jannada oo ii Dhasha Walad Saalix ah oo noqda Geesi Qudus dib ugu soo Celiya Muslimiinta.

Asadu-diin ma uusan Cajabin Hadalkaan, kolkaas ayuu si Kulul ku yiri:- yaa waxaas kuugu Sheekeeyay?
Najmu-diin:- Qofka Allaah Niyad Barax tiran ku tala Saarta, Allaah ayaa ku Arsaaqa wuxuu Rabo.

Haddaba, Maalin maalmaha ka mid ah Najmu-diin oo la Fadhiya Masaajidka,ayaa mid ka mid ah Culimada, wuxuu Maqlay Gabar Dariishada Masjidka Gadaasheeda kala Hadlaysa Sheekha.
Sheekhiina wuxuu Fasax weydiistay Najmu-diin si uu ula Hadlo Gabardha.

Najmu-diin ayaa Hadalkoodii soo gaaray.

Sheekhii oo dhahaayo:- Gabaryahay maxaad u Diiday Ninkaan kuu soo diray.

Gabartiina waxey dhaheysay:- Run ahaantii waa Nin Allaah isugu daray Qurux, Lacag iyo Nasanimo, balse iima Wacna.

Sheekhii ayaa yiri:- Oo maxaad Rabtaa?

Gabartii baa tiri:- Waxaan Rabaa Nin Gacantayda ii qabta ilaa Jannada oo aan u Dhalo Walad Tarbiyad wacan lagu soo Koriyay, noqdana Geesiga Muslimiinta u soo celiya Qudus.

Allaahu Akbar, waa isla Hadalkii uu Najmu-diin lahaa.

Najmu diin wuxuu Diiday ina Boqor iyo ina Suldaanba.

Iyaduna waxay diiday Nin Qurux, Lacag iyo Nasabnimo isku haysta, labadooduba waxey ka Door bideen ruux gacantooda qabta ilaa Jannada una dhala wiil Muslimiinta Qudus usoo celiya.

Najmu-diin ayaa markuu soo noqday Sheekhii Weydiistay waxaan rabaa Gabadhaas inaan guursado.
Sheekhii ayaa yiri:- Waa Miskiinad ka mid ah Saboolada Magaalada.
Najmu-diin:- Miskiinaduba waa taan Raadinayay.

Sidii ayuu ku Guursaday Najmu-diin Gabadhii, waxey u Dhashay Wiil Muslimiinta wax badan u taray una soo celiyay Qudus, waa Salaaxuddiin Al Ayuubi.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW TOWFIIQDA NA WAAFAJI),.
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply