fb

Madaadalada Jimcaha Iyo Sheekooyinkeenii Aadka U Qosolka Badnaa Oo Xiiso Gaar Ah Wato…

Published: April 15, 2016, 12:00 am

Waa mar kale iyo sheekooyinkii ila qosolka ahaa ee aanu ku nasan jirnay maalin weliba oo Jimco ah.

Maanta waxaan idiin wadnaa sadax sheeko oo aad u qosol badan si aan ugu nasano, hadaba akhriste sheekada aad ka hesho dhanka hoose inoogu reeb….

Akhristaha kobciye.com xusuusnoow waxani waa madadaalo dhab ha u qaadan qaab qaldana ha u macneysan,,

Sheekada Koowaad.

Sheekh da’ ah ayaa waxaa u yimid nin gaal ah oo inoo soo islaamo doonayay, sheekhii ayaa dhahay, adeeroow islaanimada waa buuxdaa oo boos kagama banaano, ee markuu qof dhintaa lagugu badalaa noo kaalay,

Maalmo yar kadib ayaa duq muslim aheyd xaafada daganeyd dhimatay ninkii doonayay booskaas inuu buuxiyo ayaa sheekhii u yimid wuuna u sheegay, sheekhii ayaa yiri wan ka xunahay intaadan noo imaan shan daqiiqo kahor naloo soo sheegay in gabar islaam ah aay dhalatay ayadaa buuxisay, ninki oo yaaban ayaa iska noqday.

Sheekhii ayaa la su’aalay sabab ayaad ninkaan ugu diidan tahay diinta beentana ugu sheegeysaa, iskama waalinee wuxuu yiri adeeroow afartan sanno ayaan soo mitideynay inan janada galno markaasuu rabaa markuu dhiman rabo inuu nooga hormaro…..

Sheekada Labaad

Xarfaan cabtooy ah Ayaa safar u baxaayay markuu ceelaboorka tagay ayuu arkay sawir nin oo darbika ku dhagan

Markaas ayuu weydiiyay askarta ceelaboorka joogtay mid ka mid ah Wuxuu dhahay ninkaan yaa waaye askarikii Ayaa dhahay ninkaan danbi ayuu galay Waa la raadinooyaa cabtooykii kulahaa waaba soo sawirteenee maxaa uku soo tagteen

Hadaba akhriste madadaalada isbuuca kobciye.com waxaan kusoo koobeynaaa labadaas sheeko aanu ugu talo galnay in maanta oo jimco ah kaga nasano mudadii aanu kusoo dhex jirnay, arimaha jaceylka, qisooyinkii dhacay iyo weliba layaabka aduunka.

Hadaba sheekada aad ka heshay ama kugu qosolka badneyd numberkaada dhanka hoose inooga reeb.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply