fb

Qiso Cajiib Ah Maxaa dhex Maray Haarun Al-Rashiid iyo Ninkii Waalnaa..

Published: April 11, 2016, 4:12 pm

(Haarun Al-Rashiid iyo Ninkii Waalnaa)..

Waxaa jiray Nin Waalan oo la Oran jiray Bahaluul, Wakhtigi khilaafadii ee Haarun Al Rashiid.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu soo maray Haarun Al Rashiid, Bahaluul oo Dul Fadhiya Qabuuraha si Caro leh ayuuna Haaruun ku yiri:- Waryaa Bahaluul Ninyahaw Waalan Goormaad Caqliyeysan ?, Bahluul Intuu kacay oo Fuulay Geed aad u dheer ayuu Cod dheer Qeyliyay, isagoo leh:- Waryaa Haaruun Ninyahow Waalan Goormaad Caqliyaysan ?.

Haddaba, Haaruun intuu ku soo Dhaqaaqay Dhankiisii ayuu isagoo saaran Faraskiisii Hoos yimi Geedkuu saarna Bahaluul, oo ku yiri:- ma anaa Waalan mise Adiga Qubuuraha kor Fadhiya ?

Bahluul wuxuu yiri:- Maya Anaa Caaqil ah. Haarun, Adaa Waalan, Sababtoo ah Adiga kan ayaad Camirtay, (isagoo Farta ku Fiiqay Qasrigiisii), waxaadNA Qaraabisay oo aad ilowday Kan,(isagoo Farta ku Fiiqaayo Qabriyaasha), wuxuu weliba intaas sii raaciyey Labadena yaa Fiyoow, yaase Waalan)?.

Haaruun wuu Gariiray, illin ayaana ka soo Daadatay ilaa Garkiisa ay ilintu Qoysay, wuxuuna yiri:- Bahluuloow i Waani oo ii Ziyaadi. Bahluul ayaa yiri:- Waano waxaa kugu Filan Kitaabka Alle ee Laasim.

Haaruun ayaa haddana yiri:- Bahluuloow wax iga Dalbo. Bahluul ayaa yiri:- Saddex Shey hadaad ii Sameysid waan kaga Mahad Celinaa:-

1- Cimriga ii Ziyaadi.

2- Malakul Mowd iga Celi.

3- Cadaabka iga Badbaadi, oo Janada i geli.

Haaruun Al Rashiid wuxuu ku Jawaabay Intaasba ma Awoodo. Bahluul baa yiri:- Hadaba Adiga Boqor ma tihid, ee Ogoow in Boqor Laguu yahay oo ay jirto Awood kaa Sareysa oo waxaas oo dhan Sameen karta.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply